Monday, December 10th, 2018

Luka Modric Oo Caddeeyey In Aanu Sida Cristiano Ronaldo Uguma Waalan doono Abaal-marinta Xiddiga Adduunka

Published on September 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-9-2018) Halyeyga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa soo bandhigay sida uu shakhsiyan uga duwan yahay Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu kusoo baxay liiska tartameyaasha saddexda ah ee abaalmarinta ciyaartoyga ugu wanaagsan sannadkan.

Modric ayaa waxa uu sheegay in aanu dan ka lahayn, diiraddiisuna saarnayn abaal-marinta shakhsiga ah ee THE BEST, hase yeeshee, uu ka jecel yahay inuu awoodda saaro ciyaarta garoonka gudihiisa iyo inay asxaabtiisa si wada jir ah ugu wada guuleystaan koobab.

33 jirkan ayaa Cristiano Ronaldo ku garaacay abaal-marinta ciyaartoyga ugu wanaagsan qaaradda Yurub, waxaanay taasi keentay in Cristiano aanu ka qayb-gelin xafladdii lagu guddoonsiinayey abaal-marinta.

Modric oo warbaahinta siiyey hadal u muuqday inuu ugu duur-xulayey Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu sheegay in haddii la siiyo abaal-marin shakhsi ah aanay waxba iska beddeli doonin ee uu sidiisii hore uun ahaan doono, taas beddelkeedana uu ka jecel yahay kooxda oo guuleysata.

“Kubadda cagta, mar walba waxa ugu muhiimsan waa kooxda. Macne iima samaynayso haddii aan ku guuleysto abaal-marin shakhsi iyo in kale, sababtoo ah, ka sokow waxa laga helayo, waxba igama beddelayso.” Sidaas ayuu yidhi Modric.

Dhinaca kale, waxa uu Modric tibaaxay in Real Madrid ay u baahan tahay inay u shaqayso qaab koox ahaan isku duuban ah, waxaanu yidhi: “Waxaynu joojinay u ciyaaristii koox ahaaneed, waxaanaynu isku beddelnay kali ciyaareyaal, taasina maaha natiijo wanaagsan, waxa khasab ah inaynu taas cashar ka barano oo dib usoo kabano.”

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Layaab!: Sagaal bilood kadib Romelu Lukaku oo Gool ku dhaliyey Old Trafford

(09-12-2018) Weeraryahanka kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa ugu dambeyn soo gabagabeeyay abaartii gool la’aaneed ee ku heysatay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Jabisay Recotdkii layaabka lahaa ee Manchester City

(09-12-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta Manchester City kaddib markii ay uga badiyeen ...

Kiniinka Viagra-ha Oo Badan Ayaad Cuntay Oo Xataa Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Premier League Guulaysatay Ayaad Soo Gasheen- Piers Morgan Oo Messi Uga Hiilayay Pele

(09-12-2018) Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa waraysi uu siiyay Daily Mirror waxa uu si ...

Geesiga Islaamka Khabib Nurmagomedov oo hadal qiiro leh ka jeediyey Saudi Arabia

(08-12-2018) Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Khabib Nurmagomedov ayaa weerar ba’an kala kulmay gaalada reer galbeedka oo si ...

Chelsea oo qarka u saaran in ay heshiis lagasho badelka Eden Hazard Waa Kuma?

(08-12-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa xaalad kasta oo kasoo korodha xiddigeeda Eden Hazard oo aan ...

Manchester United Oo War Farxadle Ka Heshay Neymar Jr, Kaddib Dhawaaq Kasoo Yeedhay

(07-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa yididiilo geliyey kooxda dhibaataysan ee Manchester United, taas ...

Saadaasha qabiirka Cayaaraha BBC da Mark Lawrenson iyo Todobaadkaan Horyaalka Premier League

(07-12-2018) Horyaalka Premier League ayaa usbuucan la ciyaari doonaa kulamadiisii 16aad, waxaana iskaga hor iman doona kooxo waaweyn ...

Zinedine Zidane Oo Mucaaradkii Ugu Horreeyey Ku Yeeshay Gudaha Manchester United Sabab?

(07-12-2018) Manchester United ayaa ku jirta mid ka mid ah xili ciyaareedadii ugu xumaa muddo ka badan 30 ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee Sanadaha ugu badan kujira Garoomada ee weli Cayaara

(07-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa Magacyada iyo Sawirada  6 da Cayaaryahan ee Sanadaha ugu badan kujira Garoomada ee weli ...

Liiska dhaawacyada Barcelona oo si Kordhaya

(07-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay 4-1 ku jiidhay naadiga heerka saddexaad ee Cultural Leonesa oo ay ...

Jamaahiirta Man United oo Kabaha ladul maray mid ka mid ah Cayaartoyda Naadigooda

(07-12-2018)Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchesster United ayaa magacaabay ciyaartoy musiibo ku ahaa bandhiggooda kulankii xalay ay barbar dhaca ...

Radja Nainggolan oo ka maqnaan doona Inter Milan kulanka Juventus

(07-12-2018) Cayaaryahanka k9o9oxda Inter Milan ee lagu Magacaabo Radja Nainggolan  ayaa lacadeeyey in uu ka maqnaan doono kooxdiisa Cayaarta ...

Maxaa Iska Beddelay Gool-dhalinta Horyaalka Premier League, Yaase Hoggaaminaya?

(06-12-2018) Usbuucii 15aad ayaa soo dhamaaday tartanka horyaalka Premier League, waxaana ay kooxuhu isku diyaarinayaan jadwalka cidhiidhiga ah ...

Jurgen Klopp Oo Ku Sigtay Inuu Gacanta Ula Tago Tababaraha Burnley – Siday Wax U Dhaceen?

(06-12-2018) Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ku dhawaaday inay dhibaato ka dhex dhacdo dhiggiisa Burnley ...

Muxuu Lionel Messi U Sheegay Modric Kaddib Xafladdii Ballon d’Or?

(06-12-2018) Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa la sheegay inuu farriin u diray Luka Modric waxyar kaddib markii ...