Sunday, August 19th, 2018

Qaar ka mid ah Kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo qaabkii kooxda Dakedaha ay ku qaaday Horyaalka dalka Sabab?

Published on July 18, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(18-7-2018) Qaar ka mid ah Kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya ayaa dalbaday in baaritaan adag lagu sameeyo qaabkii kooxda Dakedaha ay ku qaaday Horyaalka heerka koowaad iyaga oo sheegay in ay jiraan shakiyo badan oo ah in ay wax musuq maasuqeen.

Gudoomiye yaal kooxaha heerka koowaad oo diidey in aan Magacooda shaacino ayaa qalinkacayaaraha u sheegay in xiligii lasoo dhaafay ee ay kooxda Dakedaha ku Guuleysteen Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya uu ahaa mid musuq maasuq badan isla Markaana ay hayaan Cadeymo badan oo ay soo bandhigi doonaan markii loo baahdo balse ay doonayaan in Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya uu sameeyo baaritaan adag oo kusaabsan qaabkii Dakedaha ay ku qaadeen Horyaalka.

” Waxaa jira kooxo iyo cayaartoy la luushay waxaan haynaa cadeymo lacagihii loo tuuray iyo qaar ka mid ah hadaladii ay kuwada hadleen madaxada Dakedaha iyo kuwa laaluushka ka qaatay sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Gudoomiye yaasha kooxaha Heerka koowaad kaas oo diidey in aan magaciisa soo xigano waxaana uu codsaday in Dakedaha lagu Sameeyo baaritaan dhanka musuq maasuqa ah hadii kale ay kafiirsan doonaan ka qayb galka Horyaalka soo socda.

Sidoo kale Waxaa jira tuhun badan oo ku saabsan qaar ka mid ah Xubnaha Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo mushaar ka qaata ama si gooni ah ula shaqeeya kooxda Dakedaha sidaa daraadeed ayey uga Codsanayaan kooxaha kale Madaxweynaha Xiriirka Kubaad cagta Soomaaliya in arintaas ay wax ka qabtaan isla Markaana la ilaaliyo dhex dhexaadnimada Madaxada Xiriirka.

Marka laga soo tago sheegashada qaar ka mid ah Madaxada kooxaha ee ah in Dakedaha ay sameeyeen Musuq maasuq war ka madax banaan oo xaqiijinaya sheekadaas balse waxaa xaqiiq ah in ay dhacaan isdeysmo kooxo iyo qaar ka mid ah Cayaartoyda kooxaha oo qaatan laaluush si ay usii daayaan koox dooneysa in ay koob qaado mana jirto Naadi ama Cayaaryahan arintaas darteed loo ganaaxay oo aan aragnay.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Messi oo 2 Gool dhaliyey

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii koowaad ee ay Cayaartay Horyaalka La Liga waxaana ...

Harry Kane oo ka Gudbey Sixirkii Goolasha ka hortaagnaa Bisha August

(19-8-2018) Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ugu danbayn ka gudbey Sixirkii kahortaagnaa dhanka Goolasha bisha August kadib markii ...

Kumuu ahaa Xiddiga loo doortay Man of the match kulankii Chelsea iyo Arsenal?

(19-8-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhex maray kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa waxaa lasoo saaray qiimeyn lagu ...

Daawo Goos Gooska Iyo Sawirada Kulankii Baraarihii Chelsea iyo Baroortii Arsenal

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa Guul muhiim ah ka gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacaayareen kooxda ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Juventus oo dirqi ku badisay iyo Ronaldo oo aan Gool dhalin

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa Guul dirqi ah ka Gaartay kulankii bilaawga u ahaa Horyaalka Talyaaniga ee ...

Alexis Sanchez oo laga Saaray Liiska Cayaartoyda Manchester United ee kulanka Brighton

(19-8-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Alexis Sanchez ayaa laga Saaray Liiska Cayaartoyda Naadigaas ee Axada la Cayaari doonta Kooxda ...

Xulka dalka Braziil oo la magacaabay iyo Cayaaryahan Manchester United oo lagu daray

(18-8-2018) Macalinka xulka dalka Braziil ayaa u yeeray Cayaartoyda Xulkaas kuwaas oo Cayaari doonaa markii koowaad tan iyo ...

Julen Lopetegui Goormee ayuu dooran doonaa Goolhayaha Koowaad ee Real Madrid

(18-8-2018) Macalinka kooxda Real Madid Julen Lopetegui ayaa Go aan ka Gaari doona qofka Noqon doona Goolhayaha koobaad ee ...

Daawo Sawirada Paul Pogba iyo Cayaartoyda Manchester United oo si farxadi kujirto uga qayb qaadanaya Tababarka

(18-8-2018) Cayaartoyda Kooxda Manchester United oo uu ka muuqdo Xiddiga Paul Pogba ayaa la arkayey iyaga oo si ...

Halyeyga Manchester United Oo Fariin U Diray Ciyaaryahan Paul Pogba

(18-8-2018) Ryan Giggs ayaa aaminsan in Paul Pogba oo faaidooyin badan ka heli doono in uu xirto calaamada ...

Real Madrid Oo Lacagtii Abid Ugu Badnayd Ku Dalbatay Xiddiga Reer Brazil Ee Neymar

(18-8-2018) Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa go’aamiyey inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan ...

Cayaartooyda Barcelona Kulanka Alaves Oo La Soo Saaray

(18-8-2018) Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa soo saartay liiska ciyaartooydeeda ee ka qeyb gali doona kulanka furitaanka horyaalka ...

Suuqa kala iibsiga Talyaaniga oo Xirmay iyo dhamaan Kooxaha Horyaalkaas Cayaartoyda ay qaateen iyo kuwa ka tegay

(18-8-2018) Waxaa Xalay Fiidkii hore soo gaba gaboobey dhamaan suuqa kala Cayaartoyda ee Horyaalka Talyaaniga waxaana lakala qaatay ...

Horyaalada Spain iyo Talyaaniga oo Maanta bilaabanaya iyo dhamaan Cayaaraha dhacaya Saacadaha ay bilaaban doonaan?

(18-8-2018) Waxaa Galabta iyo caawa lacayaari doonaan kulamo aad u xiiso badan iyada oo ay bilaaban doonaan Horyaal;ada ...

Cayaaryahan Gervinho Oo Ku Biiray Koox Ka Dhisan Horyaalka Serie A

(18-8-2018) Kooxda Parma oo dhawaan u soo dalacday heerka koowaad ee Talyaaniga ayaa la saxiixatay ciyaaryahankii hore ee ...