Wednesday, September 19th, 2018

Warbixin: Waa kuwee 5ta saxiix ee ugu waa weeyn ee dhacaya Todobaadyada soo aadan?

Published on July 7, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(07-07-2018) Xilli aynu ku jirno maalmihii ugu dambeeyay ee koobka adduunka kooxaha premier League badankooda ayaa ku soo laabtay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Iyada oo ay 3 todobaad oo kaliya u dhexayso dhamaadka koobka adduunka iyo xidhitaanka suuqa kala iibsiga Premier Leagau waxa jira waxyaabo badan oo ka socda albaabada xiran dabadooda.

Wayne Rooney ayaa wakhti hore ka tagay premier League isaga oo ku biiray DC United halka kooxaha Liverpool,Man United iyo Arsenal mashquul ahaayeen dhamaantood.

Si kasta ha ahaatee waxa jiri doona saxiixyo la dhamaystiri doono ka hor inta uuna suuqu xirmin 9 bisha August.

Waxana aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa shanta saxiix ee waaweyn ee la filayo in ay dhacaan ka hor inta uuna suuqu xirmin sida laga soo xigtay wargayska Daily Mirror.

Cristiano Ronaldo -> Juventus:9-kii sano ee Cristiano Ronaldo ee Real Madrid ayaa u muuqda mid sii dhamaanaya iyada oo uu xiddigu ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Juventus, Xiddigii hore ee Man United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda ka dhisan Turin kadib markii ay Juventus dalab 100 milyan ah ka gudbisay bilowgii todobaadkan.

Riyad Mahrez -> Manchester City:Man City ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigtay xiddigoodii iyada oo la filayo in uu Riyad Mahrez todobaadkan si Rasmi ah ugu biiro kooxda, Xiddiga reer Argentina ayaa sanadkii ugu dambeeyay isku dayay in uu ka tago Leicester city waxa uu xiddiga tijaabada caafimaadka u mari doonaa kooxda city todobaadkan isaga oo ugu dambayn heli doona rajadiiisii.

Yerry Mina -> Everton:Xiddiga reer Colombia ayaa wacdaro ka dhigay koobka adduunka Sanadkan waxana uu xiiso ka helay kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin Everton iyo Liverpool, laakiin Fenerbahce ayaa ah kooxda hogaaminaysa tartanka 23 jirkan iyada oo la sheegayo in ay ka gudbisay dalab 30 milyan ah laakiin kooxda Everton ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Barcelona.

Nabil Fekir -> Liverpool: Taageerayaasha Liverpool ayaa u maleeyay in Nabil Fekir uu ku soo biiray kooxda bishii Hore laakiin heshiiskii 53-ka milyan ahaa ayaa ugu dambayn bur-buray, Laakiin waxa ay haatan u muuqataa in ay dib ugu laabatay wadahadalada xiddiga iyaga oo doonaya in ay dhamaystiraan saxiixa xiddigan kadib koobka addduunka kadib markii uu xiddigu u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Liverpool.

Lucas Torreira -> Arsenal:Xiddiga reer Uruguay ayaa Gunners ugu soo biiray heshiis ku kci doona 25 milyan oo euro laakiin waa marka uu ka soo laabto Russia oo uu xulkiisu ka haray koobka adduunka Shalay kadib markii ay guuldaro 2/0 ah kala kulmeen France.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cadowgii Cristiano Ronaldo Ee Dani Alves Oo Sheegay In Real Madrid Ay Ka Raysan Doonto Xiddiga Reer Portugal

(19-9-2018) Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ...

Douglas Costa oo mudo dheer Garoomada Laga Ganaaxay?

(19-9-2018) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Douglas Costa ayaa lasaaray Ganaa adag kadib Roosihii uu qaatay kulankii Horyaalka Talyaaniga ...

Layaab! Mohamed Salah oo ka Caroodey Goolkii Guusha ee uu dhaliyey Roberto Firmino

(19-9-2018) Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Switzerland

(19-9-2018) Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa u duushay dalka Switzerland halkaa oo ay habeenka Arbacada kula Cayaari doonaan Naadiga Young ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Lionel Messi oo Sadexley dhaliyey

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul weyn oo muhiim ah waxa ay ka Gaartay kulankii koobka Horyaalada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubaad Cagta Inter Milan ayaa Guul ku bilaabatay kulankeedii koobaad ee koobka Champions League kadib markii ay San ...

Inter Milan oo Ganaax ku muteysan doonta Cayaartoyda ay u magacaawday kulanka Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasheegayaa in ay lakulmi doonto Ganaax kaga imaan ...

Cristiano Ronaldo muxuu ka aaminsanyahay Mustaqbalka Wiilkiisa?

(18-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in Wiilkiisa yar ee Cristiano Jr uu ...

GOS oo qabatay Wajigi shanaad ee Tababarka Horumarsan ee maamulka iyo maaraynta Isboortig+Sawirro

(18-9-2018) Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa wuxuu Tababarka Heerkiisu Sarreeyo ee Maamulka iyo Maareynta Isboortiga ah ( ...

Xiliga lacayaari doono Finalka Cayaaraha degmooyinka oo lashaaciyey habeen mise Maalin?

(18-9-2018) Maamulka Isboortiga gobolka Banaadir ayaa shaaciyay xilliga la qaban doono Finalka tartanka degmooyinka gobolka  Banaadir oo ay ...

Roberto Firmino Iyo Saddex Weeraryahan Oo Kale Oo Liverpool Ka Maqnaan Doona Ciyaarta Caawa Ee PSG

(18-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Liverpool ayaa caawa garoonkeeda Anfield kusoo dhoweynaysa naadiga reer France ee PSG, kulankooda ugu ...

DEG DEG: Agaasimihii Cayaaraha Arsenal oo iscasilay Sabab?

(18-9-2018) Agaasimihii fulinta Arsenal ee Ivan Gazidis ayaa ku dhowaaqay inuu ka tegayo Gunners muddo dheer kaddib, isla ...

Afar Khalad Oo Sergio Ramos Sameeyey, Tababaruhuna Ku Raacay Iyo Jamaahiirta Oo Ka Garaabay In Ronaldo Loo Darsaday?

(18-9-2018) Real Madrid ayaa lumisay dhibcihii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan, markii ay garoonka San Mames marti ugu ...

Xogta Dahsoon: Sababta Cayaaraha Champions League loo cayaaro 7-45 daqiiqo qaarada yurub?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League koobkaas oo ah kan Sadexaad caalamka loogu jecelyahay adiga ...

Cayaaraha Champions League ee Caawa lacayaari doono?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League kaas oo ay Cayaari doonaan Naadiyo aad u adag ...