Wednesday, December 12th, 2018

Daawo Sawirada Chelsea oo soo bandhigtay Cayaaryahankeeda Cusub Mateo Kovacic

Published on August 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-08-2018) Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday in ay hadda dhamaystirtay heshiiska xidigii khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic. Chelsea ayaa xalayba sii shaacisay in Mateo Kovacic uu qaybka ahaa heshiiski uu Courtois ugu biiray Real Madrid kadib markii uu xidiga ree Croatia iska diiday in uu wax tababar ah la sameeyo kooxda Lulen Lopeteigui.

Laakiin heshiiska Mateo Kovacic ee Chelsea ayaa ah mid amaah oo aanu ku jirin qodob sheegaya in ay heshiiska amaahda ah u badali karto mid rasmi ah laakiin Mateo Kovacic ayaa muhiimada kowaad ka dhigtay in uu ka baxo Madrid isla markaana uu raadsado koox uu waqti badan ka ciyaari karo.

Mateo Kovacic oo Inter Milan kaga soo biiray kooxda uu hadda ka soo baxay ee Real Madrid ayaa tan iyo waqtigii Rafa Benitez ku dhibtoonayay in uu boos joogto ha ka helo shaxda Real Madrid laakiin markii uu koobka aduuka ka soo laabtay waxa uu la yimid qorshe cad oo ahaa in uu ka baxo Madrid.

Mateo Kovacic ayaa si toos ah ugu sheegay Julen Lopetegui in aanu kooxda sii joogayn laakiin Real Madrid ayaa fursadan uga faa’iidaysatay in ay Chelsea ugula xaajooto goolhaye Courtois waxayna Blues siisay fursada uu Mateo Kovacic kooxdeeda ugu biirayo amaah kaas oo hadda la dhamaystiray.

War saxaafadeed Chelsea ka soo baxay oo lagu shaaciyay heshiiska Mateo Kovacic ayaa lagu yidhi: ” Mateo Kovacic waxa uu heshiis amaah ah Real Madrid kaga soo biiray Blues”. 24 sano jirkan ayaa qayb ka noqon doona qorshaha macalin Sarri ee xili ciyaareedka cusub isaga oo u dagaalami doona in uu daqiiqado badan ka ciyaaro Blues.

Mateo Kovacic ayaa isku dayi doona in uu Chelsea ku qanciyo in heshiiskiisa amaahda ah ay ka dhigto mid rasmi ah isaga oo aan doonayn in uu dib ugu laabto Real Madrid kadib markii uu qirtay in aanu Madrid fursad ku helayn.

Kovavic ayaa dareenkiisa farxadeed ka hadlaya ayaa yidhi: ” Xaqiiqdii waan ku faraxsanahay in aan halkan joogo Chelsea. Waa dareen layaableh. Waxayga ugu fiican ayaan iskugu dayi doonaa kooxdan, waa horyaal aniga igu cusub, markasta bilawgu waa wax adag, laakiin waxaan hubaa in tababaraha iyo ciyaartoyda cusub ee aanu isku kooxda nahay ay i caawin doonaan, isla markaana xili ciyaareed fiican ayaan wanaag ka rrajaynayaa”.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...

Wararkii ugu danbeeyey suuqa kala ibsiga Cayaartoyda ee Maanta

(11-12-2018) Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ...

Shabakada Mail Oo Ogaatay Go’aanka Uu Paul Pogba Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Man United & Hadii Uu Baxay Bisha January?

(11-12-2018) Manchester United ayaa loo sheegay in Paul Pogba uusan garoonka Old Trafford ka bixi doonin bisha January ...

Andrew Robertson” Manchester United Waa in lagu Xisaabiyaa Kooxaha yar yar Sabab?

(11-12-2018) Cayaaryahanka Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka ...

Kaddib Saddexleydii Toddobaadka, Maxay Ahayd Farriintii Mohamed Salah Uu Ka Helay Philippe Coutinho, Maxayse Jamaahiirta Liverpool Ugu Jawaabeen?

(11-12-2018) Cayaaryahan Philippe Coutinho ayaa muujiyey in qayb qalbigiisa ka mid ah ay weli taallo garoonka Anfield kaddib ...

Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia oo la Sameeyey

(11-12-2018) Waxaa lasameeyey Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia kaas oo ay isku soo beegmeen kooxo waa weyn sidoo ...

Chelsea, Liverpool Iyo Real Madrid Oo Ku Tartamaya Cayaartoy Muslim Ah?

(11-12-2018) Real Madrid ayaa la sheegay inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo isku eryanaya saxeexa ciyaartoy ...

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu ...