Monday, August 20th, 2018

Daawo: Barcelona oo ku Guuleysatay Super Cupka Spain

Published on August 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-8-2018) Kooxda Barcelon ayaa ku guulaystay koobka Spanish Super Cupka kadib markii ay guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda Sevilla oo fursad wayn iska lumisay. Sevilla ayaa markale dhibane u noqotay Barcelona waxayna kooxda Valverde xili ciyaareedka cusub ku furatay Spanish Super Cupka.

Gerard Pique ayaa Barcelona ciyaarta dib ugu soo celiyay kadib markii ay Sevilla gool ku martay bilawgii kulankan laakiin Ousmane Dembele ayaa gool gantaal aan la rumaysan karin kaga yaabsaday Sevilla balse dhamaadkii ciyaarta Sevilla ayaa islka lumisay rekoodhe lagu abaal mariyay waxaana ka beeniyay Ter Stegen.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Sevilla XI (3-4-2-1): Tomas Vaclik; Sergi Gomez, Simon Kjaer, Gabriel Mercado; Sergio Escudero, Ever Banega, Roque Mesa, Jesus Navas; Pablo Sarabia, Franco Vazquez; Luis Muriel

Kaydka: Juan Soriano, Ibrahim Amadou, Daniel Carrico, Nolito, Aleix Vidal, Wissam Ben Yedder, Andre Silva.

Barcelona XI (4-4-2): Marc-Andre ter Stegen; Jordi Alba, Clement Lenglet, Gerard Pique, Nelson Semedo; Rafinha, Arthur, Sergio Busquets, Ousmane Dembele; Lionel Messi, Luis Suarez.

Kaydka: Jasper Cillessen, Samuel Umtiti, Juan Miranda, Ivan Rakitic, Philippe Coutinho, Arturo Vidal, Munir El Haddadi.

Barcelona iyo Sevilla ayaa xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 ku bilawday finalka Spanish Super Cupka oo markii ugu horaysay loo badalay kulan final ah isla markaana markii ugu horaysay lagu qabtay meel ka baxsan dalka Spain waxaana finalka Spanish Super Cupka sanadkan lagu qabtay dalka Morocco ee waqooyiga Afrika.

Barcelona iyo Sevilla ayaa ciyaarta soo galay iyaga oo wata laba qorshe oo gabi ahaanba kala duwan balse wax isku mid ah lagu doonayay oo ah in ay guulaystaan. Sevilla ayaa la soo shirtagtay shax khadka dhexe u xoogan isla markaana difaacasho iyo weerar deg deg ah ku salaysan.

Laakiin Valverde ayaa ku soo shirtagay shaxda diamond-ta loo yaqaaan isaga oo doonayay in koobkii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan cusub ay kooxdiisu ku guulaysato. Laakiin ciyaarta ayaa qaybtii hore ahayd mid aad u adag oo ay labada kooxoodba dadaal badan ku soo bandhigeen.

DAQIIQADII 9 AAD Sevilla ayaa si deg deg ah ugu hormartay goolka furitaanka kadib markii uu Pablo Sarabia dhaliyay goolka riyada wayn u abuuray kooxdiisa Sevilla laakiin goolkan ayaa markii hore loo diiday ofside ahaan balse iyada oo muuqaal caawiyaha garsooraha VAR loo sii tijaabinayo La Liga ayaa la ogaaday in Pablo Sarabia aanu offside ku jirin waxaana Sevilla loo qoray goolka ay dhaliyeen waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Sevilla markiiba hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Barcelona ayaa bilawday hawlgalo badan oo isdaba joog ah waxayna ku raadinaysay goolka barbaraha laakiin waxaa aad ugu adkayd in ay soo gaadho goolhayaha Sevilla iyada oo difaacu uu si adag u ilaalinayay xidigaha weerarka isla markaana ay kubbada aad iskaga fogaynayeen markasta oo ay soo gaadho.

Barcelona ayaa kubbad isku dhiibid badan, fursad raadin iyo waliba weerar dhisid waqti badan ku lumisay laakiin Sevilla ayaa marka ay kubbada hesho laba eer ama saddex jeer oo kaliya isku taabanaysay waxayna soo gaadhaysay dhinaca goolka Barca iyada oo mararka qaar halis badan abuuraysay.

DAQIIQADII 42 AAD Barcelona ayaa ugu danbayn la timid goolkeeda barbaraha waxaana u saxiixay Gerard Pique kadib markii uu ka faa’iideeyay kubbad looga xorta ahayd oo uu Lionel Messi birta ku garaacay isla markaana ku sii dhacday Vaclik, wuxuuna Pique goolkan dhaliyay waqti kooxdiisa muhiimad wayn u lahayd isaga oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

DAQIIQADII 44 AAD Sevilla ayaa aad ugu dhawaatay in ay hogaanka ciyaarta soo ceshato kadib markii uu Sarabia kubbad fiican u bixiyay Muriel kaas oo darbo ku beegsaday goolka Barca laakiin Ter Stegen ayaa badbaadin wayn sameeyay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Ernesto Valverde ayaa hal isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka soo galiyay Ivan Rakatic wuxuuna saaray Rafinha laakiin markii ay ciyaarta waxba iska badali waayeen ayuu Valverde markale kaydka uga yeedhay Ernesto Valverde isaga oo daqiiqadii 53 aad ciyaarta ka saaray Athur Melo.

