Tuesday, September 25th, 2018

Wararkii ugu danbeeyey qasaarihii dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay Cayaartii Madagascar iyo Senegal?

Published on September 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-9-2018) Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay shalay garoon ay ku ciyaarayeen xulalka Madagascar iyo Senegal, halkaas oo dad isjiidhay uu markiiba ku dhintay hal qof, dad kale oo tiradoodu ka badnayd 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Cayaartan oo ka dhacday magaalada Antananarivo ee caasimadda Madagascar, ayaa ka hor intii aanay bilaabanin waxa garoonka hortiisa iskugu yimid dadweyne tiro badan oo doonayey inay gudaha u galaan garoonka si ay ciyaarta u daawadaan, laakiin dhibaatada dhacday ayaa ahayd in garoonka oo lagu magacaabo Stade Municipal de Mahamasina ay albaabada laga galaa yaryar yihiin.

Cayaartan oo ka tirsanayd isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika, ayaa waxa sida dhakhaatiirtu shaaciyeen waxa ku geeriyooday hal qof, laakiin dhaawaca ayaa iyagana qaarkood halis yihiin, gaar ahaan laba qof oo xaalkooda laga dayriyey.

Idaacad laga leeyahay waddanka Faransiiska oo lagu magacaabo RF1, ayaa waxay sheegtay in dadku mar kaliya kusoo xoomeen albaabka garoonka, halkaasna ay ka dhacday isjiidh-dhiidh keenay dhimashada iyo dhaawaca tirada badan.

Dadka qaarkood ayaa ku dooday in albaabada garoonka hal mid oo kaliya la furay, kaasna ay saacado badan u taagnaayeen, waxaana mid ka mid ah oo warbaahinta la hadlay uu yidhi: “Maan fahmin sababta hal albaab oo kaliya garoonka loo furay, iyadoo ciyaar weyn ay jirto.” Sidaas waxa yidhi Henintsoa Mialy Harizafy oo adeerkii ku dhaawacmay garoonka.

Goob-jooge kale oo ku sugnaa garoonka oo lagu magacaabo Rivo Raberisaona, ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee AFP in uu garoonka yimid lixdii subaxnimo, isla markaana uu ku jiray fayl dheer illaa duhurkii oo ah wakhtiga ay dhibaatadu dhacday.

Cayaartan ayaa ku dhamaatay barbar dhac 2-2.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Jose Mourinho” Paul Pogba dib danbe uma xiran doono Calaamada Kabtannimo ee Manchester United

(26-9-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Cayaaryahankiisa Paul Pogba uu xiran doono ...

Maurizio Sarri oo ka hadlay farqiga u dhexeeya Chelsea iyo Liverpool

(25-9-2018) Maurizio Sarri ayaa sheegay in ay ku qaadanayso muddo sanad ah in uu dhiso koox la heer ...

Real Madrid Cayaaryahan muhiim ah oo qaliin lagu Samayn doono?

(25-9-2018) Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Cayaartoyda ...

Paul Pogba oo markale ku celiyey kooxda uu doonayo

(25-9-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Paul Pogba ayaa markale ku celiyey kooxda uu doonayo in uu u Cayaaro isaga oo ...

Fabio Capello Iyo Diego Forlan Oo Weerar Bahdilaad Ah Ku Duray Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi – Waa Maxay Sababtu?

(25-9-2018) Tababaraha caanka ah ee Fabio Capello ayaa ku eedeeyey Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ixtiraam darro kaddib ...

Kaddib Guushii Xiddigga Adduunka, Waa Tuma Xaaska Luka Modric, Sidee Ayuu Jacaylkoodu Ku Bilaabmay?

(25-9-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ...

Daawo Sawirada Madaxweyne Farmaajo oo degmadii uu ku dhashay Gudoonsiiyey koobkii Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir

(25-9-2018) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka ...

Wariye Wax ka qoray qaladaad uu sheegay in uu ku arkay Xafladii abaal Marinta FIFA?

(25-9-2018) Waxaa soo idlaaday xaflada abaal marinta FIFA The Best ee lagu qiimeeyo xiddiga kubadda cagta qaybahooda kale ...

Daawo Sawirada iyo dhamaan sidii loo kala helay Abaal Marinada FIFA

(25-9-2018) Waxaa laqabtay Xafladii Caadiyan Sanadlaha ahayd ee lagu bixinayey abaal marinta Cayaartoyda iyo Macalimiinta Kubada cagta caalamka ...

Magacyada iyo Sawirada 11 ka Cayaaryahan ee Caalamka ugu fiican?

(25-9-2018) Xiriirka kubada Cagta Calamaka ee FIFA ayaa magacaabay 11 ka Cayaaryahan ee caalamka ugu fiican dhanka kubada ...

Mohamed Salah oo ku Guuleystey Abaal Marinta Puskas Award

(25-9-2018) Cayaaryahanka dalka Masar iyo Kooxda Liverpool ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka dhaliyey Goolkii ugu qurxoonaa waxaana lagu doonsiiyey ...

DEG DEG: Luka Modric oo ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalamka ugu fiican

(25-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalmaka ugu fiican kadib aflada ka dhacday ...

Paul Pogba Oo Weerar Culus Ku Qaaday Qaab Ciyaareedka Jose Mourinho Iyo Khilaafkoodii Oo Cirka Isku Shareeray

(25-9-2018) Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa halkiisa ka sii wata in ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan Caan ah oo Weligood Roose qaadan

(24-9-2018) Waxaan idiin doo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo sawirada shan cayaaryahan ee caan ka ah kubada Cagta isla ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Gerard Pique oo Guuldaro ka bad baadiyey Barcelona

(24-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa ka bad baaday Guuldaro kadib markii ay bareejo ka heleen Naadiga ay ...