Tuesday, October 16th, 2018

Gaashaan Buurta Nato oo ka hadashay 4 ta wadan ee isugu soo haray koobka aduunka iyo Arrimo Siyaasadeed oo soo baxay

Published on July 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-07-2018) Kubadda cagtu waxay hore uga madhnaan jirtay siyaasadda, waxaanay ku koobnayd dhacdooyin ciyaareed oo ka madax bannaan arrimaha siyaasadda, hase yeeshee markii Argentina ay sannadkii 1986-kii uu Diego Maradona gool gacan ahaa ku reebay xulka qaranka England, waxa dib u unkamay in ciyaaruhu ay siyaasadda ku dhexmilmaan.

Argentina iyo England oo isku haystay jasiirad yar, ayaa waxa uu Maradona wakhtigaas sheegay inuu dagaalkii dalkiisa lagu hayay kaga aargoostay garoonka gudihiisa, taasina waxay sababtay cambaarayn uga timid guud ahaan dunida.

Intaas wixii ka dambeeyey, dalalka isku diiddan siyaasaddu markay wada ciyaarayeen waxa cirka isku shareeri jiray xamaasadda garoonka gudihiisa iyo qaabka layskugu xidhiidhinayo dhacdooyinkii iyo khilaafaadkii dalalka iyo ciyaarta markaas dhacaysa.

Sidaas oo ay tahay, wakhtigan waxa aan isku wanaagsanayn dalalka reer Galbeedka iyo Ruushka oo martigeliyey Koobka Adduunka ee 2018 oo hadda maraya marxaladdihii u dambeeyey, kaas oo ay iskugu soo hadheen afarta waddan ee England, Belgium, Croatia iyo France , kuwaas oo dhamaantood xubno ka ah ururka NATO.

Khilaafka NATO iyo Ruushku marna ma demo, kii ugu dambeeyeyna waxa uu dib u holcay sannadkan gudihiisa markii Ingiriisku ku seedeeyey Russia inay sumeeyeen basaas ku noolaa UK oo dhalasho ahaan kasoo jeeday Moscow, hase yeeshee magan-gelyo ku joogay halkaas. Waxa markaas ay xubno badan oo reer Yurub ah ku dhowaaqeen inay cuno-qabayno kusoo rogayaan Ruushka, madaxdoodiina waxay diideen inay ka qayb-galaan xafladdii furitaanka Koobka Adduunka.

Iyadoo arrintu sidaas tahay, waxa yaab noqotay in afarta waddan ee iskugu soo hadhay Koobka Adduunku ay dhamaantood reer Yurub noqdaan, waliba Ingiriiska oo hormood ka ah siyaasadda reer Yurub uu ka mid  yahay dalalka soo baxay.

Haddaba, arrintan ayaa waxay keentay in ururka NATO oo ah mid u samaysan qaab difaac oo dagaal ah, uu ka hadlo ciyaartan, taas oo noqonaysa markii ugu horreysay ee ay dhacdo.

Barta Twitterka ee NATO ayaa war kooban oo lagu baahiyey waxa loogu hambalyeeyey dalalka iskugu soo hadhay Koobka Adduunka.

“Aafarta waddan ee iskugu soo hadhay Koobka Adduunku waxaa kuwo ka mid ah dalalka NATO. Nasiib wanaagsan ayaanu u rajaynaynaa kooxahan.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka NATO shaacisay.

Ciyaaraha semi-finalka isku aadka Koobka Adduunka ayaa waxay dhici doonaan Salaasada iyo Arbacada toddobaadkan, waxaanay iskugu beegan yihiin Belgium vs France iyo England vs Croatia.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 Cayaaryahan oo laga Sameeyey Xiddigaha Manchester United ee uu heshiisku ka dhacayo Sanadka danbe

(16-10-2018) Macalinka kooxda Manchester united Jose Mourinho ayaa wajahaya dhibaato weyn kadib markii sida lacadeeyey uu heshiisku ka ...

