Tuesday, July 17th, 2018

Waddankee Ayuu Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Taageeri Doonaa Finalka Koobka Adduunka?

Published on July 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-7-2018) Xoghayaha guud ee Qaramada Antionio Guterres ayaa ka hadlay waddanka uu taageeri doono ciyaarta finalka Koobka Adduunka ee France iyo Croatia oo qabsoomi doonta Axadda soo socota.

Croatia ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda tagtay finalka Koobka Adduunka oo ay la ciyaari doonaan France oo sannadkii 1998 ku guuleystay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalkooda, hase yeeshee waxa ciyaartan oo ka dhici doonta magaalada Moscow daawashadeeda ka qayb-geli doona madax badan oo dunida ka socota, gaar ahaan madaxweynaha Fransiiska, Macron iyo haweenayda madaxweynaha ka ah Croatia, kuwaas oo wakhti horeba sii ag-fadhiisan doona madaxweynaha Ruushka Putin iyo madaxweynaha FIFA.

Dadweyne tiro badan ayaa iyaguna buuxin doona garoonka casriga ah ee sida quruxda badan loo habeeyey ee Luzhniki Stadium xilli ku beegan 5-ta galabnimo ee wakhtiga Geeska Afrika, maadaama oo ay ciyaartu bilaabmi doonto 6-da makhribinimo.

Waxa halkaas lagu soo gunaanadi doonaa tartanka Koobka Adduunka soo soo bilaabmay 14 June, kaddibna waxa loo dareeri doonaa afar sannadood oo fasax laga geli doono tartanka dunida ugu qiimaha badan ka hor inta aan waddanka Qatar layskugu tegin sannadka 2022.

Haddaba, xoghahayaha guud ee qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo u dhashay waddanka Portugal ayaa la weydiiyey waddanka uu taageeri doono ciyaarta finalka Koobka Adduunka, waxaanu ku jawaabay: “Kooxdii aan taageeri lahaa hadda kuma jirto. Waxa laga yaabaa in kooxda guuleysata aan taageero.”

Si kastaba ha ahaatee, jawaabta ayaa ka dhigan in aanu labada waddan midkoodna taageeri doonin balse uu hambalyeyn doono waddanka guushu raacdo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Faah faahin laga bixiyey Sababta uu Alexis Sanchez uga haray safarkii Maraykanka ee kooxdiisa?

(17-7-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ayaa u duulay dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan koobka ...

Zlatan Ibrahimovic Oo Si Layaab Leh U Amaanay Paul Pogba Iyo Saamayntii Uu Ku Lahaa Koobka Adduunka

(17-7-2018) Laacibkii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis ...

Cristiano Ronaldo” Waa kaduwanahay dhamaan Cayaartoyda kale halkaana uma imaan dalxiis+Sawiro

(17-7-2018) Cayaaryahanka cusub ee kooxda Juventus  Cristiano Ronaldo ayaa qabtay shirkiisii Jaraa id ee u horeeyey tan iyo Markii ...

Dhacdooyinkii ugu Saameynta badnaa koobka aduunka 2018+Sawiro

(16-7-2018) Kadib Markii Maalinkii Axada lasoo gaba gabeeyey koobka aduunka 2018 waxaa lasoo saaray abaalmarino kala duwan oo ...

Daawo Sawirada Soo dhaweyntii abid ugu Weyneyd oo Paris loogu Sameeyey Xulka France

(16-7-2018) Geesiyaashii dalka France u qaaday koobka qiimaha badan ee Adduunka ayaa dib ugu laabtay Caasimada dalkooda ee ...

Talyaaniaga 2 kooxood oo lagu Ganaaxayo in ay u laabtaan Horyaalka heerka labaad Sabab?

(16-7-2018) Xiriirka kubada Cagta dalka Talyaaniga ee Magaciisa loosoo gaabiyo FIGC ayaa sheegay in Maxkamada la soo taagi ...

Jose Mourinho oo Juventus ugu hanbalyeeyey Saxiixa Cristiano Ronaldo.

(16-7-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa hanbalyo u diray Kooxda Juventus kadib heshiiskii ay kula soo ...

Paul Pogb oo ku jees jeesey England iyo Mustaqbalkiisa Manchester United oo mugdi galay+Sawiro

(16-7-2018) Cayaaryahanka Khadka dhexe ee kooxda Manchester United iyo Xulka dalka France Paul Pogba oo dalkiisa kula Guuleystey ...

Macalinkii Xulka Kubada cagta Argentina oo iscasilay

(16-7-2018) Xidhiidhka kubadda cagta ee dalka argentina ee Argentine Football Association ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ...

Daawo Sawirada Cristiano Ronaldo oo Tijaabo caafimaad u Maray Juventus iyo sheeko Xiiso badan oo uu sheegay

(16-7-2018) Cayaaryahankii halyeyga ahaa ee Naadiga Real Madrid Cristiano Ronaldo  ayaa ugu danbayab si rasmi ah ugu biirey Kooxda ...

Kylian Mbappe Oo Si Cad U Shaaciyey Kooxda Uu U Ciyaari Doono Xili Ciyaareedka Dambe, Kaddib Guushii Koobka Adduunka

(16-7-2018) Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa war cad kasoo saaray mustaqbalkiisa kooxdaas kaddib markii uu ...

Dhamaan Rikooradii laga diiwaan geliyey Fiinalkii koobka aduunka 2018?

(16-7-2018) Kadib Kulankii ugu dambeeyey koobka aduunka ee dhex maray dalalka France iyo Croatia waxaan idiin soo gudbineynaa dhamaan ...

Cayaartoy badan oo Dunida ah oo Canbaareeyey Go.aankii Rigoorada loogu dhigay dalka France

(16-7-2018) Barnaamijka Muuqaalka Garsoore caawiyaha loo yaqaan “Video Assistant Referee system “ VAR – ayaa cambaareyn xoogan kala ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Maraykanka

(16-7-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United oo uu Hogaamninayo macalinkeeda Jose Mourinho ayaa Safar ugu anba baxay dalka ...

Magacyada iyo Sawirada 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Koobka Adduunka 2018

(16-7-2018) Kadib Markii axadii lasoo gaba gabeeyey koobka adduunka ayaa waxaa lasoo saaray Magacyada 11 kii Cayaaryahan ee ...