Tuesday, September 25th, 2018

Shan Sababood oo Liverpool ay Ku Garaaci Karto Kooxda Tottenham Kulanka Sabtida..

Published on September 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-9-2018) Todobaadka soo socda ayaa dib loogu soo labanayaa Horyaalada kala duwan ee qaarada yurub kaddib markii Xiddigaha ay soo guteen waajibaadka Dalalkooda.

Muhiimada kulankan ayaan mid fudud u ahayn labada kooxood iyada oo guuldaro soo gaarto Tottenham ay ka sii fogayn doonto hogaanka halka guuldaro la kulanta Liverpool-na ay noqon doonto midii ugu horaysay ee xilli ciyaareedkan.

Hoos ka Aqriso Sababha Liverpool ay ku gaarci karto kooxda Tottenham.

1.Tottenham oo aan ilaa haatan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican:Waxa Run ah in ay Tottenham haysato 9 dhibcood laakiin waxa ay ku dhibaatootay in ay guul gaadho kulamadii ay la ciyaartay kooxaha Newcastle iyo Fulham xilli ay si la mid ah qaab aan fiicnayn soo bandhigtay kulankii Man United inkasta oo ay heshay 3-da dhibcood ee kulankaas Laakiin fasaxa xulalka ayaa ugu soo galay guuldaro xanuun badan oo ay kala kulantay kooxda Watford taas oo muujisay ceebaha kooxda Tottenham halka ay Liverpool fursad fiican u tahay in ay garaacdo Tottenham inta ay ku jirto qaab ciyaareedka liita.

2.Ka Fogaynta Tottenham ee Tartanka:Hadii ay Liverpool guul gaadho waxa ay 6 dhibcood ka horayn doontaa Tottenham, inkasta oo uu horyaalku bilow yahay hadana farqigaas ayaa ah mid ku filan Liverpool ugu yaraan dhamaadka qaybta hore ee xilli ciyaareedka waxana ay cid walba ogtahay in ay Tottenham u tartami doonto horyaalka.

3.Soo Celinta Qaabkii Ay Man City Awood Ugu Qabsatay Premier League:Liverpool ayaa ilaa haatan gaadhay 4 guulood oo xiriir ah, hadii ay badiso kulanka sabtida waxa ay fariin cad u diraysaa kooxaha premier League in ay si cad u doonayaan ku guulaysiga horyaalka, sida caadada ah bilowga cajiibka ah ee kooxda ee horyaalka ayaa koox kasta ka caawisa in ay kooxaha ka soo hor jeeda cabsi nafsi ahaaneed ku rido ka hor inta ayna ciyaartuba bilaabmin sidii ay samaysay man city xilli ciyaareedkii hore gaar ahana hadii ay guusha 5-aad timaado koox weyn in ay ka gaadho.

4.Ka Aar Gudashada Guuldaradii Xilli Ciyaareedkii hore:Tottenham ayaa Liverpool dusha u saartay guuldaro xanuun kulul qaybtii hore ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore iyada oo ku garaacday 4/1 waana guuldaro so weyn Liverpool uga fogaysay kooxda Man city shakina galisay xiddigaha Liverpool.

5.Isku Diyaarinta Bil ay ciyaari doonaan kulamo adag:Liverpool ayaan nasan doonin Bartamaha bisha September ilaa dhamaadka bisha October iyaga oo ciyaari doona kulamo adag oo ay ugu horayso kooxda Tottenham sidoo kale la ciyaari doonto kooxaha PSG,Chelsea (2) iyo Man City in ay guul ku bilaabato bishaas ayaa xiddigaha kooxda siinaya kalsooni buuxda oo ay ku aaminayaan in ay cid walba ka badin karaan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 4 ta Cayaaryahan ee ugu da.da ee abid loo magacaabay 11 ka Xiddig ee dunida ugu fiican

(26-9-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo sawirada 4 ta Cayaaryahan ee ahaa kuwa ugu da.da yare ...

Jose Mourinho” Paul Pogba dib danbe uma xiran doono Calaamada Kabtannimo ee Manchester United

(26-9-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Cayaaryahankiisa Paul Pogba uu xiran doono ...

Maurizio Sarri oo ka hadlay farqiga u dhexeeya Chelsea iyo Liverpool

(25-9-2018) Maurizio Sarri ayaa sheegay in ay ku qaadanayso muddo sanad ah in uu dhiso koox la heer ...

Real Madrid Cayaaryahan muhiim ah oo qaliin lagu Samayn doono?

(25-9-2018) Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Cayaartoyda ...

Paul Pogba oo markale ku celiyey kooxda uu doonayo

(25-9-2018) Manchester United Cayaaryahankeeda Paul Pogba ayaa markale ku celiyey kooxda uu doonayo in uu u Cayaaro isaga oo ...

Fabio Capello Iyo Diego Forlan Oo Weerar Bahdilaad Ah Ku Duray Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi – Waa Maxay Sababtu?

(25-9-2018) Tababaraha caanka ah ee Fabio Capello ayaa ku eedeeyey Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ixtiraam darro kaddib ...

Kaddib Guushii Xiddigga Adduunka, Waa Tuma Xaaska Luka Modric, Sidee Ayuu Jacaylkoodu Ku Bilaabmay?

(25-9-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ...

Daawo Sawirada Madaxweyne Farmaajo oo degmadii uu ku dhashay Gudoonsiiyey koobkii Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir

(25-9-2018) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka ...

Wariye Wax ka qoray qaladaad uu sheegay in uu ku arkay Xafladii abaal Marinta FIFA?

(25-9-2018) Waxaa soo idlaaday xaflada abaal marinta FIFA The Best ee lagu qiimeeyo xiddiga kubadda cagta qaybahooda kale ...

Daawo Sawirada iyo dhamaan sidii loo kala helay Abaal Marinada FIFA

(25-9-2018) Waxaa laqabtay Xafladii Caadiyan Sanadlaha ahayd ee lagu bixinayey abaal marinta Cayaartoyda iyo Macalimiinta Kubada cagta caalamka ...

Magacyada iyo Sawirada 11 ka Cayaaryahan ee Caalamka ugu fiican?

(25-9-2018) Xiriirka kubada Cagta Calamaka ee FIFA ayaa magacaabay 11 ka Cayaaryahan ee caalamka ugu fiican dhanka kubada ...

Mohamed Salah oo ku Guuleystey Abaal Marinta Puskas Award

(25-9-2018) Cayaaryahanka dalka Masar iyo Kooxda Liverpool ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka dhaliyey Goolkii ugu qurxoonaa waxaana lagu doonsiiyey ...

DEG DEG: Luka Modric oo ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalamka ugu fiican

(25-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalmaka ugu fiican kadib aflada ka dhacday ...

Paul Pogba Oo Weerar Culus Ku Qaaday Qaab Ciyaareedka Jose Mourinho Iyo Khilaafkoodii Oo Cirka Isku Shareeray

(25-9-2018) Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa halkiisa ka sii wata in ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan Caan ah oo Weligood Roose qaadan

(24-9-2018) Waxaan idiin doo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo sawirada shan cayaaryahan ee caan ka ah kubada Cagta isla ...