Wednesday, September 19th, 2018

Barcelona Oo Shaacisay Jidwalka Ay Kusoo Laabanayaan Cayaartoyda Kaga Maqan Koobka Adduunka

Published on July 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-07-2018) Kooxda Barcelona ayaa war qoraal ah ka soo saartay waqtiga ay ciyaartoyda kooxdeeda iyo tababare Valverde dib ugu soo laabanayaan xarunta tababarka si ay u bilawdaan diyaar garowga xili ciyaareedka cusub. Barcelona ayaa xaqiijisay waqtiga ay ciyaartoyda kooxdeedu ku soo laabanayaan Ciutat Esportiva Joan Gamper iyo waliba shaqada ugu horaysa ee ay qaban doonaan.

Barcelona ayaa ciyaartoyda kooxdeeda dhar qaybood ka dhigtay kuwaas oo ah ciyaartoydii aan ka qayb galin koobka aduunka, kuwii tartankii koobka aduunka xili hore lagu soo reebay iyo waliba ciyaartoyda ilaa hadda qaybta ka sii ah koobka aduunka ee afar dhamaadka soo gaadhay kuwaas oo ka kooban afar xidig oo Croatia, France iyo Belgium ka tirsan.

Ugu horayn Barcelona ayaa shaacisay in ciyaartoyda kooxdeeda hormada kowaad ay tababarka ku soo laaban doonaan Arbacada July 11 oo ay hal maalin inaga xigto waxayna ugu horayn mari doonaan baadhitaano caafimaad oo buuxa si xaaladooda loo hubiyo iyaga oo maalintan oo dhan ku qaadan doona tijaabada caafimaadka xaaladooda.

Laakiin khamiista July 12, Ernesto Valverde ayaa si buuxda shaqada dib ugu bilaabi doona ciyaartoyda u soo laabta wuxuuna bixin doonaa laba tababar oo buuxa iyada ciyaartoyda loo sii diyaarin doono safarka Maraykanka ee kulamada ICC Cupka.

Dhinaca kale Barcelona ayaa ku dhawaaqday in safarka dalka Maraykanka ay kooxdeedu u bixi doonto July 24 laakiin waxaa la filayaa in safarkan ayna waqtigaas qayb ka noqon doonin Ivan Rakatic, Samuel Umtiti, Ousmane Dembele iyo waliba Thomas Vermaelen oo waliba qayb ka sii ah koobka aduunka, wuxuuna safarka Maraykanka ee Barca soo dhamaan doonaa August 4.

Muddada ay Barca joogto US waxay ciyaari doontaa saddex kulan iyada oo kulanka kowaad la yeelan doonta kooxda Tottenham kaas oo ka dhici doona garoonka Rose Bowl ee Los Angeles waxaana kulankan la ciyaari doonaa July 28.

Kulanka labaad waxay Barcelona la ciyaari doontaa kooxdii Champions League sida murugada badan uga soo reebtay ee AS Roma waxaana kulankan lagu ciyaari doonaa AT&T Stadium oo ku yaal Dallas marka ay taariikhdu tahay July 31.

Waxayna kooxda Valverde kulamada US ku soo xidhan doontaa garoonka Levi’s Stadium ee ku yaala Santa Clara kaas oo ay la yeelan doonaan kooxda AC Milan maalinta August 4 waana kulanka ay ku soo xidhan doonaan ka hor inta ayna isku diyaarin kulamada Spanish Super Cupka ee ay Sevilla la ciyaari doonaan.

Barcelona ayaa shaacin doonta liiska ciyaartoyda kooxdeeda ee US u safri doona iyada oo xidiga ree Brazil ee Paulinho uu dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee China isla markaana uu Andres Iniesta markii uguhoraysay uu ka maqnaan doono waayaha cusub ee Barca

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada baashaalkii Man United iyo Habeenkii Paul Pogba

(20-9-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester united ayaa Guul weyn ka gaadhay kulankeedii koobaad ee Koobka UEFA Champions League kaas ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo lagu Garaacay Garoonkeeda

(20-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa Guul daro xanuun badan kala kulantay Naadiga dalka France ee Lyon ...

Nicolas Tagliafico oo dhaliyey Goolkii shan Boqolaad ee ay Champions League ka dhaliyaan Xiddigaha dalka Argentina

(20-9-2018) Cayaaryahanka dalka Argentina ee u Cayaara kooxda Ajax Nicolas Tagliafico ayaa Noqdey Xiddigii dalkaas ee dhaliyey Goolkii shan ...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo oo Roose ka qaatay Juventus+Sawiro

(20-9-2018) Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga Saaray Cayaarta hada socota ee ay lacayaarayaaan Naadiga Valencia waxaana Xiddigaan ...

Gennaro Gattuso oo kategay Cayaartoy Muhiim ah kulanka Europa League?

(20-9-2018) Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa kategay Cayaartoy muhiim ah xili uu isku diyaarinayo kulanka koobka UEFA Europa ...

Ma Ogtahay in Lionel Messi Noqdey Boqorka Sadexleyda Champions League iyo in uu dhaafay Ronaldo

(19-9-2018) Kubaddii Kulanka Barcelona ay 4-0 uga badisay naadiga PSV Eindhoven waxaa la tegay Lionel Messi, oo ka ...

Iker Casillas oo noqday Bani’aadamkii u horreeyay ee 20-sano ciyaara Champions League, horay uma dhicin

(19-9-2018) Goolhaye IKER CASILLAS ayaa xirtay kabaha laacibka ugu waqtiga dheer ciyaarista Champions league, markii uu ka mid ...

Cadowgii Cristiano Ronaldo Ee Dani Alves Oo Sheegay In Real Madrid Ay Ka Raysan Doonto Xiddiga Reer Portugal

(19-9-2018) Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ...

Douglas Costa oo mudo dheer Garoomada Laga Ganaaxay?

(19-9-2018) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Douglas Costa ayaa lasaaray Ganaa adag kadib Roosihii uu qaatay kulankii Horyaalka Talyaaniga ...

Layaab! Mohamed Salah oo ka Caroodey Goolkii Guusha ee uu dhaliyey Roberto Firmino

(19-9-2018) Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Switzerland

(19-9-2018) Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa u duushay dalka Switzerland halkaa oo ay habeenka Arbacada kula Cayaari doonaan Naadiga Young ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Lionel Messi oo Sadexley dhaliyey

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul weyn oo muhiim ah waxa ay ka Gaartay kulankii koobka Horyaalada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubaad Cagta Inter Milan ayaa Guul ku bilaabatay kulankeedii koobaad ee koobka Champions League kadib markii ay San ...

Inter Milan oo Ganaax ku muteysan doonta Cayaartoyda ay u magacaawday kulanka Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasheegayaa in ay lakulmi doonto Ganaax kaga imaan ...

Cristiano Ronaldo muxuu ka aaminsanyahay Mustaqbalka Wiilkiisa?

(18-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in Wiilkiisa yar ee Cristiano Jr uu ...