Wednesday, July 18th, 2018

Juventus vs Real Madrid: Cristiano Ronaldo Oo Ka Hor Imanaya Kooxdiisa Haddii Uu Dhamaystiro Heshiiska Uu Kaga Tegayo

Published on July 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-07-2018) Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ciyaartoyda kooxdeedu ay dib ugu soo laabtaan xarunta tababarka Valdebebas waxaana jira liis ciyaartoy ah oo haddaba diyaar u ah in ay sii bilawdaan tababarka kuwaas oo uu macalinka cusub ee Julen Lopetegui uu shaqada Madrid ka sii bilaabi doono halka ciyaartoydii koobka aduunka ka soo ciyaartay ama wali baaqiga ku sii ahi ay fasax dheeraad ah heli doonaan.

Tababaraha cusub ee Real Madrid Julen Lopetegui ayaa shaqada Valdebebas si buuxda uga bilaabi doona maalinta July 17, markaas oo uu xarunta tababarka ku heli doono ciyaartoyda kala ah Kike Casilla, Luca Zidane, Vallejo, Theo, Ceballos, Marcos Llorente, Gareth Bale, Benzema, Mayoral iyo Raul De Tomás.

Waxa kale oo tababarka Real Madrid markii ugu horaysay bilaaban doona saxiixyada cusub ee Vinicius iyo goolhaye Lunin laakiin ilaa hadda waxaan hubin in tababarka Madrid ay ku soo laaban doonaan Valverde, Coentrao iyo Odegaard amaah ku maqnaa xili ciyaareedkii dhamaaday.

Laakiin ciyaartoyda Real Madrid ee koobka aduunka ka soo ciyaartay ayaa xarunta tababarka dib ugu soo laaban doona July 27 laakiin xidigaha kala ah Luka Modric , Mateo Kovacic iyo Raphael Varane oo wali kooba aduunka qayb ka ah ayaan la ogayn waqtiga rasmiga ah ee ay soo laaban doonaan maadaama oo ay fasax u baahan doonaan marka uu koobka aduunku soo dhamaado.

Laakiin xaalada Cristiano Ronaldo ayaa gabi ahaanba ka duwan wuxuuna ku jiraa ciyaartoyda la filayo in ay tababarka ku soo laabtaan July 27 balse waxa uu doonayaa in la dhamaystiro heshiiskiisa Juventus taas oo keeni karta in markiiba uu Real Madrid kulan kaga hor yimaado.

Haddii sida la filayo ay dhacdo in Ronaldo uu dhamaystiro heshiiska Juventus waxa uu isaga oo ciyaartoy Juventus ah Madrid kaga hor iman karaan kulanka ICC Cupka ee  Washington DC ka dhaci doona kaas oo ka hor lagu sii dhawaaqay.

Real Madrid ayaa ugu horayn u safri doonta USA gaar ahaan Miami halkaas oo ay Manchester United kulan xiiso badan kula ciyaari doonto waxaana kulankan la ciyaari doonaa August 1 laakiin waxay Madrid u sii safri doontaa Washington DC halkaas oo August 5 kula ciyaari doonto Juventus. Waana kulanka uu Ronaldo markiiba kaga hor iman karo kooxda uu doonayo in uu ka baxo haddii heshiiskiisa la dhamaystiro.

Kulanka Juventus iyo Real Madrid ayaa ka dhici doona Fedexfield iyada oo kadib Los Blancos u sii dhaafi doonta New Jersey halkaas oo ay August 8 kooxda Roma kula ciyaari doonto waxayna kadib isku diyaarin doontaa kulanka Atletico Madrid ee finalka UEFA Super Cupka oo la ciyaari doono August 15.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cristiano Ronaldo oo fariin u diray Lionel Messi maxayse ku saabsanayd?

(18-7-2018) Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uusan Lionel Messi u arki doonin, nin isaga la xifaaltama ama Cadaawad ...

Liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho oo la helay?

(18-7-2018) Waxaa lahelay liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho waxaana kujira Xiddigo waa weyn oo lagu iibin ...

Wararkii ugu danbeeyey wadahadalkii Chelsea ku dooneysey Higuain iyo Rugani

(17-7-2018) Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in goor dhow lasoo gaba gabayn doono wadahadlo saacado qaatay ...

Zinedine Zidane oo shaqo ka bilaabaya Juventus iyo shaki ka dhashay ku biiristii Ronaldo ee kooxda Talyaaniga

(17-7-2018) Zinedine Zidane ayaa lagu warramayaa in uu kaalin Muuqata ku lahaa Saxiixa Laacibka CR7 uu ugu wareegay ...

Magacyada iyo Sawirada 10 kii Cayaaryahan ee ugu Fiicneyd Taariikhda Real Madrid

(17-7-2018) Kadib markii uu Real Madrid macasalaameeyey Cayaaryahanka dalka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa waxaa lasoo saaray liiska 10 kii ...

Daawo Sawirada Cristiano Ronaldo iyo Familkiisa oo ka mid Noqdey Qoyska Marwada duqda ah

(17-7-2018) Cayaaryahanka dhawaan ku biirey kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay sirasmi ah ...

Manchester United oo lacag aad u badan ku dooneysa 2 Cayaaryahan oo u dheelayey dalka Croatia

(17-7-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lasheegayaa in ay lacag aad u fara badan ku baadi goobayaan ...

Daawo Sawiradii ugu Saameynta Badnaa Koobka aduunka 2018

(17-7-2018) Aqristeyaal waxaan idiin soo gudbineynaa Sawiradii ugu Saameynta badnaa ee laga qaaday dhamaan Cayaarihii koobka aduunka 2018 ...

Aleksandr Golovin oo Tijaabo caafimaad u maraya Chelsea

(17-7-2018) Cayaaryahanka dalka Ruushka ee lagu Magacaabo Aleksandr Golovin ayaa lasheegayaa in uu ka soo degay Magaalada London halkaa ...

Daawo Sawirada Daley Blind oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore

(17-7-2018) Daaficii kooxda Kubada Cagta Manchester United ee Daley Blind ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Ajax kadib ...

Tobankii Saxiix ee ugu xumaa Cayaartoy Wacdaro ka dhigtay Koobka adduunka+Sawiro

(17-7-2018) Sanad kasta oo laqabto koobka aduunka waxaa soo baxa Cayaartoy la iibsado kuwaas oo ah Xiddigaha wacdaraha ...

Arsene Wenger Oo Sheegay Inuu Qoomamaynayo Wakhtigii Badnaa Ee Arsenal Uu Joogay

(17-7-2018) Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa wax laga waydiiyay qaladkii ugu xumaa ee uu ...

Barcelona: Shan Ciyaartoy Oo Bartil-maameed U Ah, Kooxaha Cabsida Weyn Ay Ku Abuurtay Iyo Willian Oo Liiska Laga Saaray

(17-7-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiisyo la gashay laba ciyaartoy si ay dib iskugu abaabusho oo ay ...

Faah faahin laga bixiyey Sababta uu Alexis Sanchez uga haray safarkii Maraykanka ee kooxdiisa?

(17-7-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ayaa u duulay dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan koobka ...

Zlatan Ibrahimovic Oo Si Layaab Leh U Amaanay Paul Pogba Iyo Saamayntii Uu Ku Lahaa Koobka Adduunka

(17-7-2018) Laacibkii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis ...