Wednesday, July 18th, 2018

Xiddiga Xulka Qaranka England Ee Henderson Oo Dhaawacmay Iyo Walaaca Laga Qabo Inuu Seegayo Kulanka Croatia

Published on July 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-07-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka England ee Jordan Henderson ayay lasoo daristay xaalad dhaawac isaga oo sida uu sheegay 20-kii daqiiqo ee u dambeeyay kulankii Sweden ku jiray xaalad aan fiicnayn taas ayaana warwar iyo madaxanuun ku noqon karta tababaraha xulkaasi ee Gareth Southgate.

Kabtanka Liverpool ayaa dhaawaciisan kusoo beegmayaa xilli uu dhawaan xulkiisu leeyahay kulan ka tirsan wareega afar dhammaadka tartanka koobka aduunka iyagoo habeenimada arbacada la balansan xulka Croatia oo aan isba hawl yarayn, Henderson ayaa haddii uu taam buuxa u noqon waayo kulankaas ay dhib ku noqon karta Southgate maadaama oo uu xiddigani muhiim ka yahay shaxdiisa.

Hendo ayaa sheegay inuu xanuun yar dareemayay kulanka kahor isagoo 20-kii daqiiqo ee u dambeyay kulankaas galay xaalad aan u wacnayn waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan kaliya dareemayay xanuun yar kulanka kahor, Markii la galay 20-kii daqiiqo ee u dambeeyayna waxaan galay xaalad aan fiicnayn anigoo dareemayay xanuun yar, Laakiin maaha dhaawac aad u xun waxaan ku rajo weynahay inaan fiicnaan doono”

Dhinaca kale tababaraha xulkaas ee Gareth Southgate ayaa sheegay in dhaawacan uu sabab u noqon karo daal ururay sababta kulankii Group-yada ee Belgium uu u nasiyay inta badan ciyaartoydiisuna ay ahayd midaas waxaana uu yidhi “Wax badan ayay ka qayb ahaayeen, Dabcan waxaad helaysaa daal badan oo ururay marka aad tartan ku jirto taasi waa waxa aan aan u qaadanay go’aanka kulankii Belgium, Sidaa darteed waxaan qiimayn ku samayn doonaa ciyaartoyda marka aanu tagayno kulanka, Hendo waxa uu ahaa mid xanuun ka dareemaya muruqa taasina waa sababtii aan badalka ugu samaynay”

Jordan Henderson oo 28 jir ahi haddii uu kulankan kasoo kaban waayo dhaawaca waxay walaac ku noqonaysaa Southgate maadaama oo uu xiddig muhiim ah u yahay, Booskiisa ayayna ku dagaalami doonaan xiddigo badan oo ay kamid yihiin Eric Dier, Fabian Delph & Loftus-Cheek.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cristiano Ronaldo oo fariin u diray Lionel Messi maxayse ku saabsanayd?

(18-7-2018) Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uusan Lionel Messi u arki doonin, nin isaga la xifaaltama ama Cadaawad ...

Liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho oo la helay?

(18-7-2018) Waxaa lahelay liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho waxaana kujira Xiddigo waa weyn oo lagu iibin ...

Wararkii ugu danbeeyey wadahadalkii Chelsea ku dooneysey Higuain iyo Rugani

(17-7-2018) Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in goor dhow lasoo gaba gabayn doono wadahadlo saacado qaatay ...

Zinedine Zidane oo shaqo ka bilaabaya Juventus iyo shaki ka dhashay ku biiristii Ronaldo ee kooxda Talyaaniga

(17-7-2018) Zinedine Zidane ayaa lagu warramayaa in uu kaalin Muuqata ku lahaa Saxiixa Laacibka CR7 uu ugu wareegay ...

Magacyada iyo Sawirada 10 kii Cayaaryahan ee ugu Fiicneyd Taariikhda Real Madrid

(17-7-2018) Kadib markii uu Real Madrid macasalaameeyey Cayaaryahanka dalka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa waxaa lasoo saaray liiska 10 kii ...

Daawo Sawirada Cristiano Ronaldo iyo Familkiisa oo ka mid Noqdey Qoyska Marwada duqda ah

(17-7-2018) Cayaaryahanka dhawaan ku biirey kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay sirasmi ah ...

Manchester United oo lacag aad u badan ku dooneysa 2 Cayaaryahan oo u dheelayey dalka Croatia

(17-7-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lasheegayaa in ay lacag aad u fara badan ku baadi goobayaan ...

Daawo Sawiradii ugu Saameynta Badnaa Koobka aduunka 2018

(17-7-2018) Aqristeyaal waxaan idiin soo gudbineynaa Sawiradii ugu Saameynta badnaa ee laga qaaday dhamaan Cayaarihii koobka aduunka 2018 ...

Aleksandr Golovin oo Tijaabo caafimaad u maraya Chelsea

(17-7-2018) Cayaaryahanka dalka Ruushka ee lagu Magacaabo Aleksandr Golovin ayaa lasheegayaa in uu ka soo degay Magaalada London halkaa ...

Daawo Sawirada Daley Blind oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore

(17-7-2018) Daaficii kooxda Kubada Cagta Manchester United ee Daley Blind ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Ajax kadib ...

Tobankii Saxiix ee ugu xumaa Cayaartoy Wacdaro ka dhigtay Koobka adduunka+Sawiro

(17-7-2018) Sanad kasta oo laqabto koobka aduunka waxaa soo baxa Cayaartoy la iibsado kuwaas oo ah Xiddigaha wacdaraha ...

Arsene Wenger Oo Sheegay Inuu Qoomamaynayo Wakhtigii Badnaa Ee Arsenal Uu Joogay

(17-7-2018) Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa wax laga waydiiyay qaladkii ugu xumaa ee uu ...

Barcelona: Shan Ciyaartoy Oo Bartil-maameed U Ah, Kooxaha Cabsida Weyn Ay Ku Abuurtay Iyo Willian Oo Liiska Laga Saaray

(17-7-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiisyo la gashay laba ciyaartoy si ay dib iskugu abaabusho oo ay ...

Faah faahin laga bixiyey Sababta uu Alexis Sanchez uga haray safarkii Maraykanka ee kooxdiisa?

(17-7-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ayaa u duulay dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan koobka ...

Zlatan Ibrahimovic Oo Si Layaab Leh U Amaanay Paul Pogba Iyo Saamayntii Uu Ku Lahaa Koobka Adduunka

(17-7-2018) Laacibkii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis ...