Sunday, August 19th, 2018

Kylian Mbappe Oo Si Cad U Shaaciyey Kooxda Uu U Ciyaari Doono Xili Ciyaareedka Dambe, Kaddib Guushii Koobka Adduunka

Published on July 16, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(16-7-2018) Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa war cad kasoo saaray mustaqbalkiisa kooxdaas kaddib markii uu shalay xulkiisa France si rasmi ah gacanta ugu galiyay tartanka koobka aduunka ee ka soconayay dalka Ruushka, Mbappe ayaa kamid ahaa hubka tababare Didier Deschamps la tagay dalka Ruushka kuwooda ugu khatarta badan.

Manchester City iyo Real Madrid ayaa kamid ahaa kooxaha sida weyn u xiisaynayay adeega da’yarkan iyadoo labadan kooxood ay filanayeen in PSG ay ku rafaadi doonto inay ilaaliso sharciga dhaqaale wanaaga ee qaarada Yurub isla markaana ay Mbappe ka iibin doonto, Real Madrid ayaa si gaar ah isha ula raacanaysa da’yarkan iyada oo maalmihii ugu dambeeyayba suuqa ugu jirtay xiddigii badalka u noqon lahaa mishiinka goolasha ee kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo kaas oo dhawaan ku biiray Juventus.

19 Jirkan ayaa si cadaan ah u sheegay inuu baaqi kusii ahaan doono kooxdiisa Paris maadaama oo uu wali ku jiro bilawga waayihiisa waxaana uu yidhi “Waxaan la joogi doona PSG, Anigoo dariiqayga iyaga lasii wadan doona waxaan ku jiraa bilawga waayahayga”

Dhinaca kale Mbappe waxa shalay loo caleemo saaray inuu yahay da’yarkii ugu fiicnaa koobka kaddib bandhigyo layaab leh oo uu la yimid Ruushka, 19 jirkan ayaana guushaas uu gaadhay u sababeeyay sida hawlkarnimada ah ee uu u shaqeeyay iyo xiddigaha waaeyn ee lajooga xulka, Wuxuuna markale yidhi “Waxan u ciyaaray sidaan markasta sameeyo, Inaad Final gool dhaliso waa wax khaas, Waxaan u shaqeeyay si adag si aan u gaadho wakhtiyo sidan oo kale ah laakiin tani maaha dhammaadka waa inaan sii wadnaa waxaan leeyahay hammiga ah inaan meel ka fog gaadho”

“Waan u diyaar garoobay waxyaabaha noocan oo kale ah laakiin kaddib waa inaad ku cadayso garoonka dhexdiisa, Kubadda qaramadu waxay ku saaraysaa culays badan laakiin haddii aad naftaada hubto isla markaana ay kugu hareeraysan yihiin ciyaartoy waaweyni Waad qaban karta waxyaabaha sidan oo kale ah”

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka uu da’yarkani ku cadeeyay mustaqbalkiisa ayaa ah mid uu ugu quus gooyay koox kasta oo si dhaw ula socotay mustaqbalkiisa, Hadalkan ayaana ah mid u fiican jamaahiirta iyo madaxda kooxda xiddigan ee Paris Saint-Germain.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Messi oo 2 Gool dhaliyey

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii koowaad ee ay Cayaartay Horyaalka La Liga waxaana ...

Harry Kane oo ka Gudbey Sixirkii Goolasha ka hortaagnaa Bisha August

(19-8-2018) Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ugu danbayn ka gudbey Sixirkii kahortaagnaa dhanka Goolasha bisha August kadib markii ...

Kumuu ahaa Xiddiga loo doortay Man of the match kulankii Chelsea iyo Arsenal?

(19-8-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhex maray kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa waxaa lasoo saaray qiimeyn lagu ...

Daawo Goos Gooska Iyo Sawirada Kulankii Baraarihii Chelsea iyo Baroortii Arsenal

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa Guul muhiim ah ka gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacaayareen kooxda ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Juventus oo dirqi ku badisay iyo Ronaldo oo aan Gool dhalin

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa Guul dirqi ah ka Gaartay kulankii bilaawga u ahaa Horyaalka Talyaaniga ee ...

Alexis Sanchez oo laga Saaray Liiska Cayaartoyda Manchester United ee kulanka Brighton

(19-8-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Alexis Sanchez ayaa laga Saaray Liiska Cayaartoyda Naadigaas ee Axada la Cayaari doonta Kooxda ...

Xulka dalka Braziil oo la magacaabay iyo Cayaaryahan Manchester United oo lagu daray

(18-8-2018) Macalinka xulka dalka Braziil ayaa u yeeray Cayaartoyda Xulkaas kuwaas oo Cayaari doonaa markii koowaad tan iyo ...

Julen Lopetegui Goormee ayuu dooran doonaa Goolhayaha Koowaad ee Real Madrid

(18-8-2018) Macalinka kooxda Real Madid Julen Lopetegui ayaa Go aan ka Gaari doona qofka Noqon doona Goolhayaha koobaad ee ...

Daawo Sawirada Paul Pogba iyo Cayaartoyda Manchester United oo si farxadi kujirto uga qayb qaadanaya Tababarka

(18-8-2018) Cayaartoyda Kooxda Manchester United oo uu ka muuqdo Xiddiga Paul Pogba ayaa la arkayey iyaga oo si ...

Halyeyga Manchester United Oo Fariin U Diray Ciyaaryahan Paul Pogba

(18-8-2018) Ryan Giggs ayaa aaminsan in Paul Pogba oo faaidooyin badan ka heli doono in uu xirto calaamada ...

Real Madrid Oo Lacagtii Abid Ugu Badnayd Ku Dalbatay Xiddiga Reer Brazil Ee Neymar

(18-8-2018) Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa go’aamiyey inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan ...

Cayaartooyda Barcelona Kulanka Alaves Oo La Soo Saaray

(18-8-2018) Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa soo saartay liiska ciyaartooydeeda ee ka qeyb gali doona kulanka furitaanka horyaalka ...

Suuqa kala iibsiga Talyaaniga oo Xirmay iyo dhamaan Kooxaha Horyaalkaas Cayaartoyda ay qaateen iyo kuwa ka tegay

(18-8-2018) Waxaa Xalay Fiidkii hore soo gaba gaboobey dhamaan suuqa kala Cayaartoyda ee Horyaalka Talyaaniga waxaana lakala qaatay ...

Horyaalada Spain iyo Talyaaniga oo Maanta bilaabanaya iyo dhamaan Cayaaraha dhacaya Saacadaha ay bilaaban doonaan?

(18-8-2018) Waxaa Galabta iyo caawa lacayaari doonaan kulamo aad u xiiso badan iyada oo ay bilaaban doonaan Horyaal;ada ...

Cayaaryahan Gervinho Oo Ku Biiray Koox Ka Dhisan Horyaalka Serie A

(18-8-2018) Kooxda Parma oo dhawaan u soo dalacday heerka koowaad ee Talyaaniga ayaa la saxiixatay ciyaaryahankii hore ee ...