Tuesday, July 17th, 2018

Juventus Oo Durba 160 Milyan Oo Euro Ka Faa’iiday Cristiano Ronaldo Oo Aan Wali Heshiis lagaarin

Published on July 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(06-07-2018) Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa durba dhadhamisay macaanka iyo nolosha cusub ee uu Cristiano Ronaldo u horseedi karo marka sida la filayo ay toddobaadka dambe dhamaystiraan qandaraas afar sannadood ah oo uu u saxeexi doono.

Muddo saddex maalmood ah oo suuqyada iibka ciyaartoyga ay haysatay sheekada Cristiano Ronaldo, waxa cirka isku shareeray saamiyada ay suuqyada ka taagan tahay Juventus, taas oo keentay in lacag dhan 160 milyan oo Euro ay usoo xerooto.

Saamiyada Juventus ayaa gaadhay halkii ugu sarraysay taariikhdeeda waxaana ku kordhay 22 boqolkiiba saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey, lacagta kasoo xerootayna waxay noqotay 160 milyan, taas oo ku dhowaad kala badh ka badan lacagta la filayo in Juventus ka bixiso Ronaldo oo dhan 100 milyan oo Euro.

Sida uu sheegay wargeyska dhaqaalaha ee Calcio e Finanza, qiimaha saamiga Juventus oo hore suuqa uga joogay 665 milyan Euro ayaa gaadhay 825 milyan oo Euro, hase yeeshee waxa intan u dheer in mushaharka Ronaldo qaadan doono kooxda ay bixin doonaan shirkado kale sida Agnelli familiy portfolio, iyo waliba Exor Controls, Ferrari, FIAT iyo Jeep, taas oo ka dhigan in Juventus ay lacag xad-dhaaf ah ka heli doonto Ronaldo.

Cristiano Ronaldo oo haysta baabuur badan oo qaali ah aya waxay warbaahinta Talyaanigu sheegtay inuu noqon doono shakhsiga ay shirkadda FERRARI u adeegsan doonto xayeysiinta baabuurteeda, taas oo sannadkii siin doonta 20 milyan oo Euro oo ka baxsan mushaharka Juventus uu ka qaadan doono.

Waxa kale oo Juventus ay lacago badan ka heli doontaa iibka shaadhkiisa oo durba si xawli ah uga bilaabmay suuqyada inkastoo suuq madow uu yahay.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Faah faahin laga bixiyey Sababta uu Alexis Sanchez uga haray safarkii Maraykanka ee kooxdiisa?

(17-7-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ayaa u duulay dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan koobka ...

Zlatan Ibrahimovic Oo Si Layaab Leh U Amaanay Paul Pogba Iyo Saamayntii Uu Ku Lahaa Koobka Adduunka

(17-7-2018) Laacibkii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis ...

Cristiano Ronaldo” Waa kaduwanahay dhamaan Cayaartoyda kale halkaana uma imaan dalxiis+Sawiro

(17-7-2018) Cayaaryahanka cusub ee kooxda Juventus  Cristiano Ronaldo ayaa qabtay shirkiisii Jaraa id ee u horeeyey tan iyo Markii ...

Dhacdooyinkii ugu Saameynta badnaa koobka aduunka 2018+Sawiro

(16-7-2018) Kadib Markii Maalinkii Axada lasoo gaba gabeeyey koobka aduunka 2018 waxaa lasoo saaray abaalmarino kala duwan oo ...

Daawo Sawirada Soo dhaweyntii abid ugu Weyneyd oo Paris loogu Sameeyey Xulka France

(16-7-2018) Geesiyaashii dalka France u qaaday koobka qiimaha badan ee Adduunka ayaa dib ugu laabtay Caasimada dalkooda ee ...

Talyaaniaga 2 kooxood oo lagu Ganaaxayo in ay u laabtaan Horyaalka heerka labaad Sabab?

(16-7-2018) Xiriirka kubada Cagta dalka Talyaaniga ee Magaciisa loosoo gaabiyo FIGC ayaa sheegay in Maxkamada la soo taagi ...

Jose Mourinho oo Juventus ugu hanbalyeeyey Saxiixa Cristiano Ronaldo.

(16-7-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa hanbalyo u diray Kooxda Juventus kadib heshiiskii ay kula soo ...

Paul Pogb oo ku jees jeesey England iyo Mustaqbalkiisa Manchester United oo mugdi galay+Sawiro

(16-7-2018) Cayaaryahanka Khadka dhexe ee kooxda Manchester United iyo Xulka dalka France Paul Pogba oo dalkiisa kula Guuleystey ...

Macalinkii Xulka Kubada cagta Argentina oo iscasilay

(16-7-2018) Xidhiidhka kubadda cagta ee dalka argentina ee Argentine Football Association ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ...

Daawo Sawirada Cristiano Ronaldo oo Tijaabo caafimaad u Maray Juventus iyo sheeko Xiiso badan oo uu sheegay

(16-7-2018) Cayaaryahankii halyeyga ahaa ee Naadiga Real Madrid Cristiano Ronaldo  ayaa ugu danbayab si rasmi ah ugu biirey Kooxda ...

Kylian Mbappe Oo Si Cad U Shaaciyey Kooxda Uu U Ciyaari Doono Xili Ciyaareedka Dambe, Kaddib Guushii Koobka Adduunka

(16-7-2018) Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa war cad kasoo saaray mustaqbalkiisa kooxdaas kaddib markii uu ...

Dhamaan Rikooradii laga diiwaan geliyey Fiinalkii koobka aduunka 2018?

(16-7-2018) Kadib Kulankii ugu dambeeyey koobka aduunka ee dhex maray dalalka France iyo Croatia waxaan idiin soo gudbineynaa dhamaan ...

Cayaartoy badan oo Dunida ah oo Canbaareeyey Go.aankii Rigoorada loogu dhigay dalka France

(16-7-2018) Barnaamijka Muuqaalka Garsoore caawiyaha loo yaqaan “Video Assistant Referee system “ VAR – ayaa cambaareyn xoogan kala ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Maraykanka

(16-7-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United oo uu Hogaamninayo macalinkeeda Jose Mourinho ayaa Safar ugu anba baxay dalka ...

Magacyada iyo Sawirada 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Koobka Adduunka 2018

(16-7-2018) Kadib Markii axadii lasoo gaba gabeeyey koobka adduunka ayaa waxaa lasoo saaray Magacyada 11 kii Cayaaryahan ee ...