(07-07-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka Nigeria ee Jay-Jay Okacha ayaa si muran ku jiro ugu dhowaaqay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaartii waddank Belgium ugu soo gudbay wareegga semi finalka ee ay 2-1 kaga adkaadeen Brazil.
Belgium ayaa hoggaanka ciyaarta waxa u dhiibay Fernandinho oo reer Brazil ah oo daqiiqaddii 13aad iska dhaliyey, hase yeeshee daqiiqaddii 31aad ayaa uu Kevin de Bruyne mid labaad raaciyey ka hor intii aanu Renato Augusto oo beddel kusoo galay aanu goolka madiga ah Brazil u dhalinin daqiiqaddii 76aad.
Xiddigii garoonka ayaa siday FIFA ku dhowaaqday waxa uu noqday laacibka khadka dhexe ee Kevin de Bruyne oo dhaliyey goolka labaad, hase yeeshee ciyaarta oo dhan ka hagayey khadka dhexe, isagoo sameeyey fursado kale oo ku dhowaaday inay goolal noqdaan, halka uu dhinaca kale ka sameeyey badbaadin badan oo uu isku dhigay kubbado tegi lahaa goolkiisa.
Haddaba, halyeygii reer Nigiera ee Jay-Jay Okacha ayaa dhinac kale ka eegay qiimayntii ciyaarta, waxaana uu soo xushay Hazard oo dhaqdhaqaaq badan ka sameeyey garoonka.
Okacha oo markii ay ciyaartu dhamaatay hadlayey, ka hadlayey Telefishanka SuperSport oo uu falanqeeye ka yahay inta uu Koobka Adduunku socdo, ayaa waxa uu yidhi: “Maanta waxa dhacday ciyaar tayadeedu sarrayso oo aan is leeyahay labada kooxoodba waxay isku dayeen inay midba midda kale kasii sare marto. Maanta Belgum ayay u xaglisay, sababtoo ah ciyaaryahannada Brazil may samaynin wax ku filan inay ciyaarta ku guuleystaan. Way sameeyeen fursado, hore ayay kubadda u socodsiiyeen oo cadaadis sameeyeen, laakiin nasiibka ayaa ka xumaaday”
Intaas kaddib Okacha waxa uu ku dhowaaqay xiddigii uu is lahaa ciyaarta ayaa uu ugu wanaagsan yahay iyo halka uu ka eegay qiimaynta, waxaanu yidhi: “Belgium waxay ku dhowaadeen inay gool saddexaad dhaliyaan. Hazard ayaa ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsanaa garoonka fikirkayga, sababtoo ah qaybtii dambe si fiican ayuu u ciyaaray, kubadda ayuu hayey, ciyaartoyda kale ayuu la halgamayey, khaladaad badan ayaa lagu galay, xataa muu neefsanin. Marka aad halgamayso waxa aad u baahan tahay ciyaartoy isaga oo kale ah.”
Si kastaba ha ahaatee, Okacha ayaa qiimayntiisa waxa mugdi geliyey qiimaynta saxda ee FIFA ee laysku wada waafaqsan yahay oo la siiyey De Bruyne.
E-mail: info@qalinkacayaaraha.com