Thursday, January 17th, 2019

Muwaadin Ingiriis ah oo lagu waayey dalka Ruushka iyo Xaalada labada dal oo cirsha Gashay

Published on July 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-7-2018) Muwaadin u dhashay waddanka Ingiriiska ayaa lagu waayey gudaha dalka Ruushka, halkaas oo uu u tegay inuu daawado, isla markaana taageero xulka qarankiisa England ee ka qayb-gelayay Koobka Adduunka ka hor intii aanay Croatia ku reebin wareegga semi-finalka Arbacadii.

Labada dal ee Ingiriiska iyo Ruushka ayaa waxa ka dhexaysa xurguf siyaasadeed oo cirka isku shareertay oo sababtay in ay caydhiyaan qaar ka mid ah dublomaasiyiintii labada dhinac ku kala sugnaa, taas oo ka abuurantay markii basaas Ruush ah oo ku sugnaa magaalada London iyo inan uu dhalay la sumeeyey, isla markaana lagu eedeeyey sirdoonka Ruushka inay arrintaas fuliyeen. Waxa kasii dambeeyey laba qof oo midkood geeriyooday oo dhowaan sidii basaaskaas hore oo kale loo sumeeyey.

Iyadoo qaskani taagan yahay ayaa uu bilaabmay Koobka Adduunka oo lagu qabtay Ruushka oo reer galbeedka aanay isku wanaagsanayn, waxaanay taasi keentay in Ingiriisku soo saaro digniin uu muwaadiniintiisa ku wargelinayo in aanay tegin Ruushka oo aanay u raacin xulka dalkooda, haddii ay dhacdo inay tagaanna ay taxadar dheeraad ah sameeyaan.

Sidaas oo ay tahay ayaa waxa dhacday in muwaadin Ingiriis ah oo lagu magacaabo Douglas Moreton uu ayaa la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay wakhti uu kasoo laabanayey magaalada Samara oo uu kusoo jeeday magaalada Moscow oo ay ka dhacaysay ciyaartii semi-finalka ee England iyo Croatia.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee UK ayaa dalbatay in si degdeg ah ay dawladda Ruushku usoo hesho muwaadinkan lagu la’yahay dalkooda, waxaanay ka shakisanaayeen in rabshad-wadeyaal Ruushka u dhashay ay afduubteen, hase yeeshee Safaaradda UK ee magaalada Moscow ayaa lagu wargeliyey in la helay muwaadinka.

Safaaradda UK ee Moscow ayaa waxa ay sheegtay in ay la xidhiidhay Douglas Moreton oo uu badqabo.

Warkan dambe ayaa waxa uu xumad jebin u noqday qaskii siyaasadeed ee dib u qarxi lahaa.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...