Saturday, August 18th, 2018

Manchester United Oo Si Rasmi Ah Uga Baxday Suuqa Iibka, Jose Mourinho Oo Ka Hadlay, Pogba Oo Halis Ku Jira Iyo Gudaha Old Trafford Oo Tibaaxo Kala Duwan Kasoo Baxayaan

Published on August 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-08-2018) Suuqa iibka ciyaartoyga ayaa kooxaha waddanka Ingiriiska ka xidhmi doona caawa fiidka, waxaana ay saacadaha kooban ee u hadhay ay naadiyadu ku dedaali doonaan inay helaan laacibiinta qaabka fudud ay ku heli karayaan maadaama aanay haysanin wakhti ku filan oo ay saxeexyo waaweyn ku doontaan.

Manchester United oo la filayey inay suuqa ugu yaraan hal saxeex oo muhiim ah ka samayso maanta, ayaa gebi ahaanba ka baxday dhaqdhaqaaqa raadinta ciyaartooyada, waxaana sidaas ku dhowaaqay tababare Jose Mourinho oo shaaciyey in aanay wax ciyaartoy ah soo iibsanin doonin maanta oo uu xidhmayo suuqa iibku.

United oo inntii uu suuqu furnaa saddex ciyaartoy oo kali ah soo gadatay, ayaan heli doonin wax ka badan Fred, Diogo Dalot iyo goolhaye Lee Grant oo intuba ku cusub, waxaana ay ka hadheen difaaca Leicester City ee Harry Maguire iyo Toby Alderwireld oo Tottenham ah, kuwaas oo diiraddu u saarnayd intii ka dambaysay Koobka Adduunka.

Maalmihii u dambeeyey waxa United lala xidhiidhinayey difaacyahannada Barcelona iyo Bayern Munich ee Yerry Mina iyo Jerome Boateng, hase yeeshee midkoodna ma iman doono sida uu tababare Jose Mourinho shaaciyey.

“Kalsooni kuma qabo in ciyaartooyo cusub yimaaddaan, sababtoo ah suuqu maanta ayuu xidhmayaa, ugu yaraana waa inaan joojiyo inaan ku fikiro ciyaartooyo cusub, sababtuna waa in suuqu uu xidhmayo.” Sidaas ayuu Jose Mourinho oo ay ka muuqatay inuu ka niyad-jabsan yahay sida aany kooxdiisu ugu soo iibinin ciyaartooyo uu hore u dalbaday.

Mourinho oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Manchester, waxa uu tilmaamay in uu kaliya ku fikiri doono ciyaartooyada uu haysto, waxaanu yidhi: “Waxa aan diiradda saarayaa ciyaaryahannada aan haysto, inaan isku xidho dhawrka ciyaarood ee ugu horreeya oo qaadan karta illaa saddex kulan, sababtoo ah kaddib ciyaarta Spurs waxa la gelyaa fasax, toddobaadyo dhawr ah kaddibna dadku way soo kaban doonaan, markaa waxa muhiim ah inaan ku xisaabtamo ciyaartoyga aan hayso kulanka ugu horreeya.”

Manchester United ayaa kulankeeda ugu horreeya ee horyaalka Premier League waxay Jimcaha la ciyaari doontaa Leicester City, hase yeeshee waxa ka maqnaan doona Sergio Romero, Antonio Valencia, Marcos Rojo, Ander Herrera, Nemanjja Matic iyo Dalot oo dhamaantood dhaawacan.

Paul Pogba oo bixitaan lala xidhiidhinayo iyo Jesse Lingard oo toddobaadkan kasoo laabtay fasaxii Koobka Adduunka ayaa ay ku adkaan doontaa tababaruhu inuu ciyaarsiiyo, waxaanay u badan tahay inay kursiga kaydka fadhiistaan.

“Pogba iyo Lingard waxay soo laabteen Isniintii, tababarkii ayaanay qaateen Isniintii, Salaasadii, Arbacadii iyo maanta, waanad qiyaasi kartaa in aanay weli caafimaad qabin oo aanay diyaar ahayn, laakiin waanu u baahanahay.” Sidaas waxa yidhi tababare Mourinho oo tibaaxay inay suurtogal tahay in aanay ciyaarin.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Halyeyga Manchester United Oo Fariin U Diray Ciyaaryahan Paul Pogba

(18-8-2018) Ryan Giggs ayaa aaminsan in Paul Pogba oo faaidooyin badan ka heli doono in uu xirto calaamada ...

