Saturday, October 20th, 2018

Arsene Wenger Oo Sheegay Inuu Qoomamaynayo Wakhtigii Badnaa Ee Arsenal Uu Joogay

Published on July 17, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-7-2018) Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa wax laga waydiiyay qaladkii ugu xumaa ee uu galay abid, Tababaraha ree France ayaana bixiyay jawaab layaab noqotay kaddib markii uu sheegay inay ahayd inuu hal koox ku sugnaa mudo 22 sano ah.

Wenger ayaa isaga tagay shaqada dhammaadkii xili ciyaareedkii hore kaddib mudo 22 sano ah oo uu hayay shaqada tababarenimo ee kooxda ree London isagoo mudadii uu majaraha u hayay Gunners kusoo guulaystay saddex horyaal oo Premier League ah iyo toddoba FA Cup balse uu eedaymo xoogan lasoo kulmay dabayaaqadii waayihiisii Emirates.

Sidoo kale Wenger ayaa la kulmay ololihii caan baxay ee la magac baxay ‘Wenger Out’ iyadoo jamaahiirta kooxdu ay si joogto ah u samayn jirtay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan tababaraha ree France taas o ugu dambayn ku qasabtya inuu is casilo.

Haddaba Radio-ga ree France ee RTL ayaa tababaraha waydiiyay qaladkii ugu weynaa ee uu soo sameeyay wuxuuna ku jawaabay “Waa inaan koox joogay 22 sano, Waxaan ahay qof jecel inuu guur guuro, Laakiin sidoo kale waxaan jeclahay loolanka, Waxaan maxbuus u ahaa loolan ii gaar ah mararka qaarkood”

Gunners ayaa kaddib bxitaankii Wenger tababare u magacawday tababarihii hore ee PSG ee Unai Emery oo isagu dhawaan ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda iyagoo kulankaas guul 8-0 ah kusoo xaaqay kooxda yar ee Boreham wood.

Emery ayaa suuqa kala iibsiga si weyn uga dhex muuqda isagoo kooxda ilaa haatan kusoo kordhiyay shan xiddig oo kala boosas duwan, Xiddigahaas ayaana kala ah Bernd Leno, Stephan Lichtsteiner, Sokrates, Matteo Guendouzi iyo Lucas Torreira.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...