Tuesday, September 18th, 2018

Layaab! Karim Benzema oo ku dhawaaqay in uu katagi doono Real Madrid

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-7-2018) Gool dhaliyaha ree France iyo kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa u muuqda in uu haddaba macasalaameeyay kooxdiisa kadib markii uu fariin layaableh ku soo qoray bartiisa twitterka. Saxaafada Spain ayaa maalmihii ugu danbeeyay qoraysay in macalinkii hore ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti uu caasimada Madrid ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay si uu Real Madrid ugu soo qanciyo in ay kooxdiisa cusub ee Napoli ka iibiyaan Karim Benzema iyo Achraf Hakimi.

Laakiin wararkii suuqa ee ay saxaafada Spain sida wayn u qortay waxaa dabka si xoogan ugu sii shiday isla markaana si cad ugu muuqda in uu xaqiijiyay Karim Benzema oo fariin macasalaamayn iyo mahad naq ah ku soo qoray bartiisa twitterka.

Karim Benzema oo 9 sano ku soo qaatay Santiago Bernabeu ayaa fariinta uu ku soo qoray bartiisa twitterka waxa uu soo raaciyay sawirkii ay Los Blancos saxaafada ugu soo bandhigtay markii uu kooxdeeda ku cusbaa wuxuuna u mahad celiyay madax waynaha, kooxda guud ahaan iyo waliba ciyaartoyda si la mid ah shaqalaahihii tababarka ee kala duwanaa ee uu la soo shaqeeyay.

Karim Benzema ayaa fariintiisa xaalada suuqa dabka wayn ku sii shiday ku yidhi: ” Sagaal sanadood ka hor waxaan markii ugu horaysay xidhay garanka Real Madrid, waxaa ku mahadsan madaxwaynaha, dhamaan kooxda iyo ciyaartoyda, dhamaan tababarayaashii aan dariiqa kula soo kulmay. Waxaan u han waynaa in aan astaanta kooxda soo difaacay isla markaana si joogto ah ayaan ugu mahad celinayaa markasta.#HalaMadrid”.

Haddii dhinaca aan shakiga lahayn laga eego waxaa fariintan loo qaadan karaa mid uu Karim Benzema ku soo beegay sanad guurada sagaalaad ee ka soo wareegtay markii uu kooxda Real Madrid ku soo biiray laakiin warbaahinta Spain ayaa u aragta in ay fariintani tahay mid xaalad cusub ku sii abuuraysa wararkii bixitaankiisa ka hadlayay.

Xili ciyaareedyadii la soo dhaafay Karim Benzema ayaa eedayn iyo orin badan kala kulmayay jamaahiirta kooxdiisa Real Madrid taas oo sabab u noqonaysa in uu iskaga baxo Bernabeu inta aanu bilaamin xili ciyaareedka cusub ee 2018/19.

Wargayska Talyaaniga ka soo baxa ee La Gazzetta dello Sport ayaa shaaciyay in kooxda Napoli ay 40 milyan euros ku doonayso saxiixa Karim Benzema taas oo sabab u noqon karta in xidiga ree France uu dib ula midoobo Carlo Ancelotti oo ay hore Bernabeu xidhiidh fiican ugu lahaayeen.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Afar Khalad Oo Sergio Ramos Sameeyey, Tababaruhuna Ku Raacay Iyo Jamaahiirta Oo Ka Garaabay In Ronaldo Loo Darsaday?

(18-9-2018) Real Madrid ayaa lumisay dhibcihii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan, markii ay garoonka San Mames marti ugu ...

Xogta Dahsoon: Sababta Cayaaraha Champions League loo cayaaro 7-45 daqiiqo qaarada yurub?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League koobkaas oo ah kan Sadexaad caalamka loogu jecelyahay adiga ...

Cayaaraha Champions League ee Caawa lacayaari doono?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League kaas oo ay Cayaari doonaan Naadiyo aad u adag ...

Koobka Champions League oo bilaaban doona Caawa 10 ka Naadi ee u sharaxan iyo koox kasta Xiddiga Hogaamin doona

(18-9-2018) Koobka Caalamka sida weyn looga Xiiseeyo ee UEFA Champions League ayaa habeenka Talaadada sirasmi ah uga bilaaban ...

11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkaan Horyaalka Premier League

(18-9-2018) Waxaa lasoo saaray liiska 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa dhamaan Cayaartoydii Cayaartay Horyaalka Premier League dalka England ...

Daawo Sawirada Neymar iyo Kylian Mbappe oo Hogaaminaya Tababarka PSG iyo Nasser Al-Khelaifi oo soo booqdey

(18-9-2018) Cayaartoyda kooxda PSG ee kala ah Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa dib ugu soo laabtay Tababarka Naadigooda kadib ...

N’Golo Kante oo Salaada Subax kutukuday Masjid kuyaala London kadibna Sawiro lagalay Taageerayaal+Sawiro

(17-9-2018) Cayaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Kubada Cagta Chelsea N’Golo Kante ayaa si lama filaan ah loogu arkay Masjid ...

Mohamed Salah Oo Loogu Magac Darayo Wado Weeyn Oo Ku Taala Dalkiisa Masar!

(17-9-2018) Ganacsadaha reer Masar ee Naguib Sawiris ayaa soo dhaweeyay fikir la yaab leh oo ah in wado ...

AC Milan oo heshiis lagaartay Mareeyihii Cayaaraha Arsenal Ivan Gazidis

(17-9-2018) Wararka ugu danbeeya ee laga helayo Kooxda AC Milan ayaa sheegaya in Naadigaas ay heshiis lagaartay Maareeyihii ...

Cristiano Ronaldo Oo Lagula Yaabay Qaabkii Waallida Ahaa Ee Uu Ugu Dabbaal-degay Goolashii Xalay

(17-9-2018) Jamaahiirta kubadda cagta gaar ahaan kuwooda isticmaala barta Twitter-ka oo ah kuwo inta badan ka falceliya dhaq ...

David Luiz oo aqbalay inuu heshiiska u kor dhiyo Chelsea.

(17-9-2018) Chelsea ayaa qarka u saaran inay wadahadalo qandaraas kordhina la furto daafacooda David Luiz. Xiddiga reer Brazil ayaa ...

Daawo: Gonzalo Higuain oo Guuldaro ka bad baadiyey AC Milan

(17-9-2018) Kooda kubada Cagta AC Milan ayaa bareejo lagashay Naadiga Cagliari oo ay kula soo Cayaareen banaanka waxaana ay ...

Daawo: Zlatan Ibrahimovic oo dhaliyey Gool dunida ka yaabiyey

(17-9-2018) Weeraryahanka Caanka ah ee lagu Magacaabo Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyey mid ka mid ah Goolasha ugu layaabka ...

Douglas Costa oo sugaya Ganaax aad u dheer kadib Roosihii lasiiyey kulankii Sassuolo+Sawiro

(17-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus iyo dalka Braziil Douglas Costa ayaa lasheegayaa in ay macquul tahay in lasaaro Ganaax aad ...

Maurizio Sarri” Chelsea waxaa jooga Cayaaryahan badalay Fikirkii an ka aaminsanaa Xiddiga Caalamka ugu fiican?

(17-9-2018) Macalinka cusub ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa sheegay in uu badalay fikirkiisii ahaa Cayaaryahanka Caalamka ugu fiican ...