Tuesday, September 18th, 2018

Taageerayaal Caraysan oo Weerar ku qaaday Bas ay Saarnaayeen Cayaartoy Xulka Braziil ah oo dib ugu laabtay dalkooda

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-7-2018) Dadweyne cadhaysan ayaa weerar ku qaaday bas ay saarnaayeen ciyaartooyada xulka qaranka Brazil ee ka hadhay Koobka Adduunka kaddib markii ay ku laabteen dalkooda.

Brazil ayaa ku hadhay wareegga siddeeda oo xulka Belgium uu kaga adkaaday 2-1, waxaanay taasi keentay in shacabka dalkaasi ay bilowgiiba bartilmaameedsadaan laacibka khadka dhexe ee Fernandinho oo ay ugu hanjabeen inay dili doonaan isaga iyo qoyskiisaba iyaga oo ku eedaynayay inuu iska dhaliyey goolka koowaad ee Belgium, sidoo kalena uu bandhig ciyaareed liita muujiyey kulankii ugu dambeeyey oo uu buuxiyey booska Casemiro oo ganaax ku fadhiyey. Arrintan ayaa keentay in xidhiidhka kubadda cagta dalkaasi uu ilaalo gaar ah u sameeyo Fernandinho iyo qoyskiisa oo ay suurtogal tahay in la bartilmaameedsado.

Intaas kaddib waxa dhacay fal kale oo ceeb ku ah taageereyaasha Brazil, kuwaas oo weeraray baskii siday ciyaartooyadooda markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha.

Jamaahiir tiro badan oo taagnaa hareeraha waddooyinka ayaa waxay ku weerareen baska ciyaartooyada siday ukun ama beed ay ku qarqiyeen, waxaana ay taas ku muujiyeen inay ka niyad-jabsan yihiin bandhig ciyaareedkii ay ka muujiyeen Koobka Adduunka.

Cayaaryahannada Brazil oo uu ku jiro Willian ayaa markii ay ka hadheen Koobka Adduunka waxay raaligelin u direen shacabka dalkooda, hase yeeshee waxay u muuqataa in aanay taas ku qancin.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Afar Khalad Oo Sergio Ramos Sameeyey, Tababaruhuna Ku Raacay Iyo Jamaahiirta Oo Ka Garaabay In Ronaldo Loo Darsaday?

(18-9-2018) Real Madrid ayaa lumisay dhibcihii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan, markii ay garoonka San Mames marti ugu ...

Xogta Dahsoon: Sababta Cayaaraha Champions League loo cayaaro 7-45 daqiiqo qaarada yurub?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League koobkaas oo ah kan Sadexaad caalamka loogu jecelyahay adiga ...

Cayaaraha Champions League ee Caawa lacayaari doono?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League kaas oo ay Cayaari doonaan Naadiyo aad u adag ...

Koobka Champions League oo bilaaban doona Caawa 10 ka Naadi ee u sharaxan iyo koox kasta Xiddiga Hogaamin doona

(18-9-2018) Koobka Caalamka sida weyn looga Xiiseeyo ee UEFA Champions League ayaa habeenka Talaadada sirasmi ah uga bilaaban ...

11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkaan Horyaalka Premier League

(18-9-2018) Waxaa lasoo saaray liiska 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa dhamaan Cayaartoydii Cayaartay Horyaalka Premier League dalka England ...

Daawo Sawirada Neymar iyo Kylian Mbappe oo Hogaaminaya Tababarka PSG iyo Nasser Al-Khelaifi oo soo booqdey

(18-9-2018) Cayaartoyda kooxda PSG ee kala ah Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa dib ugu soo laabtay Tababarka Naadigooda kadib ...

N’Golo Kante oo Salaada Subax kutukuday Masjid kuyaala London kadibna Sawiro lagalay Taageerayaal+Sawiro

(17-9-2018) Cayaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Kubada Cagta Chelsea N’Golo Kante ayaa si lama filaan ah loogu arkay Masjid ...

Mohamed Salah Oo Loogu Magac Darayo Wado Weeyn Oo Ku Taala Dalkiisa Masar!

(17-9-2018) Ganacsadaha reer Masar ee Naguib Sawiris ayaa soo dhaweeyay fikir la yaab leh oo ah in wado ...

AC Milan oo heshiis lagaartay Mareeyihii Cayaaraha Arsenal Ivan Gazidis

(17-9-2018) Wararka ugu danbeeya ee laga helayo Kooxda AC Milan ayaa sheegaya in Naadigaas ay heshiis lagaartay Maareeyihii ...

Cristiano Ronaldo Oo Lagula Yaabay Qaabkii Waallida Ahaa Ee Uu Ugu Dabbaal-degay Goolashii Xalay

(17-9-2018) Jamaahiirta kubadda cagta gaar ahaan kuwooda isticmaala barta Twitter-ka oo ah kuwo inta badan ka falceliya dhaq ...

David Luiz oo aqbalay inuu heshiiska u kor dhiyo Chelsea.

(17-9-2018) Chelsea ayaa qarka u saaran inay wadahadalo qandaraas kordhina la furto daafacooda David Luiz. Xiddiga reer Brazil ayaa ...

Daawo: Gonzalo Higuain oo Guuldaro ka bad baadiyey AC Milan

(17-9-2018) Kooda kubada Cagta AC Milan ayaa bareejo lagashay Naadiga Cagliari oo ay kula soo Cayaareen banaanka waxaana ay ...

Daawo: Zlatan Ibrahimovic oo dhaliyey Gool dunida ka yaabiyey

(17-9-2018) Weeraryahanka Caanka ah ee lagu Magacaabo Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyey mid ka mid ah Goolasha ugu layaabka ...

Douglas Costa oo sugaya Ganaax aad u dheer kadib Roosihii lasiiyey kulankii Sassuolo+Sawiro

(17-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus iyo dalka Braziil Douglas Costa ayaa lasheegayaa in ay macquul tahay in lasaaro Ganaax aad ...

Maurizio Sarri” Chelsea waxaa jooga Cayaaryahan badalay Fikirkii an ka aaminsanaa Xiddiga Caalamka ugu fiican?

(17-9-2018) Macalinka cusub ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa sheegay in uu badalay fikirkiisii ahaa Cayaaryahanka Caalamka ugu fiican ...