Tuesday, November 13th, 2018

Sergio Ramos Oo Sii Ogaaday Hal Ciyaartoy Oo Tababaraha Real Madrid Uu Ka Tuurayo Shaxda Kooxda Koowaad – Waa Kuma Cayaartoygaasi?

Published on September 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-9-2018) Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid, Sergio Ramos ayaa sii ogaaday in hal ciyaartoy oo ay saaxiibo dhow yihiin uu ka bixi doono shaxda kooxda koowaad ee tababare Julen Lopetui.

Ramos ayaa helay xogta qorshaha tababaraha Real Madrid oo iftiiminaysa in Isco uu geli doono kaydka, isla markaana laga door bidi doono ciyaartooyada kale.

Sida uu qoray wargeyska Diario Gol, waxa shaxda koowaad kusoo laaban doona Luka Modric oo caafimaadkiisu taam noqday kaddib markii uu saddexdii kulan ee horyaalka LaLiga uu beddel kusoo galay, waxaana ay taasi khasab ka dhigaysaa in tababare Lopetegui uu kaydka u diro Isco.

Warkan oo aan u fiicnayn dhegaha Isco oo filayey inuu boos joogto ah ka helo tababaraha cusub,, kaddib wakhti adag oo soo maray xilligii Ronaldo oo uu beddel suge ahaa, ayaa waxa uu farxad u yahay ciyaartooyo kale sida Asensio oo si buuxda u qaatay booskii uu banneeyey Cristiano Ronaldo.

Isco oo 26 jir ah ayaa xili ciyaareedkii hore waxa uu Real Madrid u saftay 49 ciyaarood guud ahaan tartamada, hase yeeshee intooda badan waxa uu kusoo galay beddel, iyadoo uu tababare Zindane ku dhagsanaa shaxdiisa oo ay iska garab ciyaari jireen Modric, Toni Kroos iyo Casemiro.

Isco oo Real Madrid ay sannadkii 2013 kala soo wareegtay Malaga ayaa illaa hadda u halgamaya inuu helo boos joogto ah, waxaana uu farxad dareemay markii bishii June ay Real Madrid ku dhowaaqday in Julen Lopetegui oo ahaa macallinka xulka Spain uu noqonayo tababaraha beddelaya Zidane.

Sababta uu Isco ugu farxay ayaa ahayd inuu ahaa furaha xulka qaranka oo uu si joogto ah u ciyaari jiray, laakiin qaab-ciyaareedka Real Madrid ayaa ka duwan ta xulka, waxaana jooga ciyaartooyo ka magac iyo xirfadba badan oo aanu booska kala bixi karin.

Nasiibka ugu weyn ee uu heli karo Isco ayaa noqon doonta in uu midkood dhaawacmo saddexda ciyaartoy ee Modric, Kroos iyo Casemiro, amaba uu iska sugo in wakhtiyada dambe ee ciyaaraha qaarkood uu beddel kusoo galo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Macalin Antonio Conte muxuu ku maagay Sergio Ramos?

(13-11-2018) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaantii isaga oo jawaabo ...

London oo markale qaabileysa Samir Nasri

(13-11-2018i) Cayaaryahankii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo ...

Rasmi: Santiago Solari oo loo Magacaabay Macalinka Rasmiga ah ee Real Madrid

(13-11-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta  Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka ...

Lionel Messi oo ku Guuleystey Xiddiga Sanadka iyo abaal marinta Pichichi

(13-11-2018)Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ...

Halyeygii Reer Brazil Ee Roberto Carlos Oo Sameeyey Ballan-qaad Ka Farxiyey Jamaahiirta Real Madrid

(12-11-2018) Halyeygii reer Brazil ee Roberto Carlos ayaa sameeyey ballan-qaad ka farxiyey jamaahiirta kooxdiisii hore ee Real Madrid, ...

Leroy Sane Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda Cagta – Miyuu Iloobay Pele, Maradona, Zidane, Ronaldinho Iyo Halyeeyadii Jarmalka?

(12-11-2018)Xiddiga reer Germany ee garabka uga ciyaara Manchester City ee Leroy Sane ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee uu ...

XOG: Afar Arrimood Oo Madaxweynaha Real Madrid Ku Qasbi Doona In Santi Solari Loo Magacaabo Tababare Rasmi Ah

(12-11-2018) Santi Solari waxa uu sii wadaa natiijooyin wanaagsan oo uu ku kasban karo in si rasmi ah ...

Sanchez oo Gadood ka ah Xiddigaha United isagoo kaliya la Hadla Seddax Laacib

(12-11-2018)P ALEXIS SANCHEZ ayaa qarka u saaran inuu ka hayaamo Man United wuxuuna sheegay inuu gadood ka yahay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Taako loo dhigay

Chelsea ayaa awood u yeelan weysay iney dhaafo kooxda Everton oo marti u aheyd kaddib markii ay ku ...

Daawo: Manchester United oo qaadatay Casharada Pep Guardiola iyo David Silva

(12-11-2018) Kooxda Manchester City ayaa guul dhamaystiran Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo dhulka lagu jiidey

(12-11-2018) Kooxda Barcelona aya guuldaro lama filaan ah kala kulanta kooxda Real Betis oo marti ugu ahayd gegida ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul daro Xanuun badan kala kulantay Atalanta

(11-11-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ayaa Guuldaro Xanuun badan kala kulantay Naadiga Atalanta waxaana looga badiyey 4-1. Inter Milan ...

Kulamada Super Sunday Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(11-11-2018) Waxaa Maanta oo axad ah lacayaari doonaa kulamadii ugu xiisaha badnaa waxaana iska hor imaan doona kooxo ...

Taageerayaasha AC Milan oo soo bandhigay qorsha ay ku qaabili doonaan Leonardo Bonucci

(11-11-2018) Kulan adag ayaa ka dhici doona Garoonka San Siro ee Magaalada ,Milano kaas oo dhex mari doona ...

Alexandre Pato oo iska fogeeyey in uu ku soo laaban doono AC Milan

(11-11-2018) Weeraryahankii hore ee kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa beeniyey Warar dhawaan soo baxay oo sheegayey in uu ku ...