Tuesday, September 25th, 2018

Boqolaal shacab ah oo Gaaray Muqdisho Stadium oo ay ka bexeen Ciidamada AMISOM

Published on August 28, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(28-8-2018) Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shacab aad u badan ayaa hadda ku sugan Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, iyagoo soo dhaweeyay Cutubyadii ugu dambeeyay Ciidamada AMISOM oo ka baxay garoonka.

Shacabka ayaa ku damaashaadaya qeybaha kala duwan ee garoonka oo mudo 7-sano ah ay gacanta ku hayeen Ciidanka Nabad galyada Midowga Afrika AMISOM oo shalay ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ay ka baxaan ciidamada AMISOM, iyagoo sheegay in garoonkan uu ad u weyn yahay isla markaana looga faa’iideysan karo qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Dowlada ay diyaar u tahay dayactirka iyo soo celinta bilicdii uu lahaa garoonkan

“Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa”.ayay yiri Khadiijo.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM in garoonkan dib loogu wareejiyo Shacabka maadaama uu laf dhabar u yahay Ciyaaraha Dalka.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Jose Mourinho” Paul Pogba dib danbe uma xiran doono Calaamada Kabtannimo ee Manchester United

(26-9-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Cayaaryahankiisa Paul Pogba uu xiran doono ...

Maurizio Sarri oo ka hadlay farqiga u dhexeeya Chelsea iyo Liverpool

(25-9-2018) Maurizio Sarri ayaa sheegay in ay ku qaadanayso muddo sanad ah in uu dhiso koox la heer ...

Real Madrid Cayaaryahan muhiim ah oo qaliin lagu Samayn doono?

(25-9-2018) Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Cayaartoyda ...

Paul Pogba oo markale ku celiyey kooxda uu doonayo

(25-9-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Paul Pogba ayaa markale ku celiyey kooxda uu doonayo in uu u Cayaaro isaga oo ...

Fabio Capello Iyo Diego Forlan Oo Weerar Bahdilaad Ah Ku Duray Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi – Waa Maxay Sababtu?

(25-9-2018) Tababaraha caanka ah ee Fabio Capello ayaa ku eedeeyey Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ixtiraam darro kaddib ...

Kaddib Guushii Xiddigga Adduunka, Waa Tuma Xaaska Luka Modric, Sidee Ayuu Jacaylkoodu Ku Bilaabmay?

(25-9-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ...

Daawo Sawirada Madaxweyne Farmaajo oo degmadii uu ku dhashay Gudoonsiiyey koobkii Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir

(25-9-2018) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka ...

Wariye Wax ka qoray qaladaad uu sheegay in uu ku arkay Xafladii abaal Marinta FIFA?

(25-9-2018) Waxaa soo idlaaday xaflada abaal marinta FIFA The Best ee lagu qiimeeyo xiddiga kubadda cagta qaybahooda kale ...

Daawo Sawirada iyo dhamaan sidii loo kala helay Abaal Marinada FIFA

(25-9-2018) Waxaa laqabtay Xafladii Caadiyan Sanadlaha ahayd ee lagu bixinayey abaal marinta Cayaartoyda iyo Macalimiinta Kubada cagta caalamka ...

Magacyada iyo Sawirada 11 ka Cayaaryahan ee Caalamka ugu fiican?

(25-9-2018) Xiriirka kubada Cagta Calamaka ee FIFA ayaa magacaabay 11 ka Cayaaryahan ee caalamka ugu fiican dhanka kubada ...

Mohamed Salah oo ku Guuleystey Abaal Marinta Puskas Award

(25-9-2018) Cayaaryahanka dalka Masar iyo Kooxda Liverpool ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka dhaliyey Goolkii ugu qurxoonaa waxaana lagu doonsiiyey ...

DEG DEG: Luka Modric oo ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalamka ugu fiican

(25-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalmaka ugu fiican kadib aflada ka dhacday ...

Paul Pogba Oo Weerar Culus Ku Qaaday Qaab Ciyaareedka Jose Mourinho Iyo Khilaafkoodii Oo Cirka Isku Shareeray

(25-9-2018) Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa halkiisa ka sii wata in ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan Caan ah oo Weligood Roose qaadan

(24-9-2018) Waxaan idiin doo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo sawirada shan cayaaryahan ee caan ka ah kubada Cagta isla ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Gerard Pique oo Guuldaro ka bad baadiyey Barcelona

(24-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa ka bad baaday Guuldaro kadib markii ay bareejo ka heleen Naadiga ay ...