Thursday, December 13th, 2018

Madaxweynaha Liberia Oo Dharka La Baxay Markii Uu U Adkaysan Kari Waayey Cayaar Dalkiisa Lagu Karbaashay+Sawiro

Published on September 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-8-2018) Madaxweynaha waddanka Liberia, George Weah ayaa u saftay dalkiisa ciyaar saaxiibtinimo oo ay iskaga hor yimaaddeen waddanka Nigeria Fiidnimadii Salaasada, taas oo ay daawashadeeda kasoo qayb-galeen dad badan.

Madaxweyne George Weah oo ay da’diisu tahay 51 jir, horena u ahaa ciyaartoy weyn oo ah laacibka kaliya ee kasoo jeeda qaaradda Afrika ee ku guuleystay abaal-marinta xiddiga Adduunka ayaa is hayn kari waayey, si degdeg ahna garoonka usoo galay daqiiqaddii 79aad, markaas oo xulkiisa la marinayey 2-1.

Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Monrovia ee caasimadda Liberia ayaa waxa uu George Weah xidhnaa funaanaddii uu caanka ku ahaa ee 14 ee dalkiisa uu u xidhan jiray, hase yeeshee waxa uu kulankan awoodi kari waayey inuu guul-darro ka baajiyo waddankiisa.

Nigeria oo ay u ciyaarayeen xiddigo wakhtigan dunidu u shidan tahay, sida Wilfred Ndidi oo u ciyaara Leicester City, Peter Etebo oo Stoke City ah, Kelechi Iheanacho oo Leicester ka tirsan, Simeone Nwankwo, Henry Onyekuru oo Everton ah iyo laacibiin kale ayaa waxay ciyaarta la hormareen laba gool oo ka xanaaqjiyey madaxweyne Weah, kuwaas oo kallifay inuu dharka la baxo, kaddibna garoonka soo galo.

Liberia ayaa gool la timid markii uu madaxweyne Weah soo galay, waxaana goolka oo rikoodhe ahaa dhaliyey Kpah Sherman.

Inkasta oo madaxweyne Weah uu ahaa ciyaartoy weyn, waxa uu haddana awoodi kari waayey inuu kulankan isbeddel ciyaareed ku sameeyo amaba ugu yaraan uu guul-darrada ka badbaadiyo. Sababtu layaab ma aha, waayo, waxa uu hadda yahay oday duq ah, halka ay garoonka joogeen oo ay ciyaarayeen laacibiin 25 jirro ah.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...