Daawo: Spain oo 15 Sano kadib lagu Garaacay Ciidooda

(16-10-2018) Xulka kubada Cagta England ayaa Guul muhiim ah ka gaaray kulankii xiisaha badnaa ee ay Garoonka Sevilla ...

Kooxda PSG oo Gashay booskii Real Madrid ee doonista David de Gea

(16-10-2018) Kooxda Kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa shaaca ka qaaday in ay dooneyso Goolhayaha dalka Spain ...

Rikoorada laga diiwaan geliyey qaybta hore Kulanka Mucjisada ah ee Spain iyo England+Sawiro

(16-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester City iyo xulka dalka England ee Raheem Sterling  ayaa Noqdey Cayaaryahankii koobaad ee Ingiriis ah ...

Sadio Mane oo Gacan ka jabay kuna biirey Xiddigaha Muhiimka ah ee ka dhaawacmay Liverpool+Sawiro

(16-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Liverpool ayaa lasheegayaa in ay haysato dhibaato dhanka dhaawacyada ah kadib markii lasheegay in ...

Xiddiga Musaaricada John Cena Oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona Iyo Dalka Sucuudiga Oo Sugaya Soo Laabashadiisa

(16-10-2018) Halyeyga 16-ka jeer ku guuleystay Champions-ka ciyaaraha legdinta WWE ee Musaaricada, John Cena ayaa muddo dheer ka ...

Dorival Junior” AC Milan waxa ay Gacanta ku dhigtay Xiddiga lamid ah Kevin de Bruyne ama Luka Modric’

(16-10-2018) Macalinka kooxda Kubada cagta Flamengo Dorival Junior ayaa shaaca ka qaaday in Naadiga AC Milan ay Gacanta ku ...

Luka Modric Oo Shaaciyey Xiddiga Uu Ku Riyoodo Inuu Ka Garab Cayaaro

(16-10-2018) Xiddiga xilli ciyaareedkan cidkasta ka yaabsanaya ee Luka Modric ayaa doortay halyeeyga dookhiisa ah ee uu jeclaan ...

Dilka Wariye Jamal Khashoggi Oo Baajiyey Cayaartii Ugu Weynayd Dunida Bilaha Ka Hadhay Sannadka

(15-10-2018) Dalka Sucuudi Carabia ayaa la dhibaatoonaya ceebta kasoo gaadhay dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhex khaarajiyey ...

Liverpool oo ka Walaacsan dhaawacyada soo gaaray Xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk

(15-10-2018) Kooxda Kubada cagta Liverpool ee dalka England ayaa laxaqiijiyey in ay aad uga walacsantahay dhaawacyo lasheegay in ...

Maxaa kajira in Jose Mourinho iyo Eden Hazard kusii jeedaan Real Madrid?

(15-10-2018) Waxaa isa soo taraya Wararka ku sii dhaweynaya Real Madrid Macalinka Manchester United Jose Mourinho iyo iddiga ...

Magacayada 11 Cayaaryahan Caan ah oo koox la.aan ah kana fariisan Kubada cagta?Sawiro

(15-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada 11 Cayaaryahan oo caan ah isla Markaana xiligaan dibad joog ka ...

Rasmi: Patrick Cutrone oo heshiis Cusub u Saxiixay AC Milan

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub lagaartay Weeraryaahnka ...

Kooxda Banaadir Sports oo u soo baxday Finalka koobka Jeneral Da uud markii ay ka badiyeen Saxafi

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa xaqiijisey in ay u soo gudubtay kama dambaysta koobka koobabka Jeneral ...

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska Oo Si Kulul U Canaantay Taageereyaashiisa Oo Rabshado Ka Sameeyey Spain+Sawiro

(15-10-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa si xun u canaantay taageereyaasha xulka qaranka England ee ku sugan waddanka ...