Tuesday, September 18th, 2018

Cuadrado Oo Si Rasmi Ah U Wareejiyey Garanka Lambar 7 Oo Uu Xidhan Doono Cristiano Ronaldo

Published on July 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-7-2018) Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa sii diyaarisay wax kasta oo Cristiano Ronaldo uu uga baahan yahay ka hor inta aanu si rasmi ah uga degin magaalada Turin ee aanu ku biirin ciyaartooyada kale ee samaynaya tababarka isku-diyaarinta xili ciyaareedka cusub.

Tallaabadii ugu dambaysay ee ay Juventus qaadday ayaa ah inay Cuadrado ku amartay inuu bixiyo funaanadda lambarka 7 oo uu xili ciyaareedkii u dambeeyey xidhnaa, waxaana ay kooxdu go’aamin doonaa lambarka cusub ee uu u xidhan doono mar haddii laga qaaday kiisii hore.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Juan Cuadrado ayaa ka hor intii aanay kooxdu u sheegin inuu soo wareejiyo lambarka 7, waxa uu iskii ugu dhowaaqay inuu siinayo Ronaldo, waxaana uu sidaas ku baahiyey bartiisa bulshada ee Instagram.

Hadal kooban oo uu ku qoray bartiisa Instagram ayaa waxa uu soo raaciiyey garanka lambar 7 oo Cristiano Ronaldo dhabarka kaga qoran yahay, taas oo uu ku tilmaamay inay wanaagsan tahay inuu siiyo CR7.

“Waxa wanaagsan in la siiyo oo uu helo. Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Cristiano Ronaldo.” Sidaas ayuu Cuadrado yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa maalmaha soo socda gaadhi doona magaalada Turin oo uu kaga biiri doono kooxdiisa cusub oo uu u raaci doono safarka ciyaareed ee ay ku tegayso Maraykanka.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Roberto Firmino Iyo Saddex Weeraryahan Oo Kale Oo Liverpool Ka Maqnaan Doona Ciyaarta Caawa Ee PSG

(18-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Liverpool ayaa caawa garoonkeeda Anfield kusoo dhoweynaysa naadiga reer France ee PSG, kulankooda ugu ...

DEG DEG: Agaasimihii Cayaaraha Arsenal oo iscasilay Sabab?

(18-9-2018) Agaasimihii fulinta Arsenal ee Ivan Gazidis ayaa ku dhowaaqay inuu ka tegayo Gunners muddo dheer kaddib, isla ...

Afar Khalad Oo Sergio Ramos Sameeyey, Tababaruhuna Ku Raacay Iyo Jamaahiirta Oo Ka Garaabay In Ronaldo Loo Darsaday?

(18-9-2018) Real Madrid ayaa lumisay dhibcihii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan, markii ay garoonka San Mames marti ugu ...

Xogta Dahsoon: Sababta Cayaaraha Champions League loo cayaaro 7-45 daqiiqo qaarada yurub?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League koobkaas oo ah kan Sadexaad caalamka loogu jecelyahay adiga ...

Cayaaraha Champions League ee Caawa lacayaari doono?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League kaas oo ay Cayaari doonaan Naadiyo aad u adag ...

Koobka Champions League oo bilaaban doona Caawa 10 ka Naadi ee u sharaxan iyo koox kasta Xiddiga Hogaamin doona

(18-9-2018) Koobka Caalamka sida weyn looga Xiiseeyo ee UEFA Champions League ayaa habeenka Talaadada sirasmi ah uga bilaaban ...

11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkaan Horyaalka Premier League

(18-9-2018) Waxaa lasoo saaray liiska 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa dhamaan Cayaartoydii Cayaartay Horyaalka Premier League dalka England ...

Daawo Sawirada Neymar iyo Kylian Mbappe oo Hogaaminaya Tababarka PSG iyo Nasser Al-Khelaifi oo soo booqdey

(18-9-2018) Cayaartoyda kooxda PSG ee kala ah Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa dib ugu soo laabtay Tababarka Naadigooda kadib ...

N’Golo Kante oo Salaada Subax kutukuday Masjid kuyaala London kadibna Sawiro lagalay Taageerayaal+Sawiro

(17-9-2018) Cayaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Kubada Cagta Chelsea N’Golo Kante ayaa si lama filaan ah loogu arkay Masjid ...

Mohamed Salah Oo Loogu Magac Darayo Wado Weeyn Oo Ku Taala Dalkiisa Masar!

(17-9-2018) Ganacsadaha reer Masar ee Naguib Sawiris ayaa soo dhaweeyay fikir la yaab leh oo ah in wado ...

AC Milan oo heshiis lagaartay Mareeyihii Cayaaraha Arsenal Ivan Gazidis

(17-9-2018) Wararka ugu danbeeya ee laga helayo Kooxda AC Milan ayaa sheegaya in Naadigaas ay heshiis lagaartay Maareeyihii ...

Cristiano Ronaldo Oo Lagula Yaabay Qaabkii Waallida Ahaa Ee Uu Ugu Dabbaal-degay Goolashii Xalay

(17-9-2018) Jamaahiirta kubadda cagta gaar ahaan kuwooda isticmaala barta Twitter-ka oo ah kuwo inta badan ka falceliya dhaq ...

David Luiz oo aqbalay inuu heshiiska u kor dhiyo Chelsea.

(17-9-2018) Chelsea ayaa qarka u saaran inay wadahadalo qandaraas kordhina la furto daafacooda David Luiz. Xiddiga reer Brazil ayaa ...

Daawo: Gonzalo Higuain oo Guuldaro ka bad baadiyey AC Milan

(17-9-2018) Kooda kubada Cagta AC Milan ayaa bareejo lagashay Naadiga Cagliari oo ay kula soo Cayaareen banaanka waxaana ay ...

Daawo: Zlatan Ibrahimovic oo dhaliyey Gool dunida ka yaabiyey

(17-9-2018) Weeraryahanka Caanka ah ee lagu Magacaabo Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyey mid ka mid ah Goolasha ugu layaabka ...