Wednesday, September 19th, 2018

Awoowgii Oo Hortiisa Lagu Toogtay, Miinooyinkii Uu Iska Ilaalin Jiray, Noloshii Qaxoontiga Iyo Luka Modric Oo Ka Sheekeeyey Dhibaatadii Uu Kusoo Koray

Published on July 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-7-2018) Kabtanka xulka qaranka Croatia, waxa uu kusoo koray nolol silic badan iyo wakhtiyo dagaallo sababeen inuu qaxoonti ku noqdo dal kale.

Modric ayaa soo bandhigay noloshiisii carruurnimo iyo waayihii xanuunka badnaa ee uu kusoo koray.

Bishii December 1991, markii uu Modric lix jir noqday waxa gobolka Balkan ka bilaabmay dagaal, waxaanay ciidamadii Serbia weerar ku qaadeen tuulooyinka iyo magaalooyinka Croatia. Wakhtigaas, qoyaskiisa waxa soo food-saartay nolol adag iyo naftoodu halis gasho.  Waxa isaga oo indhihiisu arkayaan hortiisa lagu toogtay awoowgii. Hooyadii waxay ahayd dawaarle, halka aabbihii uu ka shaqayn jiray geerash ciidamadu leeyihiin oo baabuurtooda lagu hagaajiyo. Markii ay ciidamada Seerbia joojin waayeen weerarrada, qoyska Luka Modric waxay galeen kaam qaxoonti oo ku yaalla magaalada Warsaw ee Poland si noloshoodu ugu badbaaddo.

Waraysiyo badan oo laga qaaday, waxa uu Modric ka sheekeeyey dhawaqa bambooyinka iyo rasaasta ee uu kusoo dhex-koray iyo sidii isaga iyo walaashii ay uga taxaddari jireen miinooyinka dhulka ku aasan marka ay socdaan dariiqyada.

“Dagaalku wuxuu iga dhigay qof xooggan. Ma sawiri karayo sida qoyskaygu ay muddada dheer iigu dhibaatoonayeen.” Sidaas ayuu yidhi Luka Modric oo hadda xulka dalkiisa geeyey finalka Koobka Adduunka.

Markii uu yaraa, Luka Modric waxa uu ku dayan jiray halyeygii reer Brazil ee Ronaldo, hase yeeshee waxa dhibaato ku ahayd jidhkiisa caatada ah oo uu caqabad kala kulmi jiray tababareyaasha. Waxa lagu tilmaami jiray ciyaartoy diciif ah oo ka xishoonaya jidhkiisa, isla markaana aan faa’iido ka keeni karin kubadda cagta, laakiin Luka waxa uu aaminsanaa in lugihiisa uu ku gaadhi doono guul.

Sannadkii 2008, waxa uu ku biiray kooxda horyaalka Premier League ee  Tottenham oo uu u horseeday inay kasoo qayb-galaan Champions League oo ay gaadhaan wareegga siddeed dhamaadka xili ciyaareedkii 2010-11. Kadddib waxa uu u wareegay kooxda taariikhda weyn ee Real Madrid, halkaas oo ay ku bilaabantay noloshiisa cusub ee ah in loo aqoonsado hormoodka khadka dhexe ee kubadda cagta wakhtigan.

Shacabka dalka Croatia oo ay tiradoodu tahay 4.2 milyan ayaa uu hadda doonayaa inuu kaga farxiyo koobka dunida ugu qaalisan ee Adduunka marka ay Axadda iska hor yimaaddaan France, haddii uu ku guuleystana waxay u noqon doontaa farxaddiisii ugu weynayd.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada baashaalkii Man United iyo Habeenkii Paul Pogba

(20-9-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester united ayaa Guul weyn ka gaadhay kulankeedii koobaad ee Koobka UEFA Champions League kaas ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo lagu Garaacay Garoonkeeda

(20-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa Guul daro xanuun badan kala kulantay Naadiga dalka France ee Lyon ...

Nicolas Tagliafico oo dhaliyey Goolkii shan Boqolaad ee ay Champions League ka dhaliyaan Xiddigaha dalka Argentina

(20-9-2018) Cayaaryahanka dalka Argentina ee u Cayaara kooxda Ajax Nicolas Tagliafico ayaa Noqdey Xiddigii dalkaas ee dhaliyey Goolkii shan ...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo oo Roose ka qaatay Juventus+Sawiro

(20-9-2018) Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga Saaray Cayaarta hada socota ee ay lacayaarayaaan Naadiga Valencia waxaana Xiddigaan ...

Gennaro Gattuso oo kategay Cayaartoy Muhiim ah kulanka Europa League?

(20-9-2018) Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa kategay Cayaartoy muhiim ah xili uu isku diyaarinayo kulanka koobka UEFA Europa ...

Ma Ogtahay in Lionel Messi Noqdey Boqorka Sadexleyda Champions League iyo in uu dhaafay Ronaldo

(19-9-2018) Kubaddii Kulanka Barcelona ay 4-0 uga badisay naadiga PSV Eindhoven waxaa la tegay Lionel Messi, oo ka ...

Iker Casillas oo noqday Bani’aadamkii u horreeyay ee 20-sano ciyaara Champions League, horay uma dhicin

(19-9-2018) Goolhaye IKER CASILLAS ayaa xirtay kabaha laacibka ugu waqtiga dheer ciyaarista Champions league, markii uu ka mid ...

Cadowgii Cristiano Ronaldo Ee Dani Alves Oo Sheegay In Real Madrid Ay Ka Raysan Doonto Xiddiga Reer Portugal

(19-9-2018) Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ...

Douglas Costa oo mudo dheer Garoomada Laga Ganaaxay?

(19-9-2018) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Douglas Costa ayaa lasaaray Ganaa adag kadib Roosihii uu qaatay kulankii Horyaalka Talyaaniga ...

Layaab! Mohamed Salah oo ka Caroodey Goolkii Guusha ee uu dhaliyey Roberto Firmino

(19-9-2018) Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Switzerland

(19-9-2018) Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa u duushay dalka Switzerland halkaa oo ay habeenka Arbacada kula Cayaari doonaan Naadiga Young ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Lionel Messi oo Sadexley dhaliyey

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul weyn oo muhiim ah waxa ay ka Gaartay kulankii koobka Horyaalada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubaad Cagta Inter Milan ayaa Guul ku bilaabatay kulankeedii koobaad ee koobka Champions League kadib markii ay San ...

Inter Milan oo Ganaax ku muteysan doonta Cayaartoyda ay u magacaawday kulanka Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasheegayaa in ay lakulmi doonto Ganaax kaga imaan ...

Cristiano Ronaldo muxuu ka aaminsanyahay Mustaqbalka Wiilkiisa?

(18-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in Wiilkiisa yar ee Cristiano Jr uu ...