Wednesday, September 19th, 2018

Daawo Sawirada Arsenal oo soo bandhigtay Saxiixeeda Cusub ee Lucas Torreira

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-7-2018) Kooxda Arsenal ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay xidiga ree Uruguay ee Lucas Torreira  kaas oo wacdaro ka soo dhigay intii uu xulkiisa ku matalayay koobka aduunka. Kooxaha Arsenal iyo Sampdoria ayaa hore heshiis uga sii gaadhay iibka Lucas Torreira  wuxuuna hadda si rasmi ah u noqday ciyaartoy Arsenal ah.

Lucas Torreira  ayaa isku soo muujiyay kooxdiisii hore ee Sampdoria ka hor intii aanu si wayn indhaha ugu soo jiiday bandhigii uu ka sameeyay kulamadii xulka qarankiisa Uruguay ay koobka aduunka ka soo ciyaareen gaar ahaan kulamadii Russia iyo Portugal.

Markii ay Arsenal dhamaystirtay heshiiska Lucas Torreira waxaa dareenkiisa ka hadlay macalinka Gunners ee Unai Emery wuxuuna yidhi: ” Lucas Torreira waxaanu kula soo saxiixanay ciyaartoy da’yar ah kaas oo hibo aad u ifaysa ciyaaraha ku leh. Waa khadka dhexe oo tayo badan leh, waxaan ku raaxaystay daawashada bandhigiisii Sampdoria ee labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay isla markaana waxaynu aragnay wixii aadka u fiicnaa ee uu Uruguay uga sameeyay koobka aduunka”.

Unai Emery oo ka sii hadlaya saxiixa Lucas Torreira ayaa yidhi: ” Waa ciyaartoy da’yar ah oo haddaba khibrad fiican leh, laakiin kaas oo doonaya in uu koritaanka sii wato. Waxaanu Lucas ku soo dhawaynaynaa Arsenal waxaananu wanaag ka rajaynaynaa in uu si deg deg ah noogula soo biiri doono kulamada xili ciyaareedka ka horeeya”.

Lucas Torreira ayaa waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxaha dalkiisa Uruguay isaga oo intii aanu ku soo biirin kooxda horyaalka Talyaaniga ee Sampdoria ka soo ciyaaray kooxda Montevideo Wanderers iyo Pescara wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay ee Pescara saftay May 2015 kii isaga oo 19 sano jir ahaa.

Lucas Torreira ayaa kooxda Sampdoria ku soo biiray July 2015 kii wuxuuna ugu danbayn ka noqday xidig muhiim ah iyada oo Unai Emery uu si wayn farxad uga muujiyay in  Lucas Torreira oo uu bandhigiisa ku soo raaxaystay labadii xili ciyaareed ee ugu danbayay uu kooxdiisa ku soo dhaweeyay.

Ugu danbayn  Lucas Torreira ayaa loo gacan galiyay lamarka 11 aad ee Gunners wuxuuna hadda u bixi doonaa fasax uu ka qaadan doono koobkii aduunka ee uu ulkiisa Uruguay uga soo ciyaaray Russia isaga oo kooxda Gunners la midoobi doona horaanta August.

TORREIRA’S CV

2014-15 Pescara

2015-18 Sampdoria

*2015-16 Pescara (loan)

2018- Arsenal

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada baashaalkii Man United iyo Habeenkii Paul Pogba

(20-9-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester united ayaa Guul weyn ka gaadhay kulankeedii koobaad ee Koobka UEFA Champions League kaas ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo lagu Garaacay Garoonkeeda

(20-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa Guul daro xanuun badan kala kulantay Naadiga dalka France ee Lyon ...

Nicolas Tagliafico oo dhaliyey Goolkii shan Boqolaad ee ay Champions League ka dhaliyaan Xiddigaha dalka Argentina

(20-9-2018) Cayaaryahanka dalka Argentina ee u Cayaara kooxda Ajax Nicolas Tagliafico ayaa Noqdey Xiddigii dalkaas ee dhaliyey Goolkii shan ...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo oo Roose ka qaatay Juventus+Sawiro

(20-9-2018) Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga Saaray Cayaarta hada socota ee ay lacayaarayaaan Naadiga Valencia waxaana Xiddigaan ...

Gennaro Gattuso oo kategay Cayaartoy Muhiim ah kulanka Europa League?

(20-9-2018) Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa kategay Cayaartoy muhiim ah xili uu isku diyaarinayo kulanka koobka UEFA Europa ...

Ma Ogtahay in Lionel Messi Noqdey Boqorka Sadexleyda Champions League iyo in uu dhaafay Ronaldo

(19-9-2018) Kubaddii Kulanka Barcelona ay 4-0 uga badisay naadiga PSV Eindhoven waxaa la tegay Lionel Messi, oo ka ...

Iker Casillas oo noqday Bani’aadamkii u horreeyay ee 20-sano ciyaara Champions League, horay uma dhicin

(19-9-2018) Goolhaye IKER CASILLAS ayaa xirtay kabaha laacibka ugu waqtiga dheer ciyaarista Champions league, markii uu ka mid ...

Cadowgii Cristiano Ronaldo Ee Dani Alves Oo Sheegay In Real Madrid Ay Ka Raysan Doonto Xiddiga Reer Portugal

(19-9-2018) Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ...

Douglas Costa oo mudo dheer Garoomada Laga Ganaaxay?

(19-9-2018) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Douglas Costa ayaa lasaaray Ganaa adag kadib Roosihii uu qaatay kulankii Horyaalka Talyaaniga ...

Layaab! Mohamed Salah oo ka Caroodey Goolkii Guusha ee uu dhaliyey Roberto Firmino

(19-9-2018) Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Switzerland

(19-9-2018) Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa u duushay dalka Switzerland halkaa oo ay habeenka Arbacada kula Cayaari doonaan Naadiga Young ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Lionel Messi oo Sadexley dhaliyey

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul weyn oo muhiim ah waxa ay ka Gaartay kulankii koobka Horyaalada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubaad Cagta Inter Milan ayaa Guul ku bilaabatay kulankeedii koobaad ee koobka Champions League kadib markii ay San ...

Inter Milan oo Ganaax ku muteysan doonta Cayaartoyda ay u magacaawday kulanka Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasheegayaa in ay lakulmi doonto Ganaax kaga imaan ...

Cristiano Ronaldo muxuu ka aaminsanyahay Mustaqbalka Wiilkiisa?

(18-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in Wiilkiisa yar ee Cristiano Jr uu ...