Sunday, February 17th, 2019

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Faransiiska oo ka dul talaabsaday Belgium isla Markaana Gaaray Finalka koobka aduunka

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-7-2018) Xulka qaranka France ayaa u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay 1-0 ku khaarajiyeen Belgium. Samuel Umtiti ayaa noqday geesiga xulka France kadib marii uu dhaliyay goolka kaliya ee uu xulkiisu ku garaacay Belgium isla markaana ay ugu soo baxeen finalka koobka aduunka.

France ayaa hadda diirada saari doona kulanka finalka koobka aduunka oo ay la ciyaari doonaan midkii habeen danbe soo baxa England iyo Croatia. Xulka qaranka France ayaa si cajiib ah uga soo gudbay imtixaanadii ay soo mareen waxayna hadda diyaar u yihiin in ay koobka aduunka hantaan markii labaad.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

France XI: Hugo Lloris; Benjamin Pavard, Raphael Varane, Samuel Umtiti, Lucas Hernandez; N’Golo Kante, Paul Pogba; Kylian Mbappe, Antoine Griezmann, Blaise Matuidi; Olivier Giroud.

Kaydka:  Alphonse Areola, Steve Mandanda, Presnel Kimpembe, Corentin Tolisso, Benjamin Mendy, Steven N’Zonzi, Ousmane Dembele, Djibril Sidibe, Thomas Lemar, Adil Rami, Florian Thauvin, Nabil Fekir.

Belgium XI: Thibaut Courtois; Vincent Kompany, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen; Axel Witsel; Nacer Chadli, Mousa Dembele, Maroaune Fellaini, Kevin De Bruyne; Romelu Lukaku, Eden Hazard.

Kaydka:  Koen Casteels, Simon Mignolet, Adnan Januzaj, Youri Tielemans, Thomas Vermaelen, Thorgan Hazard, Leander Dendoncker, Yannick Carrasco, Dries Mertens, Michy Batshuayi, Dedryck Boyata.

Qaybtii hore ee kulankan labada xul ee France iyo Belgium ayaa sameeyay fursado gool dhalineed gaar ahaan xulka qaranka France ayaa helay fursado dahabi ah laakiin waxay ku fashilmeen in ay ka faa’iidaystaan iyada oo Mbappe iyo Giroud ay awoodi waayeen in xulkooda ay uga faa’iideeyaan fursadihii so maray.

Dhinaca xulka qaranka Belgium waxaa halista ugu badan France ku abuurayay Eden Hazard laakiin waxaa meesha ka maqnayd saamayntii xooganayd ee De Bruyne iyo Lukaku waxayna labada xul qaybtii hore awoodi waayeen in ay wax goolal ah dhaliyaan.

Marka la eego fursadihii ay labada xul abuureen gaar ahaan xulka France iyo in qaybtii hore gool la’aan lagu kala nastay waxay ahayd fariin ay labada tababare u baahnaayeen in ay akhristaan waqtigii nasashada oo ay ciyaartoydooda u soo dardaarmaan.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay France iyo Belgium bilaabeen in ay halkoodii ka sii wadaan dagaalkii qaybtii hore gool la’aanta ku dhamaaday waxayna markan si xoogan u raadinayeen in ay goolal la yimaadaan.

DAQIIQADII 51 AAD Xulka qaranka France ayaa jabiyay ismari waagii ciyaarta kadib markii uu Samuel Umtiti noqday geesiga qarankiisa goolka muhiimada wayn lahaa u keenay iyada oo kubbad uu koorne ka soo tuuray Griezmann uu Umtiti ka awood batay Fellaini waxayna ciyaartu noqotay 1-0 uu France hogaanka ciyaarta kula wareegay.

DAQIIQADII 60 AAD Tababaraha Belgium Roberto Martinez ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay si ay goolka barbaraha u raadiyaan wuxuuna ciyaarta soo galiyay Dries Mertens isaga oo saaray M. Dembélé wuxuuna Belgium bilaabay in ay si xoogan u raadiyaan goolka barbaraha.

France ayaa markan awooda saaray in ay natiijada ay guusha ugu taagnaayeen ilaashadaan halka Belgium ay awoodoodii iskugu geeyeen weerarka si ay ciyaarta ugu soo laabtaan waxayna xaaladu noqotay mid sii adkaatay.

DAQIIQADII 80 aad Markii xaaladu isbadali wayday Belgium ayaa sameeyay badal kale waxaana kaydka looga yeedhay Y. Carrasco waxaana dardaaran dheeraad ah siiyay Thierry Henry oo ka mid ahaa kooxdii France koobka aduunka ku hogaamisay 1998 kii balse markan waxa uu doonayay in Carrasco uu France guusha ka joojiyo iyada oo ciyaarta laga saaray M. Fellaini.

DAQIIQADII 81 AAD Belgium ayaa ku dhawaaday in ay ciyaarta ku soo laabtaan kadib markii uu Hazard fursad fiican helay laakiin waxaa si cajiib ah u joojiyay Varane balse kubbada ayaa u tagtay  Witsel kaas oo darbo ku beegsaday goolka France laakiin goolhaye Lloris ayaa dhinac iskaga leexiyay!.

DAQIIQADIHII 85 AAD IYO  86 AAD Tababaraha France ayaa khadka dhexe ee kooxdiisa soo xoojiyay wuxuuna soo galiyay N’Zonzi iyo C. Tolisso si ay natiijada ciyaarta ugu xafidaan waxaana la saaray B. Matuidi iyo Giroud.

Xulka Belgium ayaa waqtiga la baratamayay si ay goolka barbaraha u keensadaan isla markaana ay ciyaarta waqti dheeri ah ugu dari karaan laakiin France ayaan doonayn in ay shaqo kale isku furaan waxayna samaynayeen wax walba oo ay natiijada ku ilaashan karaan.

Si kastaba ha ahaatee, xulka qaranka France ayaa awooday in ay Belgium aamusiiyaan isla markaana ayna la iman goolka barbaraha taas oo keentay in ugu danbayn ay ciyaartu ku dhamaatay 1-0 uu France ku garaacay Belgium waxayna u soo baxeen finalka koobka aduunka iyaga oo sugi doona England iyo Croatia midkii soo baxa.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...