Sunday, February 17th, 2019

Orodyahankii ugu da.da weynaa Taariikhda oo ka qayb galay Cayaarihiisii ugu danbeeyey?

Published on September 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-9-2018) Fauja Singh oo lagu tilmaamo orodyahan ka mid ah orodyahanada ugu taariikh weyn muddo badana soo ordayay ayaa ciyaarta orodka kaga fadhiisanaya isaga oo da’diisu kor u dhaaftay 101 sano. Fauja Singh oo ah orodyahan u dhashay wadanka India balse wakhtigan haysta dhalasahda wadanka Ingiriiska ayaan wali ka tanaasulin in uu ordo orodada dhaadheer isaga oo da’dan jooga.

Sida ay ku soo warramayso majaladda caanka ah ee Sports of the week ee ka soo baxda wadanka Ingiriisku Singh ayaa qorshaynaya in uu orodkiisa ku soo gunaanado ku dhawad muddo 82 sanadood ah oo waxaanu qorshaynayaa in uu orodkiisaa mudada dheer qaatay ku so gunaanado orod Maaratoon ah oo dhawaan ka dhici doona jasiiradda Hong Kong dhererkiisuna yahay 10-Kiilo Mitir. Iyaba waa arrin layaab lehe orodyahankan duqa ahi waxa uu muujiyay karti aan looga baran aadamaha kadib mudada intaasi le’eg oo uu ordayay isaga oo aan mar kali ah da’diisu saamayn ku yeelan hannaanka orod ee uu ku soo caano maalay.

Dhawaan ayay ahayd markii xidhiidhka ciyaaraha fudud ee wadanka Ingiriisku abaalmarin heerkeedu sarreeyo ku siiyeen ninkan odayga ah orodada iyo da’da uu ku ordo oo ay wax ka baran karaan shucuubta adduunka ku nooli. Singh ayaa ah nin asalkiisu ka soo jeedo gobolka Bunjab ee dalka Hindiya isaga oo yarna u soo wareegay wadanka Ingiriiska. Wargeyska arrintan wax ka qoray waxa uu xusay in ninkan orodku aanu u ahayn wax uu ku shaqaysto oo xirfad u ah balse uu ahaa nin shaqaale ah oo nolol maalmeedkiisa kala soo baxa warshad wax soo saar oo uu muddo ku dhaw siddeetameeye sano ka soo shaqaynayay balse uu iska jeclaa orodka mar wal oo uu arko cid ordaysana uu dhinaca kaga qaban jiray. Singh waxa uu ka soo qayb galay ku dhawaad laba kun oo orod oo ka dhacay wadanka Ingiriiska iyo dalkiisa hindiya, waxaana lagu xasuustaa orodada Maaratoonka ah ee sannad walba lagu qabto caasimadda wadanka Ingiriiska ee London oo uu ka qab gali jiray jiilal kala dambeeyayna ku caqliyaysteen isaga uu ninkan duqa ahi ka qayb gala.

Mar wargeyska The Daily Telegraph wax ka waydiiyay caafimaadkiisa iyo sida ay ugu suurta gashay in uu da’dan ku soo gaadho isaga oo orodyahan ah waxa uu Fauja Singh ku jawaabay sidan: “Waxa ay ahayd taariikh hore. Aniga oo yar waxaan jeclaa orodka iyo guud ahaan jimicsiga. Waxaan ku soo barbaaray qoys beeralay ah oo subaxdii dadka oo dhammi u yaacaan dhinaca wax soo saarka beeraha. Jidh ahaan waxaan ahaa nin dhuuban oo orodkiisu aad u dheer yahay. Markii aan England soo dagay waxaan caadaystay in aan noqdo nin orda. Ilaa aan soo gaadhayay da’dan marnaba kamaan tanaasulin in aan orodka joojiyo. Dabcan da’da ayaan kuu saamaxayn in aad wax badan orod samayso balse waxaan ahaa nin ku dadaala in aanu joojin orodka si kasta oo awoodaydu isku dhimaysay”.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...