Saturday, October 20th, 2018

Booliska Maraykanka Oo Toogasho Ku Dilay Ciyaartoy Caan Ah?

Published on July 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-07-2018) Tyler Honeycutt oo kubadda kolayga ciyaara ayaa geeriyooday ka dib markii ay rasaas is weydaarsadeed booliska Maraykanka, sida ay warbaahinta maxalligu sheegayso.

Waaxda booliska ee Los Angeles ayaa sheegtay in qof la tuhunsanaa uu u dhintay dhaawac rasaaseed oo uu isu geystay, ka dib markii uu ciidanka rasaas ku riday.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in qofkaasi uu ahaa cayaartoygii hore ee kooxda Sacramento Kings, haatanna u ciyaarayey kooxda Moosko ka dhisan ee BC Khimki.

Honeycutt hooyadii dhashay ayaa sida la sheegay u yeertay booliska, maadaama uu wiilkeedu u dhaqmayey “si aan caadi ahayn”.

Kooxdiisa ayaa geeridiisa ayaguna xaqiijiyey, ka dib markii ay la hadleen wakiilkiisa.

Twitter waxaa daabacay @Khimkibasket: Tyler Honeycutt passed away…Player’s agent, mr. Aaron Mintz, confirmed the death of Honeycutt@Khimkibasket expresses its deepest condolences to Tyler’s family and friendsRest in peace, Tyler…

Sida laga soo xigtay booliska LAPD, qofka tuhmanaha ahaa oo aysan xaqiijin inuu yahay Honeycutt ayaa rasaas ku riday ciidanka, ka dibna guriga ayuu galay. Ma jiro askari wax ku noqday.

Warbaahintu waxay sheegtay in guriga uu ahaa deegaanka uu ku noolaa Honeycutt oo ku yaalla Sherman Oaks, LA.

Ka dib markii muddo dheer la is hor taagnaa ayaa kooxda xaaladaha cakiran loogu yeero ee SWAT ay guriga gudaha u galeen arooryadii Sabtida, waxayna ku dhex arkeen la tuhunsanaha oo “aan nuuxsanayn”.

Twitter waxaa daabacay @LAPDHQ: UPDATE Regarding last nights Officer-Involved Shooting in Van Nuys Division, it appears as if the suspect was not struck by any officer’s gunfire. The suspect appears to have sustained injuries consistent with a self-inflicted gunshot wound.

Cayaartoygan ayaa cayaarihiisa ka bilaabay jaamacadda UCLA. Kooxda Sacramento Kings ka hor wuxuu u soo safatay Reno Bighorns, ka hor intii uusan muddo gaaban u soo cayaarin Houston Rockets.

2013 ayuu Maraykanka ka dhoofay si uu ugu dheelo kooxda Ironi Nes Ziona ee Israa’iil, waxaana ku xigtay BC Khimki oo uu ku biiray 2014.

Sannadkii hore ayuu misna dib ugu laabtay Khimki, ka dib markii uu muddo sannad ah u cayaarayey kooxda Turkiga ka dhisan ee Anadolu Efes.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...

Daawo Sawirada Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk oo ku soo laabtay Tababarka Liverpool

(19-10-2018) Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa ku farxay Sawiro laga soo saaray Xerada tababarka Naadigooda kadib markii lacadeeyey in ...

Beppe Bergomi oo Inter Milan uga digay Xirfada Suso

(19-10-2018) Cayaaryaahnkii hore ee kooxda Inter Milan Beppe Bergomi ayaa digniin u diray kooxdiisii hore dignaantaas oo ku saabsan ...

Gonzalo Higuain oo hanjabaad Hawada u mariyey Juventus iyo Cristiano Ronaldo Sabab?

(19-10-2018) Weeraryahanka heshiiska amaahda ah ugu cayaara kooxda AC Milan ee Gonzalo Higuain ayaa ka sheekeeyey sababti uu kaga ...

Safka Macquulka ah ee ay Manchester United ku soo geli doonto Garoonka Kulanka Chelsea iyo dhaawacyada ka maqan?

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa isku diyaarineysa kulanka xiisaha badan ee ay lacayaari doonaan Sabtiga Kulankaas ...

Barcelona oo lakulmeysa Neymar oo doonaya in uu dib ugu soo laabto

(19-10-2018) Maamulka kooxda Barcelona ee dalka Spain ayaa aqbalay in ay lakulmaan Wakiilka Cayaaryahankoodii hore ee Neymar kaas ...

Layaab! Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan oo Saaxiib la ah Mukulaalaha

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal  Magacyada iyo Sawirada shan Cayuaaryahan oo Caan ah isla markaana aad u ...

Rasmi: Luke Shaw oo heshiis cusub u Saxiixay Manchester United

(18-10-2018) Daafaca kooxda Manchester United ee Luke Shaw ayaa Saxiixay heshiis cusub oo uu kula sii joogi doono kooxdiisa ...

Cayaaryahan ku dhaawacmkay Tababarka Manchester United?

(18-10-2018) Mid ka mid ah Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa lasheegay in uu dhaawac soo gaaray xili uu ...