Real Madrid Oo Lacagtii Abid Ugu Badnayd Ku Dalbatay Xiddiga Reer Brazil Ee Neymar

(18-8-2018) Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa go’aamiyey inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan ...

Cayaartooyda Barcelona Kulanka Alaves Oo La Soo Saaray

(18-8-2018) Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa soo saartay liiska ciyaartooydeeda ee ka qeyb gali doona kulanka furitaanka horyaalka ...

Suuqa kala iibsiga Talyaaniga oo Xirmay iyo dhamaan Kooxaha Horyaalkaas Cayaartoyda ay qaateen iyo kuwa ka tegay

(18-8-2018) Waxaa Xalay Fiidkii hore soo gaba gaboobey dhamaan suuqa kala Cayaartoyda ee Horyaalka Talyaaniga waxaana lakala qaatay ...

Horyaalada Spain iyo Talyaaniga oo Maanta bilaabanaya iyo dhamaan Cayaaraha dhacaya Saacadaha ay bilaaban doonaan?

(18-8-2018) Waxaa Galabta iyo caawa lacayaari doonaan kulamo aad u xiiso badan iyada oo ay bilaaban doonaan Horyaal;ada ...

Cayaaryahan Gervinho Oo Ku Biiray Koox Ka Dhisan Horyaalka Serie A

(18-8-2018) Kooxda Parma oo dhawaan u soo dalacday heerka koowaad ee Talyaaniga ayaa la saxiixatay ciyaaryahankii hore ee ...

Kenya: Kooxda Gor Mahia Oo Safar Cayaareed Ku Tegaysa UK, Kooxda Horyaalka Premier League Ee Ay La Ciyaarayso Iyo Xog Muhiim Ah

(18-8-2018) Kooxda reer Kenya ee Gor ayaa ciyaar saaxiibtinimo ku tegi doonta waddanka Ingiriiska, halkaas oo ay kula ...

Maxaad ka taqaan 10 ka kooxood ee dunida ugu Taajirsan Gaar ahaan Kubada Cagta

(17-8-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada 10 ka kooxood ee ugu taajirsan Kubada Cagta Caalamka waxaana lasoo ...

Saameynta Bixitaankii Ronaldo, Haddii Bale Booskiisa Buuxin Karo Iyo Isco Oo Sharaxay Niyad Jabkii UEFA Super Cup

(17-8-2018) Cayaariyahanka khadka dhexe xulka Spain Isco ayaa sharaxaad ka bixiyay marxalada ay ku jirto kooxdiisa iyo niyad ...

“Sii Daynta Ninkii Walaashay Dilay Ayaa Saamayn Igu Yeelatay” – Ciyaartoy Dhacdo Naxdin Leh Soo Bandhigay

(17-8-2018) Serena Williams oo ah gabadh ku caan baxday ciyaarta Tennis-ka ayaa sheegtay in guuldarradii ugu waynayd ee ...

FIFA Oo Ganaaxday Kooxda UEFA Super Cup Ku Guuleysatay Ee Atletico Madrid

(17-8-2018) Guddiga Asluub wanaaga ee xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqay in ganaax lacageed oo ...

Micheal Owen Oo Saadaaliyay Kulamada Todobaadka Labaad Ee Premier League

(17-8-2018) Kulamada todobaadkii labaad ee horyaalka Premier League ayaa berito qaar kamid ah la ciyaari doona,hadaba waxaa kulamadaasi ...

Casemiro” Gudaha Real Madrid waa laga Hilmaamay Cristiano Ronaldo

(17-9-2018) Laacibka khadka dhexe ee Casemiro ayaa usoo jeediyey ciyaaryahannada kooxda Real Madrid inay isku diyaariyaan nolol cusub ...

Toni Kroos Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Mesut Ozil, Waxa Uu Ku Haysto Iyo Ereyada Xanafta Leh Ee Uu Ku Ganay

(17-8-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Germany Toni Kroos ayaa weerar culus ku qaaday kubbad sameeyaha Arsenal ...

Mucjiso uu dhalay Ronaldinho oo ku soo biirey Kubada Cagta+Sawiro

(17-8-2018) Gudaha dalka Braziil waxaa siweyn looga hadal hayaa wiil yar oo uu dhalay Cayaaryahankii caanka ahaa ee ...