Thursday, January 17th, 2019

MASIIBO: Ciyaartooyo Dhulku La Go’ay Oo Badbaadintooda Lagu Wareeray, Farriimo Qiiro Leh Oo Ay Soo Direen Iyo Dunida Oo Ka Walaacsan Sida Loo soo Saarayo

Published on July 7, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(07-07-2018) Waxay dunidu ku dawakhsan tahay qaabkii loo badbaadin lahaa koox dhamaystiran oo uu wehelinayo tababarahoodii oo uu dhulku la go’ay wakhti ay ku jireen tababar, kuwaas oo muddo markii la’aa laga helay bohol weyn oo biyo ka buuxaan oo ay gunta hoose meel gebi ah ka laallaadaan.

Cayaartooyadan oo ay tiradoodu tahay 12 laacib oo kubadda cagta ah iyo macallinkoodii oo u dhashay waddanka Thailand ayaa quuseyaal godka galay ay bilowgii bishan soo arkeen iyagoo ka laallaada gebiga hoose ee god weyn oo biyo ka buuxaan oo la dumay, waxaana ay halkaas ku sugan yihiin kuddo 20 cisho ku dhow.

Muuqaallo ay dadka biyaha quusa kasoo duubeen ayaa waxay soo bandhigeen ciyaartooyada oo diciifnimo badan ka muuqato, hase yeeshee dhamaantood bad-qaba, balse waxa dawakhaad noqotay qaabka loo soo badbaadinayo, iyadoo biyaha godkaas ku jiraana ay sii badanayaan oo ay ku dhow yihiin inay soo gaadhaan halka yar ee ay fadhiyaan ciyaaryahannadan da’da yari.

Dawladda Thailand oo bishan oo dhan ku mashquulsanayd badbaadinta ciyaaryahannadan ayaa waxay muujisay walaac ah inay ka rajo dhigayso qaabka ay usoo saarayso wakhti biyuhuna sii badanayaan, hase yeeshee dhinaca kale quuseyaal Ingiriis ah oo markii ugu horreysay soo helay da’yartan oo la la’aa ayaa waxay iyaguna kari waayeen inay xattaa hal qof kasoo saaraan.

Dhinaca kale, ciyaartooyada ayaa farriin ay kasoo direen hogga ay ku jiraan waxay ugu sheegeen waalidiintooda in aanay werwerin, waxase ay geesta kale dalbadeen cunto.

Farriintan qiirada leh oo ahayd warqad lagu qoray qalin oo ereyo kooban ah ayaa waxay xambaarsanayd farriin kooban oo ay waalidiintood niyadda ugu dejinayaan iyo mid kale oo ka turjumaysay xaaladda adag ee ay ku jiraan.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu xaalka ciyaartooyadani noqdo waxa aad kala socon kartaan shabakadda qalinkacayaaraha.com oo u heellan tebinta warar kasta oo ciyaaraha la xidhiidha.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...