Dhinaca Sevilla daqiiqadii 60 aad waxaa ciyaarta soo galay saxiixa cusub ee André Silva waxaana la saaray L. Muriel halka daqiiqadii 71 aad uu ciyaarta soo galay xidigii dhawaan Barca ka baxay ee Aleix Vidal wuxuuna badalay Pablo Sarabia.

Ciyaarta ayaa noqotay mid ay adag tahay in goolal layska dhaliyo laakiin Barca ayaa markan raadinaysay goolka laabad si ay soo laabashadeeda u dhamaystirto halka Sevilla ay difaacasho iyo weeraro deg deg ah xalka ku raadinaysay.

 

 

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Andre Silva oo kulankiisii koobaad Sadexley u dhaliyey Sevilla

(20-8-2018) Weeraryahanka dalka Portugal ee ay leedahay kooxda AC Milan balse sida amaahda ah ugu wareegay Naadiga dalka ...

Luka Modric oo dhulka lajaray Real Madrid isla Markaana difaacay Inter Milan?

(20-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa difaacay Naadiga Inter Milan kadib markii Naadiga uu hada lajoogo ...

Maxaad Samayn lahayd hadii Saaxiibka wiil uu dhalay aad isugu timaadaan Garoon adinka oo Cadaw isku ah

(20-8-2018) Caayaryahankii hore ee kooxda Kubada Cagta Juventus Gianluigi Buffon oo hada u Cayaara kooxda PSG ayaa Todobadkaan waxa ...

Jose Mourinho Muxuu ka yiri Guuldaradii kooxdiisa?

(20-8-2018) Manchester United Macalinkeeda Jose Mourinho ayaa si kooban uga jawaabay Su aalo laga weydiiyey Guuldaradii xanuunka badanayd ...

Yaa Badiyey Gabdhaha Manchester United iyo Kuwa Liverpool oo fooda isdaray+Sawiro

(20-8-2018) Waxaa ka dhacay mid ka mid ah Kulamada ugu xiisaha xiisaha badan ee dhanka Gabdhaha kadib markii ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Cayaartii sharafta looga qaaday Manchester United

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Brighton and Hove Albion ayaa guul muhiim ah oo loo riyaaqo waxay minankooda kaga ...

Andrew Robertson” Haddii Mushaarka la ii kordhin waayo Go aan ayaan qaadan doonaa?

(19-8-2018) Kooxda kubada cagta Liverpool ayaa ka sooo warinayaa in ay mushaar kordhin u sameyn doonto ciyaaryahankeeda Andrew ...

Paul Scholes oo banaanka soo dhigay ceebta Victor Lindelof

(19-8-2018) Cayaaryahankii hore ee kooxda Manchester United Paul Scholes ayaa banaanka soo dhigay qalaadad uu sheegay in uu ...

Maxay ahayd Sababta uu Alexis Sanchez kaga Maqnaa Manchester United?

(19-8-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Alexis Sanchez ayaa kamaqnaa Kulankii Ceebtu ka Raacaaday kooxdiisa ee ay lacayaareen Naadiga Brighton waxaase jirta ...

Wax qabadkii Mid kasta Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kulamadii koobaad ee xili Cayaareedkaan

(19-8-2018) Xiddigaha ku loolama kubada Cagta Caalamka ee kala ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa midkastaa Cayaaray kulankiisii ...

Maxay ka dhigneyd Sadeleyda uu dhaliyey Sergio Aguero

(19-8-2018) Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa dhaliyey Goolasha loo yaqaan Sadexleyda kulankii ay 6-1 ku garaaceen ...

Weeraryahanka Liverpool Ee Firmino Oo Hanjabaad Culus U Diray Kooxaha Horyaalka Premier League

(19-8-2018) Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa farriin digniin ah hawada u mariyay dhammaan kooxaha waaweyn ee ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo muujisey sida ay u difaacan karto Horyaalka

(19-8-2018) Manchester City ayaa 6-1 ku xasuuqday dhigeeda Huddersfield Town kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka ...

Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Sida Kooxdiisa Ugu Fashilantay Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga

(19-8-2018) Tababaraha kooxda kubada cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa ka hadlay sida ay kooxdiisa ugu dhibtootay suuqa ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Messi oo 2 Gool dhaliyey

(19-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii koowaad ee ay Cayaartay Horyaalka La Liga waxaana ...