Wednesday, September 19th, 2018

FIFA oo ku dhawaaqday garsooraha dhex dhexaadin doona Finalka koobka aduunka Waa kuma?

Published on July 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-7-2018) Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay garsooraha dhex dhexaadin doono kulanka kubbada cagta ugu wayn ee finalka koobka aduunka oo ay axada isku haleeli doonaan xulalka qaramada France iyo Croatia. France ayaa finalka koobka aduunka soo gaadhay kadib markii ay guul ka soo gaadheen Belgium halka Croatia ay riyadii England ee koobka aduunka soo dhameeyeen.

France ayaa hore koobka aduunka ugu soo guulaystay sanadkii 1998 kii laakiin sanadkii 2006 kii oo ay sidan oo kale soo gaadheen finalka koobka aduunka ayay guuldaro kala kulmeen Italy halka Croatia ay markii ugu horaysay u soo baxeen finalka koobka aduunka.

Finalkii koobka aduunka ee 2006 kii waxaa dhex dhexaadiyay garsoorihii ree Argentina ee Hector Elizondo laakiin markale xulka France ayaa arki doona garsoore kale oo ree Argentina ah oo dhex dhexaadin doona kulanka ay Croatia la ciyaari doonaan maadama oo FIFA magacowday garsooraha ree Argentina ee Nestor Pitana.

Garsoore Nestor Pitana oo 43 sano jir ah ayaa ahaa garsoorihii koobka aduunka daah furay ee dhex dhexaadiyay kulankii Russia iyo Saudi Arabia ee koobka aduunka furitaanka u ahaa laakiin waxa uu sidoo kale soo qabtay kulankii ay France guusha ka soo gaadheen Uruguay ee siddeeed dhamaadkii koobka aduunka.

Balse garsoore Nestor Pitana ayaa sidoo kale aan ku cusbayn xulka Croatia wuxuuna soo hayay kulankii wareegii 16ka xul qaran ee koobka aduunka ee ay Croatia rekoodhayaasha ku reebeen Denmark.

Garsoore Nestor Pitana ayay la shaqayn doonaan Hernan Maidana iyo Juan Belatti oo calanwadayaasha noqon doona halka garsooraha afraad loo doortay Bjorn Kuipers.

Si kasta ha ahaatee, xusuusta ree France waxaa wali ka dhex guuxaysa kaadhkii casaa ee uu garsoorihii ree Argentina ee   Hector Elizondo uu siiyay Zinedine Zidane finalkii koobka aduunka ee ugu danbeeyay ee ay soo gaadheen 2006 kii laakiin markan waxay garsooraha ree Argentina ee Nestor Pitana ay ka rajaynayaan in ayna xusuus kale oo xumi dhex marin.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada baashaalkii Man United iyo Habeenkii Paul Pogba

(20-9-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester united ayaa Guul weyn ka gaadhay kulankeedii koobaad ee Koobka UEFA Champions League kaas ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo lagu Garaacay Garoonkeeda

(20-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa Guul daro xanuun badan kala kulantay Naadiga dalka France ee Lyon ...

Nicolas Tagliafico oo dhaliyey Goolkii shan Boqolaad ee ay Champions League ka dhaliyaan Xiddigaha dalka Argentina

(20-9-2018) Cayaaryahanka dalka Argentina ee u Cayaara kooxda Ajax Nicolas Tagliafico ayaa Noqdey Xiddigii dalkaas ee dhaliyey Goolkii shan ...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo oo Roose ka qaatay Juventus+Sawiro

(20-9-2018) Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga Saaray Cayaarta hada socota ee ay lacayaarayaaan Naadiga Valencia waxaana Xiddigaan ...

Gennaro Gattuso oo kategay Cayaartoy Muhiim ah kulanka Europa League?

(20-9-2018) Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa kategay Cayaartoy muhiim ah xili uu isku diyaarinayo kulanka koobka UEFA Europa ...

Ma Ogtahay in Lionel Messi Noqdey Boqorka Sadexleyda Champions League iyo in uu dhaafay Ronaldo

(19-9-2018) Kubaddii Kulanka Barcelona ay 4-0 uga badisay naadiga PSV Eindhoven waxaa la tegay Lionel Messi, oo ka ...

Iker Casillas oo noqday Bani’aadamkii u horreeyay ee 20-sano ciyaara Champions League, horay uma dhicin

(19-9-2018) Goolhaye IKER CASILLAS ayaa xirtay kabaha laacibka ugu waqtiga dheer ciyaarista Champions league, markii uu ka mid ...

Cadowgii Cristiano Ronaldo Ee Dani Alves Oo Sheegay In Real Madrid Ay Ka Raysan Doonto Xiddiga Reer Portugal

(19-9-2018) Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ...

Douglas Costa oo mudo dheer Garoomada Laga Ganaaxay?

(19-9-2018) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Douglas Costa ayaa lasaaray Ganaa adag kadib Roosihii uu qaatay kulankii Horyaalka Talyaaniga ...

Layaab! Mohamed Salah oo ka Caroodey Goolkii Guusha ee uu dhaliyey Roberto Firmino

(19-9-2018) Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Switzerland

(19-9-2018) Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa u duushay dalka Switzerland halkaa oo ay habeenka Arbacada kula Cayaari doonaan Naadiga Young ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Lionel Messi oo Sadexley dhaliyey

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul weyn oo muhiim ah waxa ay ka Gaartay kulankii koobka Horyaalada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubaad Cagta Inter Milan ayaa Guul ku bilaabatay kulankeedii koobaad ee koobka Champions League kadib markii ay San ...

Inter Milan oo Ganaax ku muteysan doonta Cayaartoyda ay u magacaawday kulanka Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasheegayaa in ay lakulmi doonto Ganaax kaga imaan ...

Cristiano Ronaldo muxuu ka aaminsanyahay Mustaqbalka Wiilkiisa?

(18-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in Wiilkiisa yar ee Cristiano Jr uu ...