Sunday, August 19th, 2018

Thibaut Courtois oo heshiis lagaaray kooxda Real Madrid

Published on July 18, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(18-7-2018) Wargeys kasoo baxa dalka Spain ee RMC Sport ayaa daaha ka qaaday in kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ay isku afgarteen isla markaana heshiis rasmi ah ka gaadheen saxiixa goolhayaha Blues ee Thibaut Courtois kaas oo mudooyinkii u dambeeyay si weyn loola xidhiidhinayay inuu kusoo laaban doono Madrid.

Goolhayaha ree Belgium ayaa noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee xiddig wayn ah oo uu sameeyo tababare Julen Lopetegui haddii uu si rasmi ah u dhammaystiro heshiiska uu ugu soo biirayo Los Blancos, Warkan ayaana ah mid farxad u ah kooxda maadaama ay sanadihii ugu dambeeyay si weyn suuqa uga raadinayeen goolhaye badala Keylor Navas oo da’diisu weynaatay.

RMC Sport oo faahfaahinaysa heshiiska uu Courtois ku imanayo Estadio Santiago Bernabeu ayaa sheegtay in goolhayuhu uu kooxda si rasmi ah ugu saxiixi doono marka uu kasoo laabto fasaxiisa xagaaga oo uu dhawaan galay kaddib markii uu kaalinta saddexaad keenay xulkiisa Belgium tartankii koobka aduunka isla markaana hantay abaalmarinta gacanta dahabka ah ee “Golden Glove”.

Wargeysku wuxuu intaa ku darayaa in lacagaha ay labada kooxood isku afgarteen ay tahay 35 Milyan taas oo ah lacag aad uga jaban midii ay Los Blancos suuqyadii hore ku raadinaysay goolhayaha Manchester United ee David De Gea.

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa wax fursad ah u diiday kooxdiisa haatan ee Chelsea isaga oo la fahamsan yahay inuusan siinin fursad ay wada xaajood ku yeeshaan, Heshiiskiisa ayuu ka hadhsan yahay kaliya hal sano taas ayaana ku qasabtay in Chelsea ay heshiis la gaadho Real Madrid.

Haddii Real Madrid ay goolhayahan kasoo qaadato dhigeeda Chelsea ayay sidoo kale fursad weyn u tahay kooxaha Paris Saint-Germain, Liverpool iyo xataa Chelsea oo dhexdooda dagaal u gali doona goolhayaha 70 Milyan lagu qiimeeyo ee kooxda AS Roma ee Alisson Becker.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Messi oo 2 Gool dhaliyey

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii koowaad ee ay Cayaartay Horyaalka La Liga waxaana ...

Harry Kane oo ka Gudbey Sixirkii Goolasha ka hortaagnaa Bisha August

(19-8-2018) Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ugu danbayn ka gudbey Sixirkii kahortaagnaa dhanka Goolasha bisha August kadib markii ...

Kumuu ahaa Xiddiga loo doortay Man of the match kulankii Chelsea iyo Arsenal?

(19-8-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhex maray kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa waxaa lasoo saaray qiimeyn lagu ...

Daawo Goos Gooska Iyo Sawirada Kulankii Baraarihii Chelsea iyo Baroortii Arsenal

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa Guul muhiim ah ka gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacaayareen kooxda ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Juventus oo dirqi ku badisay iyo Ronaldo oo aan Gool dhalin

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa Guul dirqi ah ka Gaartay kulankii bilaawga u ahaa Horyaalka Talyaaniga ee ...

Alexis Sanchez oo laga Saaray Liiska Cayaartoyda Manchester United ee kulanka Brighton

(19-8-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Alexis Sanchez ayaa laga Saaray Liiska Cayaartoyda Naadigaas ee Axada la Cayaari doonta Kooxda ...

Xulka dalka Braziil oo la magacaabay iyo Cayaaryahan Manchester United oo lagu daray

(18-8-2018) Macalinka xulka dalka Braziil ayaa u yeeray Cayaartoyda Xulkaas kuwaas oo Cayaari doonaa markii koowaad tan iyo ...

Julen Lopetegui Goormee ayuu dooran doonaa Goolhayaha Koowaad ee Real Madrid

(18-8-2018) Macalinka kooxda Real Madid Julen Lopetegui ayaa Go aan ka Gaari doona qofka Noqon doona Goolhayaha koobaad ee ...

Daawo Sawirada Paul Pogba iyo Cayaartoyda Manchester United oo si farxadi kujirto uga qayb qaadanaya Tababarka

(18-8-2018) Cayaartoyda Kooxda Manchester United oo uu ka muuqdo Xiddiga Paul Pogba ayaa la arkayey iyaga oo si ...

Halyeyga Manchester United Oo Fariin U Diray Ciyaaryahan Paul Pogba

(18-8-2018) Ryan Giggs ayaa aaminsan in Paul Pogba oo faaidooyin badan ka heli doono in uu xirto calaamada ...

Real Madrid Oo Lacagtii Abid Ugu Badnayd Ku Dalbatay Xiddiga Reer Brazil Ee Neymar

(18-8-2018) Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa go’aamiyey inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan ...

Cayaartooyda Barcelona Kulanka Alaves Oo La Soo Saaray

(18-8-2018) Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa soo saartay liiska ciyaartooydeeda ee ka qeyb gali doona kulanka furitaanka horyaalka ...

Suuqa kala iibsiga Talyaaniga oo Xirmay iyo dhamaan Kooxaha Horyaalkaas Cayaartoyda ay qaateen iyo kuwa ka tegay

(18-8-2018) Waxaa Xalay Fiidkii hore soo gaba gaboobey dhamaan suuqa kala Cayaartoyda ee Horyaalka Talyaaniga waxaana lakala qaatay ...

Horyaalada Spain iyo Talyaaniga oo Maanta bilaabanaya iyo dhamaan Cayaaraha dhacaya Saacadaha ay bilaaban doonaan?

(18-8-2018) Waxaa Galabta iyo caawa lacayaari doonaan kulamo aad u xiiso badan iyada oo ay bilaaban doonaan Horyaal;ada ...

Cayaaryahan Gervinho Oo Ku Biiray Koox Ka Dhisan Horyaalka Serie A

(18-8-2018) Kooxda Parma oo dhawaan u soo dalacday heerka koowaad ee Talyaaniga ayaa la saxiixatay ciyaaryahankii hore ee ...