Sunday, December 16th, 2018

Faah faahin laga bixiyey Sababta uu Alexis Sanchez uga haray safarkii Maraykanka ee kooxdiisa?

Published on July 16, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-7-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ayaa u duulay dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan koobka saaxiibtinimo ee xagaaga kasta waqtigan oo kale la qabto ee ICC Cupka laakiin markii ay soo baxeen sawirada ciyaartoyda Man United waxaa laga dhex waayay Alexis Sanchez kaas oo aan xataa koobka aduunka ka qayb galin, waxayna jamaahiirta Man United is waydiinayeen sababta aan Sanchez liiska loogu soo darin.

Laakiin ugu danbayn waxaa sii buuxda u soo baxday sababta dhabta ah ee aanu Alexis Sanchez ula safrin Jose Mourinho iyo ciyaartoyda kooxdiisa Manchester United ee uu duulay dalka USA waxaana la xaqiijiyay in Visa-ha ama dal ku galka USA uu dhibaato ku noqday Sanchez.

Manchester United ayaa USA kula ciyaari doonta kooxaha  Club America, San Jose Earthquakes, AC Milan, Liverpool iyo Real Madrid laakiin dhamaan kulamadan ayuu seegi doonaa Alexis Sanchez inkasta oo uu diyaar u ahaa in uu ciyaaro si uu xili ciyaareedka cusub ugu diyaar garoobo.

Laakiin jamaahiirta Manchester United oo xalaada ku jaho wareersan ayayna Man United wax faah faahin dheeraad ah ka bixin sababta aanu Sanchez kooxdeeda ula safrin waxayna jamaahiirta United isha ku hayeen dhaq dhaqaaqa Sanchez waxayna arkeen oo kaliya sawir uu Instagramkiisa soo dhigay oo uu qaabka timaha u xiirtay ku muujiyay.

Balse wariyaha BBC Sport ee Simon Stone wuxuuna bartiisa twitterka ku soo qoray in sababta aanu Sanchez ula safrin ciyaartoyda kale ee Man United ay tahay dhibaato ka soo wajahday dhinaca Visa-ha uu ugu safri lahaa dalka Maraykanka sabbatoo ah waxa uu aqbalay xukun 16 bilood uu xabsi ku mutaysan lahaa oo dalka Spain uu cashuur lunsi ku qirtay.

Wuxuuna Simon Stone soo qoray: ” Waxaan fahmay in ka maqnaashaha hadda ee Alexis Sanchez ee safarka Man United ay tahay sabab dhibaato visa-ha ah. Waxa uu isagu aqbalay xukun jeel 16 bilood ah oo bishii February lagaga joojiyay Spain. Waxaan loo gacan galin karayay warqad ka dhaafis ah laakiin hanaanka ayaa ka dheer inta la filayo”.

Si kastaba ha ahaatee, Alexis Sanchez ayay qasab ku tahay inuu sii sugo kooxdiisa Manchester United inta ay ku jiraan safarkooda USA haddii ayna kooxdiisa United samayn xal kale oo ay US ku keeni karto inkasta oo ayna hadda muuqan wax saan saan ahi.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...