Sunday, August 19th, 2018

Barcelona Oo Shaqada Ka Caydhisay Macallinkii Soo Saaray Xavi Iyo Puyol Sabab?

Published on July 18, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(18-7-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaqadii ka caydhisay tababare ruug caddaa ah oo muddo ka badan 40 sannadood ka mid ahaa udub-dhexaadka kooxda, isla markaana soo saaray ciyaartooyo badan.

Joan Vila waxa uu Barcelona ka mid ahaa tababareyaasheeda muddo kor u dhaafaysa 40 sannadood, waxaana uu soo saaray ciyaartooyo muhiim ahaa sida Xavi Hernandez iyo Carles Puyol, kuwaas  oo baal dahab ah kaga qoran taariikhda casriga ee Blaugrana.

Vila oo lagu sifeeyo aabbaha ka dambeeya iyo maskaxda guunka ah ee alliftay kubadda quruxda badan ee isku-dhiibka ee Barca ay ciyaarto ayaa waxa uu khilaaf soo kala dhex galay masuuliyiinta kooxda, taas oo sababtay in waayihiisii Barcelona uu halkaas ku dhamaado.

Halyeygii Barcelona ee Xavi ayaa si qiiro leh u sifeeyey shaqsiyaddii Vila iyo marxaladihii ay soo mareen, waxaanu kku tilmaamay macallinkii sababta u ahaa horumarkii uu kubadda cagta ka gaadhay iyo abuurista shaqsiyadda uu yahay ee maanta dunida magaca ku lehba.

“Guardiola iyo Luis Aragones ayaa ah labadii tababare ee iigu dhowaa shakhsiyan kubadda cagta, laakiin marka la eego horumarkayga kubadda, waxa iska leh Joan Vila oo iga dhigay qofka aan ahay.” Sidaas waxa yidhi Xavi oo ka hadlayay saamayntii uu noloshiisa ku lahaa tababaraha ka tegay Barcelona ee Vila.

Dhinaca kale, difaacii iyo kabtankii hore ee Barcelona ee Carles Puyol ayaa waxa uu ka sheekeeyey qaabkii uu Vila sababta ugu noqday inuu kubadda si fiican u ciyaaro.

:Waxa aan imid La Masia anigoo 17 ir ah oo aan horumar badan ka samayn kubadda. Waxa badan ayuu igu tusay gudaha garoonka da’yarka La Masia,, kaddib waxa aan noqday 30 jir wax badan ku guuleystay, illaa hadda ayaanan dareemaa horumarkii uu jidhkayga ku sameeyey. Waxa aan waydiistay Joan Vila inuu nala sii joogo, sababtoo ah sharaf dhac ayay tahay inuu hadda tago, cidina iima sheegayso sida loo difaaco.” Sidaas ayuu yidhi Puyol.

Si kastaba ha ahaatee tegista Vila oo ahaa macallin dhinaca horumarinta jidhka ciyaartooyada ah ayaa waxa sababay khilaaf ka dhex qarxay maamulka kooxda.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Messi oo 2 Gool dhaliyey

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii koowaad ee ay Cayaartay Horyaalka La Liga waxaana ...

Harry Kane oo ka Gudbey Sixirkii Goolasha ka hortaagnaa Bisha August

(19-8-2018) Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ugu danbayn ka gudbey Sixirkii kahortaagnaa dhanka Goolasha bisha August kadib markii ...

Kumuu ahaa Xiddiga loo doortay Man of the match kulankii Chelsea iyo Arsenal?

(19-8-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhex maray kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa waxaa lasoo saaray qiimeyn lagu ...

Daawo Goos Gooska Iyo Sawirada Kulankii Baraarihii Chelsea iyo Baroortii Arsenal

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa Guul muhiim ah ka gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacaayareen kooxda ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Juventus oo dirqi ku badisay iyo Ronaldo oo aan Gool dhalin

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa Guul dirqi ah ka Gaartay kulankii bilaawga u ahaa Horyaalka Talyaaniga ee ...

Alexis Sanchez oo laga Saaray Liiska Cayaartoyda Manchester United ee kulanka Brighton

(19-8-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Alexis Sanchez ayaa laga Saaray Liiska Cayaartoyda Naadigaas ee Axada la Cayaari doonta Kooxda ...

Xulka dalka Braziil oo la magacaabay iyo Cayaaryahan Manchester United oo lagu daray

(18-8-2018) Macalinka xulka dalka Braziil ayaa u yeeray Cayaartoyda Xulkaas kuwaas oo Cayaari doonaa markii koowaad tan iyo ...

Julen Lopetegui Goormee ayuu dooran doonaa Goolhayaha Koowaad ee Real Madrid

(18-8-2018) Macalinka kooxda Real Madid Julen Lopetegui ayaa Go aan ka Gaari doona qofka Noqon doona Goolhayaha koobaad ee ...

Daawo Sawirada Paul Pogba iyo Cayaartoyda Manchester United oo si farxadi kujirto uga qayb qaadanaya Tababarka

(18-8-2018) Cayaartoyda Kooxda Manchester United oo uu ka muuqdo Xiddiga Paul Pogba ayaa la arkayey iyaga oo si ...

Halyeyga Manchester United Oo Fariin U Diray Ciyaaryahan Paul Pogba

(18-8-2018) Ryan Giggs ayaa aaminsan in Paul Pogba oo faaidooyin badan ka heli doono in uu xirto calaamada ...

Real Madrid Oo Lacagtii Abid Ugu Badnayd Ku Dalbatay Xiddiga Reer Brazil Ee Neymar

(18-8-2018) Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa go’aamiyey inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan ...

Cayaartooyda Barcelona Kulanka Alaves Oo La Soo Saaray

(18-8-2018) Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa soo saartay liiska ciyaartooydeeda ee ka qeyb gali doona kulanka furitaanka horyaalka ...

Suuqa kala iibsiga Talyaaniga oo Xirmay iyo dhamaan Kooxaha Horyaalkaas Cayaartoyda ay qaateen iyo kuwa ka tegay

(18-8-2018) Waxaa Xalay Fiidkii hore soo gaba gaboobey dhamaan suuqa kala Cayaartoyda ee Horyaalka Talyaaniga waxaana lakala qaatay ...

Horyaalada Spain iyo Talyaaniga oo Maanta bilaabanaya iyo dhamaan Cayaaraha dhacaya Saacadaha ay bilaaban doonaan?

(18-8-2018) Waxaa Galabta iyo caawa lacayaari doonaan kulamo aad u xiiso badan iyada oo ay bilaaban doonaan Horyaal;ada ...

Cayaaryahan Gervinho Oo Ku Biiray Koox Ka Dhisan Horyaalka Serie A

(18-8-2018) Kooxda Parma oo dhawaan u soo dalacday heerka koowaad ee Talyaaniga ayaa la saxiixatay ciyaaryahankii hore ee ...