Wednesday, September 19th, 2018

Daawo Sawirada Riyad Mahrez oo sirasmi ah ugu biirey Manchester City

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-7-2018) Kooxda Manchester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay xidiga xulka qaranka Algeria ee Riyad Mahrez kaas oo ay kala soo saxiixatay kooxda Liecester City. Bishii January Man City ayaa ku fashilantay in ay Foxes heshiis kala gaadho qiimaha Riyad Mahrez taas oo sabab u noqotay in heshiiskii xidigani markaas ku iman lahaa Etihad Stadium uu burburay.

Laakiin Pep Guardiola ayaan ka quusan in uu soo xero galiyo Rihad Mahrez waxayna hadda Man City si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xidiga ree Algeria la soo wareegtay. Man City ayaa Rihad Mahrez ka soo bixisay 60 milyan euros isaga oo si toos ah ugu biiri doono mashruuca Guardiola uu haddaba ugu soo guulaystay koobka Premier league.

Riyad Mahrez ayaa noqday xidigii taariikhda Manchester City ee suuqa kala iibsiga ugu qaalisanaa wuxuuna rekoodhkan kala wareegay Aymeric Laporte kaas oo sanadkii hore City ugu soo biiray 57 milyan gini halka Mahrez uu hadda Etihad Stadium ku soo gaadhay 60 milyan gini.

Markii uu qalinka ku duugay qandaraas waqti dheer ah ayuu Mahrez dareenkiisa ka hadlay isaga oo waliba si gaar ah u xusay Guardiola iyo hanaanka ciyaareed ee kooxdiisa wuxuuna yidhi: ” Waxaan ku faraxsanahay in aan City ku soo biiray, koox kubbad fiican ku hoos ciyaaraysa Pep Guardiola”.

” In aan meel fog ka soo daawanayay farxad ayay ii ahayd, Guardiola waxaa ka go’an in uu ku ciyaaro kubbada cagta oo weerar ah taas oo aniga aad iigu haboon, bandhigii City ee xili ciyaareedkii hore cajiib ayuu ahaa.Waxay dib u qeexayaan ciyaarta England waxaanan doonayaa in aan qayb ka ahaado”.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Man City ee Begiristain oo heshiiska Riyad Mahrez door wayn ku lahaa ayaa isna dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Riyad waa ciyaartoy hibo wayn leh, waxa uu garaacaa difaacyada wuxuuna sameeyaa banaan. Dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda Premier Leauge ugu xiisaha badan”.

Begiristain ayaa sheegay in imaatinka Rihad Mahrez ee kooxdiisa Manchester City uu soo kordhin doono tayo dhinaca weerarka ah wuxuuna yidhi: ” Waxaanu hubnaa in kooxdayada uu ku soo kordhin doono tayo dheeraad ah oo weerarka ah”.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada baashaalkii Man United iyo Habeenkii Paul Pogba

(20-9-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester united ayaa Guul weyn ka gaadhay kulankeedii koobaad ee Koobka UEFA Champions League kaas ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo lagu Garaacay Garoonkeeda

(20-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa Guul daro xanuun badan kala kulantay Naadiga dalka France ee Lyon ...

Nicolas Tagliafico oo dhaliyey Goolkii shan Boqolaad ee ay Champions League ka dhaliyaan Xiddigaha dalka Argentina

(20-9-2018) Cayaaryahanka dalka Argentina ee u Cayaara kooxda Ajax Nicolas Tagliafico ayaa Noqdey Xiddigii dalkaas ee dhaliyey Goolkii shan ...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo oo Roose ka qaatay Juventus+Sawiro

(20-9-2018) Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga Saaray Cayaarta hada socota ee ay lacayaarayaaan Naadiga Valencia waxaana Xiddigaan ...

Gennaro Gattuso oo kategay Cayaartoy Muhiim ah kulanka Europa League?

(20-9-2018) Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa kategay Cayaartoy muhiim ah xili uu isku diyaarinayo kulanka koobka UEFA Europa ...

Ma Ogtahay in Lionel Messi Noqdey Boqorka Sadexleyda Champions League iyo in uu dhaafay Ronaldo

(19-9-2018) Kubaddii Kulanka Barcelona ay 4-0 uga badisay naadiga PSV Eindhoven waxaa la tegay Lionel Messi, oo ka ...

Iker Casillas oo noqday Bani’aadamkii u horreeyay ee 20-sano ciyaara Champions League, horay uma dhicin

(19-9-2018) Goolhaye IKER CASILLAS ayaa xirtay kabaha laacibka ugu waqtiga dheer ciyaarista Champions league, markii uu ka mid ...

Cadowgii Cristiano Ronaldo Ee Dani Alves Oo Sheegay In Real Madrid Ay Ka Raysan Doonto Xiddiga Reer Portugal

(19-9-2018) Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ...

Douglas Costa oo mudo dheer Garoomada Laga Ganaaxay?

(19-9-2018) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Douglas Costa ayaa lasaaray Ganaa adag kadib Roosihii uu qaatay kulankii Horyaalka Talyaaniga ...

Layaab! Mohamed Salah oo ka Caroodey Goolkii Guusha ee uu dhaliyey Roberto Firmino

(19-9-2018) Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Switzerland

(19-9-2018) Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa u duushay dalka Switzerland halkaa oo ay habeenka Arbacada kula Cayaari doonaan Naadiga Young ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Lionel Messi oo Sadexley dhaliyey

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul weyn oo muhiim ah waxa ay ka Gaartay kulankii koobka Horyaalada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubaad Cagta Inter Milan ayaa Guul ku bilaabatay kulankeedii koobaad ee koobka Champions League kadib markii ay San ...

Inter Milan oo Ganaax ku muteysan doonta Cayaartoyda ay u magacaawday kulanka Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasheegayaa in ay lakulmi doonto Ganaax kaga imaan ...

Cristiano Ronaldo muxuu ka aaminsanyahay Mustaqbalka Wiilkiisa?

(18-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in Wiilkiisa yar ee Cristiano Jr uu ...