Tuesday, September 25th, 2018

FIFA Oo Fashilinaysa Qorshihii Barcelona Iyo Girona Ku Doonayeen In Kulankooda Horyaalka LaLiga Uu Ka Dhaco Maraykanka

Published on September 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-9-2018) Suurtogalnimada inuu rumoobo qorshihii ay Barcelona iyo Girona dejiyeen ee ahaa in kulankooda horyaalka LaLiga ay kusoo ciyaaraan waddanka Maraykanka, gaar ahaan Miami ayaa u muuqda inuu fashilmay, kaddib markii ay kulan yeesheen madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA, Ra’iisal wasaaraha waddanka Spain ee Pedro Sanchez iyo madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Spain.

Ra’iisal wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa magaalada Madrid kusoo dhoweeyey Gianni Infantino, waxaana kulankooda ka qayb-galay madaxa xidhiidhka kubadda cagta Spain, Luis Rubiales.

Kulankan saddexda masuul yeesheen, ayaa waxa ay iskula soo qaadeen xaqiiqada ah in aanay dawladda Spain ku farxi karin in ciyaarta Barcelona iyo Girona ay ka dhacdo dalka Maraykanka, sababta oo ah, labadan kooxoodba waxay ka dhisan yihiin gobolka Catalonia oo madax-bannaani doonaya, sidoo kalena looga faa’iidaysan karo arrimo siyaasadeed.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa isaguna ka sheegay kulanka in haddii ciyaartaasi ka dhacdo dalka Maraykanka ay dhibaato ku noqonaysa taageereyaasha gudaha Spain jooga ee doonayey inay ka qayb-galaan, sidoo kalena ay dhaawacayso guud ahaan tartanka.

Inkasta oo la sheegay in FIFA ay doonayso in ciyaaruhu is-dhex-galaan oo ciyaartan ay ka dhacdo Maraykanka, haddana danta guud ee gudaha Spain ayaa markii ay masuuliyiintu isla eegeen, waxay isku waafaqeen in maslaxadda caamka ahi ay ku jirto in kulanku uu ka dhacdo gudaha dalka.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain oo laga sugayey ogolaansho, ayaa la filayaa inuu soo saari doono go’aan uu ku diidayo in ciyaarta dalka dibeddiisa ay ka dhacdo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 4 ta Cayaaryahan ee ugu da.da ee abid loo magacaabay 11 ka Xiddig ee dunida ugu fiican

(26-9-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo sawirada 4 ta Cayaaryahan ee ahaa kuwa ugu da.da yare ...

Jose Mourinho” Paul Pogba dib danbe uma xiran doono Calaamada Kabtannimo ee Manchester United

(26-9-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Cayaaryahankiisa Paul Pogba uu xiran doono ...

Maurizio Sarri oo ka hadlay farqiga u dhexeeya Chelsea iyo Liverpool

(25-9-2018) Maurizio Sarri ayaa sheegay in ay ku qaadanayso muddo sanad ah in uu dhiso koox la heer ...

Real Madrid Cayaaryahan muhiim ah oo qaliin lagu Samayn doono?

(25-9-2018) Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Cayaartoyda ...

Paul Pogba oo markale ku celiyey kooxda uu doonayo

(25-9-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Paul Pogba ayaa markale ku celiyey kooxda uu doonayo in uu u Cayaaro isaga oo ...

Fabio Capello Iyo Diego Forlan Oo Weerar Bahdilaad Ah Ku Duray Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi – Waa Maxay Sababtu?

(25-9-2018) Tababaraha caanka ah ee Fabio Capello ayaa ku eedeeyey Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ixtiraam darro kaddib ...

Kaddib Guushii Xiddigga Adduunka, Waa Tuma Xaaska Luka Modric, Sidee Ayuu Jacaylkoodu Ku Bilaabmay?

(25-9-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ...

Daawo Sawirada Madaxweyne Farmaajo oo degmadii uu ku dhashay Gudoonsiiyey koobkii Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir

(25-9-2018) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka ...

Wariye Wax ka qoray qaladaad uu sheegay in uu ku arkay Xafladii abaal Marinta FIFA?

(25-9-2018) Waxaa soo idlaaday xaflada abaal marinta FIFA The Best ee lagu qiimeeyo xiddiga kubadda cagta qaybahooda kale ...

Daawo Sawirada iyo dhamaan sidii loo kala helay Abaal Marinada FIFA

(25-9-2018) Waxaa laqabtay Xafladii Caadiyan Sanadlaha ahayd ee lagu bixinayey abaal marinta Cayaartoyda iyo Macalimiinta Kubada cagta caalamka ...

Magacyada iyo Sawirada 11 ka Cayaaryahan ee Caalamka ugu fiican?

(25-9-2018) Xiriirka kubada Cagta Calamaka ee FIFA ayaa magacaabay 11 ka Cayaaryahan ee caalamka ugu fiican dhanka kubada ...

Mohamed Salah oo ku Guuleystey Abaal Marinta Puskas Award

(25-9-2018) Cayaaryahanka dalka Masar iyo Kooxda Liverpool ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka dhaliyey Goolkii ugu qurxoonaa waxaana lagu doonsiiyey ...

DEG DEG: Luka Modric oo ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalamka ugu fiican

(25-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalmaka ugu fiican kadib aflada ka dhacday ...

Paul Pogba Oo Weerar Culus Ku Qaaday Qaab Ciyaareedka Jose Mourinho Iyo Khilaafkoodii Oo Cirka Isku Shareeray

(25-9-2018) Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa halkiisa ka sii wata in ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan Caan ah oo Weligood Roose qaadan

(24-9-2018) Waxaan idiin doo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo sawirada shan cayaaryahan ee caan ka ah kubada Cagta isla ...