Tuesday, November 13th, 2018

Maxaa keenay in Malaayiin dad ah ay kalarkaan ku daawadaan koobka aduunka 2018?Sawiro

Published on July 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-7-2018) Sean Hargrave waa qof ciyaaraha aad u jecel, balse marka uu damcay in uu daawdo furitaanka koobka adduunka ee 2018-ka, waa uu kala saari waayay kuwa ay kala yihiin labada kooxood ee dheelaysa.

Kalama saari karo midabada cagaarka iyo guduudka, waxa dhana isku mid ayay ula muuqanayaan.

12 qof oo rag ahba, midkood ayaa qaba xanuunkan midab la’aanta aragga, dumarka 200 dumar ahba mid ka mid ah ayaa qabta.

Midab la’aanta aragga waa ay kala duwantahay, waana kala darantahay , qofka aadka u darana waxa ciyaartii Ruushka iyo Sucuudiga ula muuqan kartaa sawirka hoose, oo lala barbar dhigay sawirka rasmiga ah.

Dadka qaba xanuunkan adduunka waxaa lagu qiyaasaa illaa 320 milyan oo qof, waxaana xitaa ka mid ah qaar ka mid ah ciyaartooyda laftooda, waxaana FIFA lagu eedeeyay in aysan waxbo ka qabanin arrinkan.

Dadka qaarkood ma kala garan karaan gool hayaha iyo garsooraha, sidoo kale ma arki karaan diilimaha dharka.

Marka ciyaarta ay noqoto rigooro ama gool-ku-laad, dadka la’ midabka aragga waxa ay ku dhibtoodaan in ay kala sheegaan middabada guduudka iyo cagaarka ee kasoo muuqda shaashadaha ee lagu tirakoobayo goolaha la kala dhaliyay iyo kuwa lala gafay.

Katy Moran, 27 jir ah waxa ay u dheeshaa kooxda gabdhaha ee Aston Villa, waxa ay BBC-da u sheegtay in ma

rarka qaarkood ay ciyaartooyga kale ka eegto iskaalsooyinka (sharabaatooyinka) si ay u garato kooxda uu yahay, gaar ahaan marka ay iyada ciyaaraha dheeleyso.

Waxa ay sheegtay in ay dhibaato tahay in qofka uu ciyaaraha guul ka keeno, maadaamaa waqtiga iyo fikirka inta badan uu kaga baxayo in uu kala garto dadka ciyaarta la dheelaya.

Ciyaaryahanada xanuunkan qaba waxaa ka mid ah Thomas Delaney oo u ciyaara xulka Denmark.

Delaney ayaa raadiye ku yaala dalka Denmark u sheegay in uu la’yahay midabka aragga, isaga oo taageero u muujiyay qof taageere ah oo soo wacay raadiyaha, xanuunkaaska qaba.

Tan waxa ay keentay in kooxdiisa Denmark iyo kooxdii kale ee ay la dheelayeen ee Australia ay badalaan maaliyadda, waxayna xirteen dhar kayd u ahaa.

Waxa uu sheegay in dadka qaarkood aysan qiranin dhibaatada haysata, iyaga oo ka baqaya in kursiga ay waqti badan ku qaataan.

Maxaa sababa?

Waxaa dadka u sahla in ay middabada arkaan xidid ama neerfo indhaha ku jira, waxana qofka uu arki karaa guduud, cagaar iyo buluugga qafiifka ah marka araggiisa uu caadi yahay.

Balse dadka qaar ayaa la’ qeyb ka mid ah saddexdaas maaddo, mararka qaarkoodna dhammaantood ayaaba qofka ka maqan.

Ma jirto wax dawo ah oo arrinkan loo hayo, balse mararka qaar xal ayaa laga gaari karaa.

Dadka qaar oo si qafiif ah u beeley midabka aragga ma kala garan karaan in ay xanuunkaas qabaan, sababtoo ah waa ay ku dhasheen, mana ka warhayaan in dadka kale ay arkaan midab tiq ah oo ka duwan kan ay arkaan ee qafiifka ah.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Macalin Antonio Conte muxuu ku maagay Sergio Ramos?

(13-11-2018) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaantii isaga oo jawaabo ...

London oo markale qaabileysa Samir Nasri

(13-11-2018i) Cayaaryahankii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo ...

Rasmi: Santiago Solari oo loo Magacaabay Macalinka Rasmiga ah ee Real Madrid

(13-11-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta  Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka ...

Lionel Messi oo ku Guuleystey Xiddiga Sanadka iyo abaal marinta Pichichi

(13-11-2018)Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ...

Halyeygii Reer Brazil Ee Roberto Carlos Oo Sameeyey Ballan-qaad Ka Farxiyey Jamaahiirta Real Madrid

(12-11-2018) Halyeygii reer Brazil ee Roberto Carlos ayaa sameeyey ballan-qaad ka farxiyey jamaahiirta kooxdiisii hore ee Real Madrid, ...

Leroy Sane Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda Cagta – Miyuu Iloobay Pele, Maradona, Zidane, Ronaldinho Iyo Halyeeyadii Jarmalka?

(12-11-2018)Xiddiga reer Germany ee garabka uga ciyaara Manchester City ee Leroy Sane ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee uu ...

XOG: Afar Arrimood Oo Madaxweynaha Real Madrid Ku Qasbi Doona In Santi Solari Loo Magacaabo Tababare Rasmi Ah

(12-11-2018) Santi Solari waxa uu sii wadaa natiijooyin wanaagsan oo uu ku kasban karo in si rasmi ah ...

Sanchez oo Gadood ka ah Xiddigaha United isagoo kaliya la Hadla Seddax Laacib

(12-11-2018)P ALEXIS SANCHEZ ayaa qarka u saaran inuu ka hayaamo Man United wuxuuna sheegay inuu gadood ka yahay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Taako loo dhigay

Chelsea ayaa awood u yeelan weysay iney dhaafo kooxda Everton oo marti u aheyd kaddib markii ay ku ...

Daawo: Manchester United oo qaadatay Casharada Pep Guardiola iyo David Silva

(12-11-2018) Kooxda Manchester City ayaa guul dhamaystiran Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo dhulka lagu jiidey

(12-11-2018) Kooxda Barcelona aya guuldaro lama filaan ah kala kulanta kooxda Real Betis oo marti ugu ahayd gegida ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul daro Xanuun badan kala kulantay Atalanta

(11-11-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ayaa Guuldaro Xanuun badan kala kulantay Naadiga Atalanta waxaana looga badiyey 4-1. Inter Milan ...

Kulamada Super Sunday Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(11-11-2018) Waxaa Maanta oo axad ah lacayaari doonaa kulamadii ugu xiisaha badnaa waxaana iska hor imaan doona kooxo ...

Taageerayaasha AC Milan oo soo bandhigay qorsha ay ku qaabili doonaan Leonardo Bonucci

(11-11-2018) Kulan adag ayaa ka dhici doona Garoonka San Siro ee Magaalada ,Milano kaas oo dhex mari doona ...

Alexandre Pato oo iska fogeeyey in uu ku soo laaban doono AC Milan

(11-11-2018) Weeraryahankii hore ee kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa beeniyey Warar dhawaan soo baxay oo sheegayey in uu ku ...