Wednesday, September 19th, 2018

Shaqaalaha Shirkadda FIAT Oo Shaqo-joojin Ku Dhowaaqay Kaddib Heshhiiskii Cristiano Ronaldo Iyo Juventus

Published on July 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-7-2018) Shaqaalaha shirkadda baabuurta FIAT ayaa qorshaynaya inay shaqoojin ballaadhan ku dhowaaqaan oo ay dhamaan hawlihii shirkaddu istaagto, kaddib markii ay ogaadeen in FIAT ay maalgelisay heshiiskii ay Juventus kula soo wareegtay oo ay ka bixisay lacag dhan 112 milyan oo Euro.

Shirkadda FIAT ee baabuurta samaysa iyo kooxda kubadda cagta Juventus ayaa waxa gacanta ku haya oo maamula qoyska qaniga ah ee Agnelli family.

Shaqaalaha ayaa dalbaday in shirkaddu ay tahay inay damaanad qaaddo kumannaanka qof ee shirkadda ka shaqeeya halka ay hal qof oo ah Cristiano Ronaldo ay taajirka ka dhigayaan.

Ururka ay ku midaysan yihiin shaqaalaha FIAT ee magaciisa loo yaqaano Fiat Chrysler ayaa waxay sheegeen in go’aanka shirkaddu ku maalgelisay iibka Cristiano Ronaldo uu yahay mid aan la aqbali karin oo ay lacag malaayiin ah ku kharash garaysay iibka hal ciyaartoy, halka shaqaalaheeduna u baahan yihiin damaanad nololeed.

Juventus ayaa Salaasadii ku dhowaaqday inay heshiis afar sannadood ah la gashay 33 jirka reer Portugal ee Ronaldo, hase yeeshee shaqo joojinta ayaa hoos u dhac dhaqaale ku keenaysa Fiat.

Si kastaba ha ahaatee, khabiirka dhaqaalaha ciyaaraha ee Rob Wilson oo ka tirsan jaamaacadda Sheffield Hallam University ayaa waxa uu sheegay in Juventus ay ka heli doonto Ronaldo lacag ka badan intii ay kusoo iibsatay iyo inta ay mushaharka u siinaysaba.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada baashaalkii Man United iyo Habeenkii Paul Pogba

(20-9-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester united ayaa Guul weyn ka gaadhay kulankeedii koobaad ee Koobka UEFA Champions League kaas ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo lagu Garaacay Garoonkeeda

(20-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa Guul daro xanuun badan kala kulantay Naadiga dalka France ee Lyon ...

Nicolas Tagliafico oo dhaliyey Goolkii shan Boqolaad ee ay Champions League ka dhaliyaan Xiddigaha dalka Argentina

(20-9-2018) Cayaaryahanka dalka Argentina ee u Cayaara kooxda Ajax Nicolas Tagliafico ayaa Noqdey Xiddigii dalkaas ee dhaliyey Goolkii shan ...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo oo Roose ka qaatay Juventus+Sawiro

(20-9-2018) Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga Saaray Cayaarta hada socota ee ay lacayaarayaaan Naadiga Valencia waxaana Xiddigaan ...

Gennaro Gattuso oo kategay Cayaartoy Muhiim ah kulanka Europa League?

(20-9-2018) Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa kategay Cayaartoy muhiim ah xili uu isku diyaarinayo kulanka koobka UEFA Europa ...

Ma Ogtahay in Lionel Messi Noqdey Boqorka Sadexleyda Champions League iyo in uu dhaafay Ronaldo

(19-9-2018) Kubaddii Kulanka Barcelona ay 4-0 uga badisay naadiga PSV Eindhoven waxaa la tegay Lionel Messi, oo ka ...

Iker Casillas oo noqday Bani’aadamkii u horreeyay ee 20-sano ciyaara Champions League, horay uma dhicin

(19-9-2018) Goolhaye IKER CASILLAS ayaa xirtay kabaha laacibka ugu waqtiga dheer ciyaarista Champions league, markii uu ka mid ...

Cadowgii Cristiano Ronaldo Ee Dani Alves Oo Sheegay In Real Madrid Ay Ka Raysan Doonto Xiddiga Reer Portugal

(19-9-2018) Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ...

Douglas Costa oo mudo dheer Garoomada Laga Ganaaxay?

(19-9-2018) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Douglas Costa ayaa lasaaray Ganaa adag kadib Roosihii uu qaatay kulankii Horyaalka Talyaaniga ...

Layaab! Mohamed Salah oo ka Caroodey Goolkii Guusha ee uu dhaliyey Roberto Firmino

(19-9-2018) Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Switzerland

(19-9-2018) Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa u duushay dalka Switzerland halkaa oo ay habeenka Arbacada kula Cayaari doonaan Naadiga Young ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Lionel Messi oo Sadexley dhaliyey

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul weyn oo muhiim ah waxa ay ka Gaartay kulankii koobka Horyaalada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubaad Cagta Inter Milan ayaa Guul ku bilaabatay kulankeedii koobaad ee koobka Champions League kadib markii ay San ...

Inter Milan oo Ganaax ku muteysan doonta Cayaartoyda ay u magacaawday kulanka Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasheegayaa in ay lakulmi doonto Ganaax kaga imaan ...

Cristiano Ronaldo muxuu ka aaminsanyahay Mustaqbalka Wiilkiisa?

(18-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in Wiilkiisa yar ee Cristiano Jr uu ...