Saturday, August 18th, 2018

Manchester United Oo Guul Ku Bilowday Xili Ciyaareedka Cusub, Kabtan Pogba Oo Gool Madi Ah Dhaliyey Iyo Bandhiggii Leicester City Ee Maqnaanshaha Riyad Mahrez Laga Dareemay

Published on August 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-8-2018) Manchester United ayaa guul ku furatay xili ciyaareedka cusub ee Premier league kadib markii ay Old Trafford ku garaacday kooxda Leicester City. Manchester United ayaa guushan gaadhay xili ay si wayn ugu baahnayd kalsooni buuxda oo ay xili ciyaareedka cusub ku wajihi karto kadib suuqii kala iibsiga iyo erayadii saamaynta badan yeeshay ee uu Mourinho saxaafada marinayay.

Paul Pogba oo kulankan uu Jose Mourinho kabtan u doortay ayaa goolkii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka cusub ee Premier league dhaliyay saddexdii daqiiqo ee ugu horeeyay laakiin iyada oo United ka walwalsan in Leicester City ay ciyaarta ku soo laabto ayuu Luka Shaw dhaliyay goolka labaad ee United guusha u xaqiijiyay.Dhamaadkii ciyarta Jamie Vardy ayaa goolka kaliya ee kooxdiisa keenay waqti aanu samayn lahayn.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER UNITED (4-3-3): David de Gea; Matteo Darmian, Eric Bailly, Victor Lindelof, Luke Shaw; Fred, Andreas Pereira, Paul Pogba; Juan Mata, Marcus Rashford, Alexis Sanchez.

Kaydka:  Romelu Lukaku, Anthony Martial, Chris Smalling, Lee Grant, Ashley Young, Marouane Fellaini, Scott McTominay.

MANCHESTER UNITED (4-3-3): David de Gea; Matteo Darmian, Eric Bailly, Victor Lindelof, Luke Shaw; Fred, Andreas Pereira, Paul Pogba; Juan Mata, Marcus Rashford, Alexis Sanchez.

Kaydka:  Jonny Evans, Jamie Vardy, Marc Albrighton, Danny Ward, Vicente Iborra, Christian Fuchs, Rachid Ghezzal.

Manchester United iyo Leicester City ayaa iskaga hor yimid kulanka furitaanka Premier league ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 waxayna labada kooxoodba doonayeen in ay natiijo fiican ka helaan kulankan.

DAQIIQADII 2-AAD REKOODHE. Manchester United ayaa isla markiiba lagu abaal mariyay rekoodhihii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka cusub ee Premier league kadib markii xidiga Leicester City ee Amartey lagu ciqaabay in kubbadu ay gacanta kaga dhacday.

DAQIIQADII 3-AAD Paul Pogba oo ahaa kabtanka kulankan ee Manchester United ayaa kubbada qaatay wuxuuna ku dhaliyay goolka furitaanka Premier league ee xili ciyaareedka cusub si uu kooxdiisa Manchester United u siiyo fursadii ugu fiicnayd ee ay ciyaarta ka doonaysay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Man United hogaanka kula wareegtay.

Qaybtii hore ee ciyaarta Leicester City ayaa culays badan saartay Manchester United iyada oo Foxes si buuxda awooda u saartay in ay keensato goolka barbaraha laakiin Jose Mourinho iyo tatikadiisa difaacasho ayaa saamayn ku yeelatay weerarka Leicester City.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Man United hogaanka ku haysay balse ay Liecester City ku horaysay kubbad haynta iyo boosishanka ciyaarta waxayna Foxes awoodi wayday in ay qaybtii hore soo laabto.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa noqotay mid si xoogan loogu dagaalamay iyada oo ujeedada Man United ahayd in ay ugu yaraan ilaashato natiijada ay guusha ugu taagnayd ama ay goolal kale raadiso laakiin Leicester ayaa wali doonaysay qaabkii ay David De Gea ku dhaafi lahayd.

Ciyaarta ayaa noqotay mid sii adkaatay laakiin waxay Leicester City ku fashilantay in ay fursado ay heshay ka faa’iidaysato taas oo Man United siisay fursad ay ugu dagaalantay in ay la timaado goolka labaad ee ay ciyaarta ku dishay.

DAQIIQADII 83 AAD Manchester United oo ka walwalsan in Leicester City ay hal fursad goolka barbaraha ku keensato ayuu Luka Shaw u xaqiijiyay guushan kadib markii uu dhaliyay goolka labaad ee Red Devils isaga oo caawin ka helay Juan Mata waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay United ciyaarta ku dishay.

