Wednesday, July 18th, 2018

Sidee u qornaa Warkii ay Real Madrid ka soo saartay Cristiano Ronaldo?

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-7-2018) Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in xidigii kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo uu heshiis rasmi ah la gaadhay kooxda Juventus isla markaana waxay Madrid soo daabacday fariin qiiro badan oo uu Cristaino Ronaldo ku macasalaameeyay kooxdiisa iyo jamaahiirtii waqtiga dheer ku soo garab taagnaa Bernabeu.

Sidii aanu warkii hore idiinku soo gudbinay kooxaha Real Madrid iyo Juventus ayaa si rasmi ah uga heshiiyay qiimaha uu Ronaldo ugu biirayo kooxda Juventus oo ah 105 milyan euros waxayna hadda Los Blancos si rasmi ah u shaacisay in waqtigii Ronaldo ee Bernabeu u soo dhamaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa war saxaafadeed ay soo saartay  heshiiska uu Cristiano Ronaldo ugu biiray Juventus waxaa lagu yidhi: ”  Maanta Real Madrid waxay u mahad celinaynaa ciyaartoyga kaas cadeeyay in uu yahay kan aduunka ugu fiican isla markaana kaas oo qeexay mid ka mid ah taariikhda kooxdayadayada iyo kubbada cagta aduunka”

Real Madrid ayaa u mahad celisay Cristaino Ronaldo kaas oo isna fariin qiiro badan ku macasalaameeyay maamulka, shaqaalaha tababarka, ciyaartoyda iyo waliba guud ahaan kooxda Real Madrid wuxuuna xaqiijiyay in uu yimid waqtigii uu Bernabeu ka bixi lahaa.

Hadda waxaa la sugayaa maamulka kooxda Juventus oo si wayn ugu hawlan in ay ku dhawaaqaan heshiiskii qarniga iyada oo si  wayn looga diyaar garoobayo magaalada Turin wuxuuna madax waynaha kooxda Juventus maantaba u duulay dalka Giriiga iyada oo la filayo in diyaarada khaaska ah ee uu raacay uu ku soo qaadi doono Cristiano Ronaldo iyo wakiilkiisa Jorge Mendes.

Waxaad naga sugtaanba waa fariinta macasalaamaynta ah ee uu Cristiano Ronaldo u diray kooxdiisa ee isla shabakada kooxda Real Madrid lagu daabacay iyo waliba waqtiga ay kooxda Juventus si rasmi ah ugu dhawaaqayso Ronaldo oo hadda daqiiqad kasta la filan karo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cristiano Ronaldo oo fariin u diray Lionel Messi maxayse ku saabsanayd?

(18-7-2018) Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uusan Lionel Messi u arki doonin, nin isaga la xifaaltama ama Cadaawad ...

Liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho oo la helay?

(18-7-2018) Waxaa lahelay liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho waxaana kujira Xiddigo waa weyn oo lagu iibin ...

Wararkii ugu danbeeyey wadahadalkii Chelsea ku dooneysey Higuain iyo Rugani

(17-7-2018) Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in goor dhow lasoo gaba gabayn doono wadahadlo saacado qaatay ...

Zinedine Zidane oo shaqo ka bilaabaya Juventus iyo shaki ka dhashay ku biiristii Ronaldo ee kooxda Talyaaniga

(17-7-2018) Zinedine Zidane ayaa lagu warramayaa in uu kaalin Muuqata ku lahaa Saxiixa Laacibka CR7 uu ugu wareegay ...

Magacyada iyo Sawirada 10 kii Cayaaryahan ee ugu Fiicneyd Taariikhda Real Madrid

(17-7-2018) Kadib markii uu Real Madrid macasalaameeyey Cayaaryahanka dalka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa waxaa lasoo saaray liiska 10 kii ...

Daawo Sawirada Cristiano Ronaldo iyo Familkiisa oo ka mid Noqdey Qoyska Marwada duqda ah

(17-7-2018) Cayaaryahanka dhawaan ku biirey kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay sirasmi ah ...

Manchester United oo lacag aad u badan ku dooneysa 2 Cayaaryahan oo u dheelayey dalka Croatia

(17-7-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lasheegayaa in ay lacag aad u fara badan ku baadi goobayaan ...

Daawo Sawiradii ugu Saameynta Badnaa Koobka aduunka 2018

(17-7-2018) Aqristeyaal waxaan idiin soo gudbineynaa Sawiradii ugu Saameynta badnaa ee laga qaaday dhamaan Cayaarihii koobka aduunka 2018 ...

Aleksandr Golovin oo Tijaabo caafimaad u maraya Chelsea

(17-7-2018) Cayaaryahanka dalka Ruushka ee lagu Magacaabo Aleksandr Golovin ayaa lasheegayaa in uu ka soo degay Magaalada London halkaa ...

Daawo Sawirada Daley Blind oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore

(17-7-2018) Daaficii kooxda Kubada Cagta Manchester United ee Daley Blind ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Ajax kadib ...

Tobankii Saxiix ee ugu xumaa Cayaartoy Wacdaro ka dhigtay Koobka adduunka+Sawiro

(17-7-2018) Sanad kasta oo laqabto koobka aduunka waxaa soo baxa Cayaartoy la iibsado kuwaas oo ah Xiddigaha wacdaraha ...

Arsene Wenger Oo Sheegay Inuu Qoomamaynayo Wakhtigii Badnaa Ee Arsenal Uu Joogay

(17-7-2018) Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa wax laga waydiiyay qaladkii ugu xumaa ee uu ...

Barcelona: Shan Ciyaartoy Oo Bartil-maameed U Ah, Kooxaha Cabsida Weyn Ay Ku Abuurtay Iyo Willian Oo Liiska Laga Saaray

(17-7-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiisyo la gashay laba ciyaartoy si ay dib iskugu abaabusho oo ay ...

Faah faahin laga bixiyey Sababta uu Alexis Sanchez uga haray safarkii Maraykanka ee kooxdiisa?

(17-7-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ayaa u duulay dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan koobka ...

Zlatan Ibrahimovic Oo Si Layaab Leh U Amaanay Paul Pogba Iyo Saamayntii Uu Ku Lahaa Koobka Adduunka

(17-7-2018) Laacibkii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis ...