Wednesday, July 18th, 2018

Layaab! Cayaartoy Wacdaro Ka Dhigay Koobka Adduunka Oo Hadiyad Looga Dhigay Yaanyo

Published on July 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-07-2018) Marka aad tahay ciyaartoy weyn oo sumcad ku leh dalkiisa, ugana qayb-galay Koobka Adduunka oo kulamo badan aad horseed u tahay inaad guuleysataan, waxa koowaad ee aad filayso inaad hesho waa amaal-marin, amaan amaba in lagugu sharfo waxqabadkaaga, mararka qaarkoodse waxa waxqabadkaagu kuu dhalayaa in lagu dhigo meel ka hoosaysa halkii aad filaysay.

Xulka qaranka Ruushka ayaa ku hadhay wareegga siddeed dhamaadka oo Croatia ay kaga badisay rikoodheyaal, hase yeeshee waxa ciyaarihii ay yeesheen oo dhan halyey ahaa oo si wacan u badbaadiyey goolhaye  Igor Akinfeev, gaar ahaan kulankii Spain ay ku reebeen.

Markii ay Ruushku ka hadheen Koobka Adduunka waxa meel walba u istaagay taageereyaasha oo u qiray inay wacdaro dhigeen amaba yihiin halyeeyo gaadhay meel ka fog halkii laga filayey, maadaama Ruushku ay u muuqdeen xul kala daadsan oo ku hadhi karaya bilowga.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay barxadda Vorobyovy Gory oo lagu soo dhoweynayay ciyaartooyada ayaa waxa goolhaye Igor Akinfeev lagu guddoonsiiyey kartoon yar oo tamaandho ka buuxdo, taas oo mid ka mid ah jamaahiirta dalkaasi uu gacanta ka galiyey.

Sida lagu shaaciyey barta Twitterka, goolhayaha ayaa guddoomay hadiyadda, kamana bixinin wax dareen ah, hase yeeshee waxa dhici karta in shay aad u taqaano qiimo oo kula weyn ama kula yar ay dad kale u haystaan qiime ka duwan ka aad ka aaminsan tahay oo uu la weyn yahay ama la yar yahay, taas daraadeedna ay Ruushku isku hadiyadeeyaan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cristiano Ronaldo oo fariin u diray Lionel Messi maxayse ku saabsanayd?

(18-7-2018) Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uusan Lionel Messi u arki doonin, nin isaga la xifaaltama ama Cadaawad ...

Liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho oo la helay?

(18-7-2018) Waxaa lahelay liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho waxaana kujira Xiddigo waa weyn oo lagu iibin ...

Wararkii ugu danbeeyey wadahadalkii Chelsea ku dooneysey Higuain iyo Rugani

(17-7-2018) Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in goor dhow lasoo gaba gabayn doono wadahadlo saacado qaatay ...

Zinedine Zidane oo shaqo ka bilaabaya Juventus iyo shaki ka dhashay ku biiristii Ronaldo ee kooxda Talyaaniga

(17-7-2018) Zinedine Zidane ayaa lagu warramayaa in uu kaalin Muuqata ku lahaa Saxiixa Laacibka CR7 uu ugu wareegay ...

Magacyada iyo Sawirada 10 kii Cayaaryahan ee ugu Fiicneyd Taariikhda Real Madrid

(17-7-2018) Kadib markii uu Real Madrid macasalaameeyey Cayaaryahanka dalka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa waxaa lasoo saaray liiska 10 kii ...

Daawo Sawirada Cristiano Ronaldo iyo Familkiisa oo ka mid Noqdey Qoyska Marwada duqda ah

(17-7-2018) Cayaaryahanka dhawaan ku biirey kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay sirasmi ah ...

Manchester United oo lacag aad u badan ku dooneysa 2 Cayaaryahan oo u dheelayey dalka Croatia

(17-7-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lasheegayaa in ay lacag aad u fara badan ku baadi goobayaan ...

Daawo Sawiradii ugu Saameynta Badnaa Koobka aduunka 2018

(17-7-2018) Aqristeyaal waxaan idiin soo gudbineynaa Sawiradii ugu Saameynta badnaa ee laga qaaday dhamaan Cayaarihii koobka aduunka 2018 ...

Aleksandr Golovin oo Tijaabo caafimaad u maraya Chelsea

(17-7-2018) Cayaaryahanka dalka Ruushka ee lagu Magacaabo Aleksandr Golovin ayaa lasheegayaa in uu ka soo degay Magaalada London halkaa ...

Daawo Sawirada Daley Blind oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore

(17-7-2018) Daaficii kooxda Kubada Cagta Manchester United ee Daley Blind ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Ajax kadib ...

Tobankii Saxiix ee ugu xumaa Cayaartoy Wacdaro ka dhigtay Koobka adduunka+Sawiro

(17-7-2018) Sanad kasta oo laqabto koobka aduunka waxaa soo baxa Cayaartoy la iibsado kuwaas oo ah Xiddigaha wacdaraha ...

Arsene Wenger Oo Sheegay Inuu Qoomamaynayo Wakhtigii Badnaa Ee Arsenal Uu Joogay

(17-7-2018) Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa wax laga waydiiyay qaladkii ugu xumaa ee uu ...

Barcelona: Shan Ciyaartoy Oo Bartil-maameed U Ah, Kooxaha Cabsida Weyn Ay Ku Abuurtay Iyo Willian Oo Liiska Laga Saaray

(17-7-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiisyo la gashay laba ciyaartoy si ay dib iskugu abaabusho oo ay ...

Faah faahin laga bixiyey Sababta uu Alexis Sanchez uga haray safarkii Maraykanka ee kooxdiisa?

(17-7-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ayaa u duulay dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan koobka ...

Zlatan Ibrahimovic Oo Si Layaab Leh U Amaanay Paul Pogba Iyo Saamayntii Uu Ku Lahaa Koobka Adduunka

(17-7-2018) Laacibkii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis ...