Thursday, January 17th, 2019

Chelsea Oo Shaqada Ka Eriday Tababare Antonio Conte iyo Sarri Oo La Magacaabayo

Published on July 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-7-2018) Kooxda Chelsea ayaa ugu danbayn shaqadii kooxdeeda ka caydhisay Antonio Conte waxayna hadda qarka u saaran tahay in ay dhamaystirto heshiiska uu macalinkii hore ee kooxda Napoli ee Maurizio Sarri uu ku noqonayo badalka Antonio Conte. Sky Italia ayaa shaaciyay in Chelsea ay shaqadii kooxdeeda ka caydhisay Antonio Conte.

Inkasta oo ayna wali Chelsea si rasmi ah ugu dhawaaqin bixitaanka Antonio Conte laakiin Sky Italia waxa uu xaqiijiyay in Antonio Conte aanu hadda ahayn macalinka Chelsea oo uu baxay isla markaana la sugayo in maamulka Blues ay war saxaafadeed ka soo saaraan bixitaankiisa iyo waliba shaacinta in Maurizio Sarri uu badalay.

Tan iyo dhamaadkii xili ciyaareedkii la soo dhaafay Chelsea ayaa doonaysay in ay shaqada kooxdeeda kowaad ka caydhiso Antonio Conte balse waxay ka cago jiidaysay in ay bixiso lacagta magdhowga ah ee qandaraaskiisa lagu burburin karayay laakiin ugu danbayn markii ay isku hubsatay saxiixa Maurizio Sarri waxay Conte siisay lacagta uu xaqa ugu lahaa.

Antonio Conte ayaa iska diiday in uu iska casilo shaqada Chelsea maadaama oo aanu heleen wax lacag magdhow ah wuxuuna sugayay in shaqada laga caydhiyo haddii ayna maamulka Blues shaqadiisa ku qanacsanayn taas oo uu ugu danbayn ka helay wixii uu doonayay.

Antonio Conte ayaa sabtidii dib ugu soo laabtay xarunta tababarka Chelsea laakiin maanta oo khamiis ah waxaa ciyaartoyda Blues lagu war galiyay go’aanka uu Roman Abramovich shaqada uga caydhiyay Antonio Conte iyada oo waliba fasax laga siiyay tababarkii ay qaadan lahaayeen maanta.

Si kastaba ha ahaatee, Roman Abramovich ayaa shaqada kooxdiisa Blues u magacaabi doona Maurizio Sarri kaas oo haddaba laga shaqaynayo qandaraaska uu Stamford Bridge kula wareegayo, waxaana hadda si buuxda loogu dheg taagayaa war saxaafadeedyada ay Blues ku shaacin doonto bixitaanka Conte iyo imaatinka Maurizio Sarri.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waxaad kaga bogan doontaan insha Allah wararkeena soo socda iyada oo haddaba si rasmi ah saxaafadu u xaqiijisay in Antonio Conte uu ka baxay Chelsea.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...