Thursday, January 17th, 2019

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada England oo u xoog sheegatay Sweden iyo Kane oo aan Gool dhalin

Published on July 7, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(07-07-2018) Xulka qaranka England ayaa u soo baxay afar dhamaadka koobka aduunka kadib markii ay si xarago leh u tumeen dhigooda Sweden. Muddo rubuc qarni ku dhawaad uu xulka England ka maqnaa afar dhamaadka koobka aduunka waxay ugu danbayn u muuqdaan kuwo hadda ka mid noqday xulalka koobka aduunka ku guulaysan kara.

Goolka furitaanka ee muhiimada wayn u lahaa England waxaa u dhaliyay Harry Maguire laakiin Dele Alli ayaa goola lbaad ugu quus gooyay Sweden waxayna Three Lions hadda sugi doonaan kulanka Russia iyo Croatia oo ay midkii soo guulaysata afar dhamadka koobka aduunka kula ciyaari doonaan.

Xulka England ayaa afar dhamaadka koobka aduunka u soo baxay markii saddexaad oo kaliya waxayna hore u soo gaadheen wareegan 1966 kii oo ay koobka ku soo guulaysteen halka markii labaad ay ahayd 1990 kii oo ahaa markii ugu danbaysay ee ay afar dhamaadka soo gaadheen.

SHIXIHII LABADA XUL EE KULANKAN:

England XI: Jordan Pickford; Kyle Walker, John Stones, Harry Maguire, Jordan Henderson; Kieran Trippier, Jesse Lingard, Dele Alli, Ashley Young; Raheem Sterling, Harry Kane.

Kaydka: Jack Butland, Nick Pope, Gary Cahill, Danny Rose, Jamie Vardy, Ruben Loftus-Cheek, Fabian Delph, Eric Dier, Phil Jones, Danny Welbeck, Marcus Rashford, Trent Alexander-Arnold.

Sweden XI: Robin Olsen; Emil Krafth, Victor Lindelof, Andreas Granqvist, Ludwig Augustinsson; Viktor Claesson, Sebastian Larsson, Albin Ekdal, Emil Forsberg; Ola Toivonen, Marcus Berg.

Kaydka: Karl-Johan Johnsson, Kristoffer Nordfeldt, Martin Olsson, Gustav Svensson, Filip Helander, Pontus Jansson, Oscar Hiljemark, Marcus Rohden, Jimmy Durmaz, John Guidetti.

DAQIIQADII 30 AAD Xulka England ayaa la yimid goolkiisa furitaanka kadib markii uu difaaca wacdaraha ka dhigaya koobka aduunka ee Harry Maguire uu gool madax ah ku dhaliyay kubbad uu Ashley Young ka soo tuuray koorne, wuxuuna Maguire ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Three Lions hogaanka ciyaarta kula wareegeen.

Sideed gool oo ka mid ah 10 kii gool ee uu xulka qaranka England ka soo dhaliyay koobka aduunka ayaa ahaa kuwo ku yimid kubbadaha sare ee aan ciyaarta furan ahayn ama rekoodhayaasha waana boqolkiiba 80% goolashii ay soo dhaliyeen.

Xulka qaranka Sweden ayaa bilaabay in ay si xoogan u raadiyaan goolka barbaraha balse sidoo kale England waxay ku hamiyayeen in ay keensadaan goolka labaad si ay ciyaarta maamulkeeda si buuxda gacanta guu dhigaan.

Raheem Sterling ayaa xulka qarankiisa England ka lumiyay fursado cadaan ah oo uu ugu yaraan ku dhalin karayay goolka labaad gaar ahaan waxa uu si toos ah goolka Sweden kubbada ugula baxay dhamaadkii qaybtii hore laakiin waxa uu awoodi waayay in uu kubbada shabaqa gaadhsiiyo.

England ayaa qaybtii hore gacanta sare ku lahayd kubbad bixinta, boosishanka iyo waliba natiijada taas oo si wayn u farxad galinaysay jamaahiirta Three Lions ee natiijada fiican kulankan ka filayay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 uu xulka England hogaanka ku hayay isla markaana uu culaysku Sweden ku saarnaa.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu xulka Sweden soo laabtay isaga soo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan isla markaana ciyaartoyda la soo siiyay dardaarankii ugu danbeeyay ee ay doonayeen in ay xaalada ku badalaan.

DAQIIQADII 47 aad Xulka Sweden ayaa helay fursad cajiib ah oo ay goolka barbaraha ku keensan kareen kadib markii uu Berg sare uga dheeraaday Ashley Young isla markaana uu ku dhawaaday in uu goolkan dhaliyo laakiin goolhaye Jordan Pickford ayaa tayadiisa ku soo bandhigay si uu xulkiisa natiiada ugu ilaaliyo.

DAQIIQADII 58 AAD Xulka qaranka England ayaa la yimid goolka muhiimada wayn u lahaa ee ay xaalada ugu sii xumeeyeen Sweden oo ay cadaadis badan kala kulmayeen waxaana goolka labaad u saxiixay Dele Alli kaas oo caawin aad u fiican ka helay Jesse Lingard, waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Three Lions hogaanka ugu dheeraysteen.

DAQIIQADII 65 AAD Tababaraha Sweden ayaa hal mar laba isbadal wada sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay J. Guidetti iyo Martin Olsson isaga oo saaray O. Toivonen iyo E. Forsberg wuxuuna doonayay in xulkiisu ay meel fog ka soo dagaalamaan.

DAQIIQADII 72 AAD Goolhaye Jordan Pickford ayaa badbaadin kale oo cajiib ah sameeyay kadib markii uu Berg uu fursad gool dhalin muhiim ah ku helay xerada ganaaxa laakiin Sweden ayaa markan aragtay Pickford oo aan si sahlan lagu garaaci karin.

Wax walba oo uu xulka qaranka Sweden iskugu dayay in uu la yimaado goolal waxa joojiyay Pickford oo kulan cajiib ah qaatay waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Three Lions kaga soo talaabsadeen Sweden isla markaana ugu soo baxeen afar dhamaadka koobka aduunka.

Kulanka caawa ee Russia iyo Croatia midkii soo baxa ayay xulka England wada ciyaari doonaan afar dhamaadka koobka aduunka iyada oo riyadii England ee koobka aduunku xaqiiqo buuxda u muuqanayso.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...