Tuesday, November 13th, 2018

Makuu sheegaa sabab layaab leh oo uu Kylian Mbappe kaga Wanaagsanyahay Messi iyo Cristiano Ronaldo?

Published on September 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-9-2018) Wakhti kooban kahor dunida kubadda cagta ayaa la yaabanayd shaqsiga heerka ugu sarreeya ee kubadda ka bedeli doona xiddigaha 10-kii sano ee ugu dambeeyay kasoo talinayay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, Jawaabtan ayaa u muuqatay kaddib soo if-bixitaankii xiddigo badan balse haddana gadaal ayay ka fashilmeen xiddigahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Jawaabtan ayaa u muuqata mid haatan timid wakhti ka horeeya midkii la filayay iyadoo Kylian Mbappe, Xiddiga xulka qaranka France iyo kooxda Paris Saint-Germain  uu u muuqdo mid leh waxkasta oo looga baahan yahay si uu u noqdo boqorka xiga ee kubadda cagta.

Haddaba, Isagoo jiraya kaliya da’da 19 sano Kylian Mbappe ayaa jabiyay saddex rekoodh oo waaweyn marka lala bar-bardhigo wakhtigii ay Cristiano Ronaldo iyo Kylian Mbappe marayeen da’diisa haatan.

F.G: Saddexdan rekoodh ayaa ah kuwo dhinaca gool dhalinta ah, Xogtan ayaana cadayn u ah in Mbappe uu da’da 19-ka ka gool dhalin fiican yahay Leo iyo Ronaldo oo haatan loo aqoonsan yahay mashiinada goolasha kuwooda ugu waaweyn ee kubadda cagta dunida.

Goolashan ayaa kala ah goolasha ay saddexda ciyaartoy ku dhaliyeen da’da 19-ka ee uu Mbappe haatan taagan yahay iyadoo loo kala saarayo goolasha ay kooxaha u dhaliyeen guud ahaan, Si lamid ah goolashooda guud ahaaneed ee xulalka qaranka ee da’daas iyo goolasha Champions League ee ay isla da’daas ku dhaliyeen.

Goolasha heer kooxeed:

Kylian Mbappe – 52 Gool

Leo Messi – 25 Gool

Cristiano Ronaldo – 17 Gool

Goolasha UEFA Champions League:

Kylian Mbappe – 10 gool

Leo Messi – 2 gool

Cristiano Ronaldo – 0 Gool

Goolasha heer qaran:

Kylian Mbappe – 9 gool

Cristiano Ronaldo – 7 gool

Leo Messi – 4 gool

Si kastaba ha ahaatee, Waxa hubanti ah in haddii wiilka dahabiga ah ee reer France uu qaabkan kusii socdo uu dhaafi doono rekoodhada gool dhalinta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo shaqsiyaad badani qabaan inay yihiin rekoodho mudo dheer ka ooli doona garoomada kubadda cagta.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Macalin Antonio Conte muxuu ku maagay Sergio Ramos?

(13-11-2018) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaantii isaga oo jawaabo ...

London oo markale qaabileysa Samir Nasri

(13-11-2018i) Cayaaryahankii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo ...

Rasmi: Santiago Solari oo loo Magacaabay Macalinka Rasmiga ah ee Real Madrid

(13-11-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta  Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka ...

Lionel Messi oo ku Guuleystey Xiddiga Sanadka iyo abaal marinta Pichichi

(13-11-2018)Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ...

Halyeygii Reer Brazil Ee Roberto Carlos Oo Sameeyey Ballan-qaad Ka Farxiyey Jamaahiirta Real Madrid

(12-11-2018) Halyeygii reer Brazil ee Roberto Carlos ayaa sameeyey ballan-qaad ka farxiyey jamaahiirta kooxdiisii hore ee Real Madrid, ...

Leroy Sane Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda Cagta – Miyuu Iloobay Pele, Maradona, Zidane, Ronaldinho Iyo Halyeeyadii Jarmalka?

(12-11-2018)Xiddiga reer Germany ee garabka uga ciyaara Manchester City ee Leroy Sane ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee uu ...

XOG: Afar Arrimood Oo Madaxweynaha Real Madrid Ku Qasbi Doona In Santi Solari Loo Magacaabo Tababare Rasmi Ah

(12-11-2018) Santi Solari waxa uu sii wadaa natiijooyin wanaagsan oo uu ku kasban karo in si rasmi ah ...

Sanchez oo Gadood ka ah Xiddigaha United isagoo kaliya la Hadla Seddax Laacib

(12-11-2018)P ALEXIS SANCHEZ ayaa qarka u saaran inuu ka hayaamo Man United wuxuuna sheegay inuu gadood ka yahay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Taako loo dhigay

Chelsea ayaa awood u yeelan weysay iney dhaafo kooxda Everton oo marti u aheyd kaddib markii ay ku ...

Daawo: Manchester United oo qaadatay Casharada Pep Guardiola iyo David Silva

(12-11-2018) Kooxda Manchester City ayaa guul dhamaystiran Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo dhulka lagu jiidey

(12-11-2018) Kooxda Barcelona aya guuldaro lama filaan ah kala kulanta kooxda Real Betis oo marti ugu ahayd gegida ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul daro Xanuun badan kala kulantay Atalanta

(11-11-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ayaa Guuldaro Xanuun badan kala kulantay Naadiga Atalanta waxaana looga badiyey 4-1. Inter Milan ...

Kulamada Super Sunday Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(11-11-2018) Waxaa Maanta oo axad ah lacayaari doonaa kulamadii ugu xiisaha badnaa waxaana iska hor imaan doona kooxo ...

Taageerayaasha AC Milan oo soo bandhigay qorsha ay ku qaabili doonaan Leonardo Bonucci

(11-11-2018) Kulan adag ayaa ka dhici doona Garoonka San Siro ee Magaalada ,Milano kaas oo dhex mari doona ...

Alexandre Pato oo iska fogeeyey in uu ku soo laaban doono AC Milan

(11-11-2018) Weeraryahankii hore ee kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa beeniyey Warar dhawaan soo baxay oo sheegayey in uu ku ...