Thursday, January 17th, 2019

Paul Pogba oo ka shifay Cayaartoy badan oo dooneysa in ay ka fariistaan Cayaaraha Caalamiga ah dalka France

Published on July 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-7-2018) Laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka France, Paul Pogba ayaa shaaciyey inay khasab ku tahay ciyaartooyada inay ku guuleystaan Koobka Adduunka sababtoo ah waxa dhici doonta in xiddigo badan oo hadda ku jira xulka qaranka dalkaas ay ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiisan doonaan marka uu tartanku dhamaado.

Pogba oo dhalleecayn loo jeediyey kulamadii saaxiibtinimo ee Faransiisku iskugu diyaarinayey ciyaaraha Koobka Adduunka ayaa marar badan lagu ooriyey, waxaanay taasi keentay inay dibedda usoo baxaan warar sheegaya inuu qorshaynayo inuu gebi ahaanba ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah oo uu joojiyo inuu xidho funaanadda qarankiisa marka Koobka Adduunku dhamaado.

Inkasta oo ay da’diisu yartahay, haddana Pogba waa hoggaamiyaha rasmiga ah ee xulka qaranka France, qaabka uu kubadda uga farsameeyo khadka dhexe ayaana sabab u noqota in weerarka awoodda badan ee afka hore ugu diyaarsan ay goolal dhaliyaan.

Pogba oo warbaahinta kula hadlay magaalada St. Petersburg ee waddanka Ruushka oo ay ka dhacday ciyaartii ay kaga guuleysteen Belgium, ayaa waxa uu tibaaxay inay ahayd ahayd ciyaar, waxaase uu qiray in dalkiisu uu difaac ku jiray.

“Waxay ahayd ciyaar labada kooxoodba ku adag. Ibseddelka waxa keenay waxyaabo yaryar. Anagu waxa aanu ku xoog badnayn difaaca, waxaananu dhalinay gool koorne ah, laakiin hadda waxa na sugaysa ciyaar kasii weyn oo ah finalka Koobka Adduunka.” Sidaas ayuu yidhi Pogba oo ka hadlayey ciyaartii ay kaga guuleysteen Belgium.

Intaas kaddib Paul Pogba waxa uu shaaciyey hal arrin oo khasab ka dhigaysa inay ku guuleystaan Koobka Adduunka, waxaanu yidhi: “Waxa laga yaabaa, in ciyaartani noqoto tii ugu dambaysay ee qaar ka mid ah laacibiintayada. Waxa aanu doonaynaa inaanu guuleysano.”

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartooyada da’da weyni way ku yar yihiin xulka France, waxaana ruug caddaa u ah goolhayaha, hase yeeshee ciyaartooyada kale waa carruur.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...