Thursday, September 20th, 2018

Layaab!! Maraykanka Oo Gacan Ka Siiyey Xulka Qaranka England Inay Soo Gaadhaan Semi-finalka Koobka Adduunka

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-7-2018) Xulka qaranka England ayaa ka mid ah afarta dal ee semi-finalka Koobka Adduunka iskugu soo hadhay, waxaanay la ciyaari doonaan Croatia Arbacada, halkaas oo haddii ay guuleystaan ay uga sii gudbi doonaan ciyaarta finalka oo ay la ciyaari doonaan Belgium ama France midkooda ku guuleystaa ciyaarta caawa.

Ingiriiska ayaa sannadkan la yimid qaab ciyaareed ka duwan sidii tartamadii hore ee ay ka qayb-galayeen, gaar ahaan qaabka is-difaaca iyo weerarka oo koorneyaashu ku jiraan.

Tababare Southgate ayaa sabab u noqday in dalkiisu uu qaado dariiq cusub oo guulo ay ku heli kaayaan, hase yeeshee kaligii ma samaynin farsamadan ee waxa gacan ka geystay waddanka Maraykanka.

Qaabka uu Maraykanku u caawiyey maaha inuu farogelin toos ah ama talooyin siiyey, hase yeeshee tababaraha ayaa u isticmaalay inuu u diyaariyo qaabka loo ciyaaro kubbadaha laga ciyaaro dalka Maraykanka ee NBA iyo NFL.

Wariyaha ciyaaraha ee Darren Fletcher ayaa waxa uu sheegay in Southgate ay isla soo qaadeen ciyaaraha kubadda kolayga NBA-da ee garoonka ay soo galayaan shanta ciyaartoy ee shanta kale ka hor imanaya, gaar ahaan ciyaar ay dheelaysay kooxda Timberwolves ee horyaalka kubadda Kolayga Maraykanka. Tababare Southgate ayaa markaas sheegay inuu xiiseeyo qaabka loo ciyaaro ee shanta ciyaartoy ay shanta kale uga hor tegayaan, kaddibna meel cidhiidhi ah fursadda laga samaysanayo.

Southgate ayaa waxa uu markaas kaddib u sheegay wariyaha in koorneyaasha ay ciyaartooygiisu sidaas oo kale ay samayn doonaan oo uu u diyaarinayo.

Sidaas si la mid ah, waxa uu tabbabaruhu farsamo kale kasoo qaatay kubadda cagta Maraykanka ee loo yaqaano NFL oo ay iskaga hor yimaaddaan 22 ciyaartoy oo labada kooxood ka kala socda, taas oo la mid ah kubadda cagta ee caadiga ah.

NFL-ka waxa lagu ciyaaraa qaab orod ah oo awood ay isticmaalaan ciyaartooyadu, taaas oo qofka kubadda qabsada looga baahan yahay inuu orod ku dhaafo kuwa kasoo horjeeda oo isku dayaya inay gacanta ku qabtaan ciyaartoyga oo ay dhulka dhigaan, si uu taas uga badbaadana waxa uu u baahan yahay orod badan, goysmo iyo farsamooyin kale oo xoog ku jiro, taas daraadeedna uu ka muruxsan karo haddiiba gacanta lagu dhigo si uu kubadda u gaadhsiiyo diillinta xariijimaha lambaradda leh ee dhibcaha lagu helayo.

Sidaas oo kale ayuu tababare Southgate u qaabeeyey ciyaartooyadiisa oo uu afka hore ugu talo-galay laacibiin dheeraynaya oo qoysmo badan sida Raheem Sterlinga oo sidoo kale xoog badan oo aan dhayal ku dhacaynin.

Khidadda kale ee uu ka qaatay NFL-ku waxay tahay in dhamaan ciyaartooyadu ay soo galaan difaaca marka kubadda lagala wareego, taasina waxay yaraysay goolashii laga dhalin karayey.

Si kastaba ha ahaatee, kubadda cagta Maraykanku waxay Ingiriiska ka caawisay inay yimaaddaan Semi-finalka oo ay uga sii gudbi karayaan ciyaarta ugu dambaysa oo ay koobka ku dagaallamaan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Maxay ahayd Sababta Roosaha loogu Taagay Cristiano Ronaldo?

(20-9-2018) Garsooraha reer Germany ee Felix Brych ayaa ka war bixiyay sababtii uu casaanka u siiyay caawa Cristiano ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada baashaalkii Man United iyo Habeenkii Paul Pogba

(20-9-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester united ayaa Guul weyn ka gaadhay kulankeedii koobaad ee Koobka UEFA Champions League kaas ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo lagu Garaacay Garoonkeeda

(20-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa Guul daro xanuun badan kala kulantay Naadiga dalka France ee Lyon ...

Nicolas Tagliafico oo dhaliyey Goolkii shan Boqolaad ee ay Champions League ka dhaliyaan Xiddigaha dalka Argentina

(20-9-2018) Cayaaryahanka dalka Argentina ee u Cayaara kooxda Ajax Nicolas Tagliafico ayaa Noqdey Xiddigii dalkaas ee dhaliyey Goolkii shan ...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo oo Roose ka qaatay Juventus+Sawiro

(20-9-2018) Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga Saaray Cayaarta hada socota ee ay lacayaarayaaan Naadiga Valencia waxaana Xiddigaan ...

Gennaro Gattuso oo kategay Cayaartoy Muhiim ah kulanka Europa League?

(20-9-2018) Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa kategay Cayaartoy muhiim ah xili uu isku diyaarinayo kulanka koobka UEFA Europa ...

Ma Ogtahay in Lionel Messi Noqdey Boqorka Sadexleyda Champions League iyo in uu dhaafay Ronaldo

(19-9-2018) Kubaddii Kulanka Barcelona ay 4-0 uga badisay naadiga PSV Eindhoven waxaa la tegay Lionel Messi, oo ka ...

Iker Casillas oo noqday Bani’aadamkii u horreeyay ee 20-sano ciyaara Champions League, horay uma dhicin

(19-9-2018) Goolhaye IKER CASILLAS ayaa xirtay kabaha laacibka ugu waqtiga dheer ciyaarista Champions league, markii uu ka mid ...

Cadowgii Cristiano Ronaldo Ee Dani Alves Oo Sheegay In Real Madrid Ay Ka Raysan Doonto Xiddiga Reer Portugal

(19-9-2018) Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ...

Douglas Costa oo mudo dheer Garoomada Laga Ganaaxay?

(19-9-2018) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Douglas Costa ayaa lasaaray Ganaa adag kadib Roosihii uu qaatay kulankii Horyaalka Talyaaniga ...

Layaab! Mohamed Salah oo ka Caroodey Goolkii Guusha ee uu dhaliyey Roberto Firmino

(19-9-2018) Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Switzerland

(19-9-2018) Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa u duushay dalka Switzerland halkaa oo ay habeenka Arbacada kula Cayaari doonaan Naadiga Young ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Lionel Messi oo Sadexley dhaliyey

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul weyn oo muhiim ah waxa ay ka Gaartay kulankii koobka Horyaalada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubaad Cagta Inter Milan ayaa Guul ku bilaabatay kulankeedii koobaad ee koobka Champions League kadib markii ay San ...

Inter Milan oo Ganaax ku muteysan doonta Cayaartoyda ay u magacaawday kulanka Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasheegayaa in ay lakulmi doonto Ganaax kaga imaan ...