Leicester City ayaa dhamaadkii ciyaarta kensatay goolka ay xaalad culus Man United ugu abuuri kartay intii ka horaysay daqiiqadii 83 aad waxaana goolkan aan saamaynta yeelan dhalyay Jamie Vardy. Ugu dabayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Manchester United ku garaacday Leicester isla markaana ay guul muhiim ah ugu furatay xili ciyaareedka cusub ee Premier league.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Halyeyga Manchester United Oo Fariin U Diray Ciyaaryahan Paul Pogba

(18-8-2018) Ryan Giggs ayaa aaminsan in Paul Pogba oo faaidooyin badan ka heli doono in uu xirto calaamada ...

Real Madrid Oo Lacagtii Abid Ugu Badnayd Ku Dalbatay Xiddiga Reer Brazil Ee Neymar

(18-8-2018) Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa go’aamiyey inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan ...

Cayaartooyda Barcelona Kulanka Alaves Oo La Soo Saaray

(18-8-2018) Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa soo saartay liiska ciyaartooydeeda ee ka qeyb gali doona kulanka furitaanka horyaalka ...

Suuqa kala iibsiga Talyaaniga oo Xirmay iyo dhamaan Kooxaha Horyaalkaas Cayaartoyda ay qaateen iyo kuwa ka tegay

(18-8-2018) Waxaa Xalay Fiidkii hore soo gaba gaboobey dhamaan suuqa kala Cayaartoyda ee Horyaalka Talyaaniga waxaana lakala qaatay ...

Horyaalada Spain iyo Talyaaniga oo Maanta bilaabanaya iyo dhamaan Cayaaraha dhacaya Saacadaha ay bilaaban doonaan?

(18-8-2018) Waxaa Galabta iyo caawa lacayaari doonaan kulamo aad u xiiso badan iyada oo ay bilaaban doonaan Horyaal;ada ...

Cayaaryahan Gervinho Oo Ku Biiray Koox Ka Dhisan Horyaalka Serie A

(18-8-2018) Kooxda Parma oo dhawaan u soo dalacday heerka koowaad ee Talyaaniga ayaa la saxiixatay ciyaaryahankii hore ee ...

Kenya: Kooxda Gor Mahia Oo Safar Cayaareed Ku Tegaysa UK, Kooxda Horyaalka Premier League Ee Ay La Ciyaarayso Iyo Xog Muhiim Ah

(18-8-2018) Kooxda reer Kenya ee Gor ayaa ciyaar saaxiibtinimo ku tegi doonta waddanka Ingiriiska, halkaas oo ay kula ...

Maxaad ka taqaan 10 ka kooxood ee dunida ugu Taajirsan Gaar ahaan Kubada Cagta

(17-8-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada 10 ka kooxood ee ugu taajirsan Kubada Cagta Caalamka waxaana lasoo ...

Saameynta Bixitaankii Ronaldo, Haddii Bale Booskiisa Buuxin Karo Iyo Isco Oo Sharaxay Niyad Jabkii UEFA Super Cup

(17-8-2018) Cayaariyahanka khadka dhexe xulka Spain Isco ayaa sharaxaad ka bixiyay marxalada ay ku jirto kooxdiisa iyo niyad ...

“Sii Daynta Ninkii Walaashay Dilay Ayaa Saamayn Igu Yeelatay” – Ciyaartoy Dhacdo Naxdin Leh Soo Bandhigay

(17-8-2018) Serena Williams oo ah gabadh ku caan baxday ciyaarta Tennis-ka ayaa sheegtay in guuldarradii ugu waynayd ee ...

FIFA Oo Ganaaxday Kooxda UEFA Super Cup Ku Guuleysatay Ee Atletico Madrid

(17-8-2018) Guddiga Asluub wanaaga ee xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqay in ganaax lacageed oo ...

Micheal Owen Oo Saadaaliyay Kulamada Todobaadka Labaad Ee Premier League

(17-8-2018) Kulamada todobaadkii labaad ee horyaalka Premier League ayaa berito qaar kamid ah la ciyaari doona,hadaba waxaa kulamadaasi ...

Casemiro” Gudaha Real Madrid waa laga Hilmaamay Cristiano Ronaldo

(17-9-2018) Laacibka khadka dhexe ee Casemiro ayaa usoo jeediyey ciyaaryahannada kooxda Real Madrid inay isku diyaariyaan nolol cusub ...

Toni Kroos Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Mesut Ozil, Waxa Uu Ku Haysto Iyo Ereyada Xanafta Leh Ee Uu Ku Ganay

(17-8-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Germany Toni Kroos ayaa weerar culus ku qaaday kubbad sameeyaha Arsenal ...

Mucjiso uu dhalay Ronaldinho oo ku soo biirey Kubada Cagta+Sawiro

(17-8-2018) Gudaha dalka Braziil waxaa siweyn looga hadal hayaa wiil yar oo uu dhalay Cayaaryahankii caanka ahaa ee ...