Tuesday, September 25th, 2018

Macalinka Arsenal Oo War Farxad Leh U Sheegay Jamaahiirta Gunners

Published on September 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-9-2018) Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa war aad u fiican u sheegay jamaahiirta kooxdiisa Gunners kadib markii uu qoraal kooban iyo hal sawir u soo dhigay bartiisa twitterka isla markaana uu dareen fiican bixiyay. Jamaahiirta kooxda Arsenal ayaa markiiba ka war helay warka fiican ee uu Emery u soo mariyay barta twitterka waxayna hal jawaab oo isku mid ah ku qeexeen sida uu warkani kooxdooda ugu muhiim ugu yahay.

Arsenal oo xili ciyaareedka Premier league laga guuldaro oo xidhiidh ahi ka soo gaadheen kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa ka soo kabsatay iyada oo labadii kulan ee ugu danbeeyay soo guulaysatay waxayna jamaahiirta Arsenal rajaynayaan in horumarka kooxdoodu sii soco marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah.

Unai Emery ayaa bartiisa twitterka soo dhigay sawirka ciyaartoyda kooxdiisa Gunners oo uu kula hadlayo xarunta tababarka wuxuuna sawirka sare soo raaciyay qoraalka ah: ” Waxaanu diirada saaraynaa horumarintayada, Arsenal waxay diirada saaraysaa Newcastle United”.

Laakiin markiiba jamaahiirta Arsenal ayaa ogaaday in warka fiican ee uu Unai Emery jamaahiirta kooxdiisa la wadaagay yahay in saxiixa cusub ee Lucas Torreira uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii xulka qarankiisu guusha ka gaadhay Mexico.

Lucas Torreira oo aad muhiim ugu ah kooxda Unai Emery ayaa laga saaray kulankii uu xulka qarankiisa Uruguay guusha 4-1 ka ahayd ka gaadhay Mexico waxaana la arkayay isaga oo barraf lugta u saaran yahay markaas oo ay jamaahiirta Gunners si wayn uga walwaleen in uu dhaawac ku maqnaan doono.

Laakiin markii jamaahiirta Arsenal ay arkeen in Lucas Torreira uu maanta ka soo xaadiray xarunta tababarka kooxdiisa waxay muujiyeen farxad wayn iyaga oo waliba fariimaha soo qoreen ku rajeeyay in uu taam buuxa u noqdo kulanka Newcastle United oo uu shaxda Emery ku soo bilaaban doono.

Tababaraha xulka qaranka Urugay ee Fabian Coito ayaa sheegay in sababtii uu badalka ugu saaray Lucas Torreira ay ahayd in uu ka taxadarayay in dhibaato kubka ah oo uu ka cabanayay Lucas Torreira ay sii xumaato wuuxuna yidhi: ” Waxaan u soo saaray Torreira ka taxadar ahaan”.

Lucas Torreira ayaa hadda la filayaa in uu diyaar buuxa u noqon doono kulanka ay Arsenal booqan doonto kooxda Newcastle United taas oo war fiican u ah Unai Emery iyo jamaahiirta kooxdiisa Gunners.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 4 ta Cayaaryahan ee ugu da.da ee abid loo magacaabay 11 ka Xiddig ee dunida ugu fiican

(26-9-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo sawirada 4 ta Cayaaryahan ee ahaa kuwa ugu da.da yare ...

Jose Mourinho” Paul Pogba dib danbe uma xiran doono Calaamada Kabtannimo ee Manchester United

(26-9-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Cayaaryahankiisa Paul Pogba uu xiran doono ...

Maurizio Sarri oo ka hadlay farqiga u dhexeeya Chelsea iyo Liverpool

(25-9-2018) Maurizio Sarri ayaa sheegay in ay ku qaadanayso muddo sanad ah in uu dhiso koox la heer ...

Real Madrid Cayaaryahan muhiim ah oo qaliin lagu Samayn doono?

(25-9-2018) Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Cayaartoyda ...

Paul Pogba oo markale ku celiyey kooxda uu doonayo

(25-9-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Paul Pogba ayaa markale ku celiyey kooxda uu doonayo in uu u Cayaaro isaga oo ...

Fabio Capello Iyo Diego Forlan Oo Weerar Bahdilaad Ah Ku Duray Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi – Waa Maxay Sababtu?

(25-9-2018) Tababaraha caanka ah ee Fabio Capello ayaa ku eedeeyey Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ixtiraam darro kaddib ...

Kaddib Guushii Xiddigga Adduunka, Waa Tuma Xaaska Luka Modric, Sidee Ayuu Jacaylkoodu Ku Bilaabmay?

(25-9-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ...

Daawo Sawirada Madaxweyne Farmaajo oo degmadii uu ku dhashay Gudoonsiiyey koobkii Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir

(25-9-2018) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka ...

Wariye Wax ka qoray qaladaad uu sheegay in uu ku arkay Xafladii abaal Marinta FIFA?

(25-9-2018) Waxaa soo idlaaday xaflada abaal marinta FIFA The Best ee lagu qiimeeyo xiddiga kubadda cagta qaybahooda kale ...

Daawo Sawirada iyo dhamaan sidii loo kala helay Abaal Marinada FIFA

(25-9-2018) Waxaa laqabtay Xafladii Caadiyan Sanadlaha ahayd ee lagu bixinayey abaal marinta Cayaartoyda iyo Macalimiinta Kubada cagta caalamka ...

Magacyada iyo Sawirada 11 ka Cayaaryahan ee Caalamka ugu fiican?

(25-9-2018) Xiriirka kubada Cagta Calamaka ee FIFA ayaa magacaabay 11 ka Cayaaryahan ee caalamka ugu fiican dhanka kubada ...

Mohamed Salah oo ku Guuleystey Abaal Marinta Puskas Award

(25-9-2018) Cayaaryahanka dalka Masar iyo Kooxda Liverpool ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka dhaliyey Goolkii ugu qurxoonaa waxaana lagu doonsiiyey ...

DEG DEG: Luka Modric oo ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalamka ugu fiican

(25-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalmaka ugu fiican kadib aflada ka dhacday ...

Paul Pogba Oo Weerar Culus Ku Qaaday Qaab Ciyaareedka Jose Mourinho Iyo Khilaafkoodii Oo Cirka Isku Shareeray

(25-9-2018) Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa halkiisa ka sii wata in ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan Caan ah oo Weligood Roose qaadan

(24-9-2018) Waxaan idiin doo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo sawirada shan cayaaryahan ee caan ka ah kubada Cagta isla ...