Wednesday, August 22nd, 2018

Chelsea Oo Gashay Xaalad Deganaansho La’aan Ah, Hazard Oo Ay Ka Baqayso Inuu U Wareego Real Madrid Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Published on July 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-7-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa uu soo foodsaaray walaac la xidhiidha mustaqbalka laacibkeeda reer Belgium ee Eden Hazard, kaddib markii uu Real Madrid ka tegay xiddigoodii Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus.

Hazard oo xulka dalka Belgium u horseeday inay gaadhaan marxaladda semi-finalka Koobka Adduunka oo uu ku reebay Faransiisku ayaa waxa uu ka mid yahay saddex ciyaartoy oo lala xidhiidhinayo inay beddel u noqon doonaan Cristiano Ronaldo oo ay u wareegi doonaan Real Madrid.

Eden Hazard, Kylian Mbappe iyo Neymar ayaa si aad ah loola xidhiidhinayaa in midkood ama laba ay tegi doonaan Real Madrid si ay u galaan booska uu Ronaldo banneeyey, waxaase walaac gaar ah uu haystaa Chelsea oo uu dhowaan xiddigeedu bixiyey ishaaro muujinaysa inay suurtogal tahay inuu ka tago.

Bishii May ee sannadkan ayaa uu Hazard warbaahinta u sheegay inuu doonayo inuu ka hoos ciyaaro Zinedine Zidane oo wakhtigaas ahaa macallinka Real Madrid hase yeeshee iska casilay markii uu u qaaday Champions League sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah.

Hazard oo ka ciyaartii Faransiiska ay warbaahintu wax ka weydiisay inuu weli ku taagan yahay riyadiisii ahayd inuu Real Madrid tago iyo in kale mar haddii uu Zidane ka tegay, ayaa waxa uu sheegay in xidhashada funaanadda Real Madrid ay tahay riyo uu ciyaartoy kasta doonayo inuu rumeeyo.

“Miyey hoos u dhacaysaa riyadaydii mar haddii uu Zidane tegay? Zidane waa qof gaar ah, waa run, laakiin Real Madrid waa riyada qof walba leeyahay. Zidane oo jooga iyo Zidane oo aan jooginba, shaadhka cad ee Real Madrid waa mid gaar ah.” Sidaas ayuu yidhi Hazard.

Arrintan ayaa waxa ay keentay in Chelsea ay u baqdo mustaqbalka laacibkeeda oo hore loo wariyey in 100 milyan oo Gini ay Los Blancos u diyaarisay lasoo wareeggiddiisa, iyadoo dhinaca kalena ay jirto aragti ah inuu uga jaban yahay Neymar iyo Mbappe.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Wiil uu dhalay Ra iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga oo ka Cayaari doona Horyaalka dalkaas

(22-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Udinese oo Cayaarta Horyaalka heerka koobaad ee dalka Talyaaniga ayaa lacadeeyey in ay heshiis lagaareen ...

N’Golo Kante Oo Cafis Weydiistay Taageere Reer Arsenal Ah – Muxuu Ku Sameeyey?

(22-8-2018) Cayaaryahanka khadka dhexe ee N’golo Kante ayaa raalligelin siiyey taageere reer Arsenal ah kaddib markii ay dhamaatay ...

Eden Hazard ooh al shuruud ku xiray heshiis Cusub oo uu Chelsea u Saxiixo?

(22-8-2018) Kubad Sameeyaha kooxda Chelsea ee Eden Hazard  ayaa shuruud ku xiray in uu heshiis Cusub lagaaro Naadigiisa waxaana ...

Shan Cayaaryahan oo uu kujiro Mesut Ozil oo lumisey kalasoonida Macalin Unai Emery+Sawiro

(22-8-2018) Tan iyo Markii macalin Unai Emery loo mahacaabay xilka kooxda Arsenal waxaa soo baxayey kalsooni daro iyo wel ...

Ma ogtahay in aan James Milner laga badin Taariikhdiisa kulan Premier League ah?

(22-8-2018) Waa macquul in uu layaab kugu abuuray aqriste qodobkaan aynu ku eegeyno Record-ka layaabka leh ee uu ...

Miralem Pjanic oo heshiis Cusub u Saxiixay Juventus+Sawiro

(22-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Miralem Pjanic ayaa ugu danbayn qalinka dul dhigay Waraaqda isaga oo Saxiixay heshiis cusub ...

Manchester United oo war cad ka soo saartay doonisteeda Zinedine Zidane iyo Mustaqbalka Jose Mourinho?

(21-8-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester United oo beryahaan aad loola Xiririyey Macalinkii hore ee Real Madrid Zinedine Zidaneayaa ...

Macalinka Inter Milan Luciano Spalletti oo laganaaxay

(21-8-2018) Maca;linka kooxda kubada Cagta Inter Milan ee Luciano Spalletti ayaa ganaax kala kulmay Gudiga Maamula Horyaalka Talyaaniga ...

TV ga Sky Sports oo shaaciyey Tirada dadkii daawaday kulankii koobaad ee Cristiano Ronaldo’

(21-8-2018) TV ga Caanka ah ee Sky Sports qaybtiisa baahisa Horyaalka dalka talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday Tirada ...

Goolhaye Claduio Bravo Oo Halis Ugu Jira In Uu Seego Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedka Cusub

(21-8-2018) Kooxda kubada cagta Manchester City ayaa inta ka dhiman heysan doonta hal goolhaye oo kooxda koowaad k ...

Mino Riola Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Paul Scholes Sabab?

(21-8-2018) Wakiilk laacibka xulka qaranka France Pogba ee Mino Riola ayaa weerar afka ah ku qaaday halyeyga Manchester ...

Daawo: Liverpool oo Guul muran badan ka Gaartay kulankii Crystal Palace

(21-8-2018) Liverpool ayaa guushii labaad oo xiriir ah gaartay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ...

Cayaaryahan ka Cayaara Premier League oo Kufsi lagu soo eedeeyey?

(21-8-2018) Cayaaryahan aan la magacaabin oo ka dheela Premier League ayaa lagu eedeeyay in uu magaalada London ku ...

Alexis Sanchez oo lakulmay Weerar kaga yimid Taageerayaasha Manchester United+Sawiro

(21-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa lakulmay Weerar dhanka baraha bulshada ah oo kaga yimid Taageerayaasha ...

Kooxaha ku dagaalamaya saxiixa Claudio Marchisio oo Juventus laga cayriyey

(21-8-2018) Waxaa jira kooxo fara badan oo qaarada yurub ah kuwaas oo ku dagaalamaya Saxiixa Cayaaryahankii hore ee ...