Wednesday, December 12th, 2018

Dagaalkii Barcelona iyo Roma oo Cirka isku sii shareerey iyo Kluivert oo Xudun u ah markaan

Published on August 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-8-2018) Kooxaha kubadda cagta Barcelona iyo Roma ayaa mar kale uu ka dhex curtay khilaaf dib u cusboonaysiiyey nabadarradii laba toddobaad ka hor gaadhay kooxda ka dhisan caasimadda Talyaaniga ee Roma, markaas oo Blaugrana ay qaab lama filaan ah qaadatay Malcom oo saacado kaddib markii uu AS Roma heshiis la galay, uga leexday dhinaca Barcelona.

Labada kooxood ayaa hadda uu khilaafkoodu ku saabsan yahay da’yarka reer Holland ee Justin Kluivert oo uu dhalay xiddigii AC Milan iyo Barcelona ee Kluivert.

Roma ayaa sheegtay in weligeed aanay ciyaartoygeedan da’da yar ka iibin doonin Barcelona, xattaa haddii ay lacag kasta la timaaddo, hase yeeshee warku ma sheegin in Barca ay dalbatay 19 jirkan oo xagaagan uun ay Roma gacanta ku dhigtay.

Kuluivert ayaa la sheegay inuu ku riyoonayo inuu maro waddadii aabbihii Patick Kulivert oo uu u wareego Barcelona halkaasna uu ka bilaabo hayaanka guulaha ee uu kaga dayanayo aabbihii, hase yeeshee sida uu qoray wargeyska Gazzetta dello Sport, Roma ayaa ku wargelisay in aanay waligood ka iibin doonin Barcelona, isla markaana uu niyaddiisa ka saaro.

Madaxweynaha Roma, James Pallotta ayaa isaga oo la hadlaya Kluivert, waxa uu yidhi: “Waxa kale oo aan akhriyey inaad ku riyoonayso inaad Barcelona tagto. Waxa aad ogaataa in aanan weligay kaa iibin doonin iyaga.”

Labada kooxood ee Barcelona iyo Roma ayaa khilaafkoodu curtay bishii hore markii Roma ay heshiis la gaadhay kooxda Bordeax oo ay ka doonaysay Malcom, hase yeeshee inyar ka hor intii aanu laacibka reer Brazil u safrin Roma isla markaana heshiiskiisa lagu dhowaaqay ayaa ay Barcelona dhexda kasoo gashay, waxaanay qaab afduub ah u qaadatay Malcom oo halkii uu ka degi lahaa Roma lagu arkay waddanka Spain kaddib markii qandaraaska uu qalinka ku duugay.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...

Wararkii ugu danbeeyey suuqa kala ibsiga Cayaartoyda ee Maanta

(11-12-2018) Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ...

Shabakada Mail Oo Ogaatay Go’aanka Uu Paul Pogba Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Man United & Hadii Uu Baxay Bisha January?

(11-12-2018) Manchester United ayaa loo sheegay in Paul Pogba uusan garoonka Old Trafford ka bixi doonin bisha January ...

Andrew Robertson” Manchester United Waa in lagu Xisaabiyaa Kooxaha yar yar Sabab?

(11-12-2018) Cayaaryahanka Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka ...

Kaddib Saddexleydii Toddobaadka, Maxay Ahayd Farriintii Mohamed Salah Uu Ka Helay Philippe Coutinho, Maxayse Jamaahiirta Liverpool Ugu Jawaabeen?

(11-12-2018) Cayaaryahan Philippe Coutinho ayaa muujiyey in qayb qalbigiisa ka mid ah ay weli taallo garoonka Anfield kaddib ...

Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia oo la Sameeyey

(11-12-2018) Waxaa lasameeyey Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia kaas oo ay isku soo beegmeen kooxo waa weyn sidoo ...

Chelsea, Liverpool Iyo Real Madrid Oo Ku Tartamaya Cayaartoy Muslim Ah?

(11-12-2018) Real Madrid ayaa la sheegay inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo isku eryanaya saxeexa ciyaartoy ...

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu ...