Sunday, December 16th, 2018

Paul Pogba” Hadii aan Runta kahadlo Waxaana ka cabsi qabaa in uu i Ganaaxo Jose Mourinho Sabab?

Published on August 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-8-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Manchester United ee Paul Pogba ayaa ka dhawaajiyey hadal layaab leh kadib markii uu si cad u sheegey in uu yahay mid aan dareenkiisa cabiri karayn isla Markaana ka cabsi qaba in uu Ganaax kala kulmo Macalinkiisa Jose Mourinho.

Paul Pogba” Hadii aan hadlo oo aan runta sheego waxaan ka cabsi qabaa Ganaax in aan lakulmo sidaa daraadeed madoonayo in lay ganaaxo waanan iska aamusnaan doonaa waayo isagu waa mid jecel in uu sheego wixii uu doono mana doonayo in wax laga sheego  sidaa waxa uu u sheegay Wargeyska Sunday Express oo uu siiyey Waraysi Axadii.

Xiddiga ku Guuleystey koobka aduunka ee Paul Pogba oo Jimcihii ahaa kabtanka Manchewtser United kulankii koowaad ee Horyaalka England ee ay 2-1 kaga badiyeen Leicester City.ayaa u muuqda mid aan ku qanacsanayn Xiriirka uu la leeyahay Macalinkiisa Jose Mourinho kaas oo ay isku dheceen Xili cayaareedkii lasoo dhaafay isaga oo si aan ganbasho lahayn u cadeeyey in uusan runta kahadli karayn.

Macalin Manchetser United Jose Mourinho oo wax laga weydiiyey hadii uu Paul Pogba ahaan doono Kabtanka Joogtada ah ee kooxdiisa ayaa yiri maya waa inta uu maqanyahay Valencia waayo Valencia ah kabtankeyga laakiin halkaan hada majoogo.

Jose Mourinho ayaa sidoo kale sheegay in Sababta uu ugu doortay Paul Pogba kabtanka koodiisa ay tahay in Cayaaryaahnka dalka France uu Joogo Naadiga xili Cayaareedkii 3 aad isla Markaana uu yahay mid ka soo baxay Akadeemiyada Manchester United uuna garanayo habka loola dhaqmo kooxaha kale Xiriir wanaagsana la leh Cayaartoyda kale sidaa waxa uu u sheegay Jose Mourinho Wargeyska Sky Sports.

Pogba ayaa intii uusan xirmin suuqa kala iibsiga Cayaartoyda England waxaa aad loola Xiriiriyey in uu u Wareegi doono Barcelona balse markii lagu soo bilaabay Kulankii koowaad ee Horyaalka sidoo kalana laga dhigay kabtanka kooxda ayaa qalbigu u qaboobey Jamaahiirta United balse hadalkaan uu Axadii sheegay ayaa ah mid shaki badan keeni kara isla Markaana muujinaya in weli uu jiro qilaafkii labada Nin.

 

 

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...